Ciidamada Soomaaliya dhaqaale ma ka dhaxli doonaan kuwa ATMIS ee baxaya?

ATMIS iyo SNM

Xigashada Sawirka, Getty images/Sonna

    • Author, Ahmed cadceed
    • Role, Freelance Journalist at BBC Somali News

Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay kala guurka hawgalka ammaanka ee ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, iyadoo la guda galay abaabulka iyo hannaanka ka bixitaanka dalka Soomaaliya ee ciidamadan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamadeedu ay diyaar u yihiin la wareegista amniga gudaha si buuxda.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka gacan ka heleysa bah wadaagta ay iska kaashadaan dhanka ammaanka, ayaa bilihii lasoo dhaafay waxay tababartay ciidamado ATMIS kala wareegaya amniga ciidamada oo gaaraya 2,000 kuwaas oo lagu dabooli doono goobaha ay bannaynayaan ciidamada Midowga Afrika.

Laba kun oo ka tirsan ciidamada ATMIS, ayaa kama danbeyn si buuxda ugu wareejin doonna mas’uuliyadda amniga dhammaadka bishan June ee sanadkan 2023-ka ciidamada dowladda Soomaaliya, sida uu qorayo qaraarada Qaramada Midoobay Golihiisa Ammaanka, ee tirsigooodu yihiin 2628 iyo 2670.

Saddex kun oo kale ayaa la filayaa in ay dalka ka baxaan, ka hor inta uusan dhamaanin sannadkan 2023, iyada oo inta soo hadhay ay si tartiibtartiib ah uga bixi doonaan sannadka soo socda ee 2024.

Dhaqaalaha ATMIS ku baxa CXS ma la siinayaa?

Kulankii Brussels

Xigashada Sawirka, ATMIS

Qoraalka sawirka, Dawladda Soomaaliya, MATMIS iyo Midowga Yurub ayaa ku kulmay magaalada Brussels

La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Xuseeen Macalin ayaan wax ka weydiinay in marka ay baxaan ciidamada ATMIS, dhaqaalihii ay Midowga Yurub ku bixin jireen loo weecin doono Kuwa Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Runtii arrinta dhaqaalaha waxay ku aaddan tahay sidii ay Midowga Yurub ciidamada Soomaaliya ugusoo wareejinlahaayeen taageerada ATMIS ku baxaysa, baddalkeeda ay ciidamada Soomaaliya ku awood siiso,” ayuu yiri Xuseen oo sheegay in dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay lixdii bilood ee u dambeysay “kala saxiixdeen heshiis sidii hore ka ballaaran”.

Dhaqaalaha ay dawladda Soomaaliya weydiinsanayso Midowga Yurub oo aan la taliyaha ka codsannay in uu nala wadaago inta uu la egyahay ayuu ka gaabsaday, balse waxa uu sheegay in uu yahay dhaqaale malaayiin doolar ah. Taas oo ah boqolkiiba ka ka mid ah kan hadda ay ku bixiyaan ATMIS.

Soomaaliya ayaa dhawaan Midowga Yurub kulan kula yeelatay magaalada Brusels ee xarunta u ah iyagfa oo sida uu sheegay Xuseen ay kawada hadleen arrimaha kor ku xusan ee ah sidii Taageerada ciidamada Soomaaliya uu Midowga Yurub usii wadi lahaa ka dib marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika.

Bixitaankaqaybta u horreysa ee ciidamada ATMIS ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dalwdda Soomaaliya sheegtay in uu dib dhacay wajigii labaad ee hawlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shaab, iyada oo ay Al Shabaab dhawaan ku weerareen Magaalada Buulumareer ciidamada Ugnada oo halkaas saldhig ku lahaa.

ATMIS

Xigashada Sawirka, ATMIS

Xagay ka baxayaan 2000 kun ee ATMIS?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida qorshuhu ahaa isla markaana uu noo xaqiijiyey la taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Soomaaliya- Xuseen Macalin, cutubyada ugu dambeeya ee ciidamada ATMis ayaa qorshuhu yahay in ay dalka ka baxaan bisha Diseembar ee sannadka innagusoo aaddan. “Bishan aan ku jirno ee Juun ayaa labadii kun ee heshiisku ahaa baxayaan, kadibna saddex kun ayaa ku xigta oo sannadkan inta uusan dhamanin loogu tala galay in ay baxdo, inta hartayna sannadka dambe ayey tartiib tartiib u bixi doonaan.” Ayuu yiri Xuseen oo qadka taleefanka ugu warramay BBC-da xilli uu ku sugnaa magaalada Doxa ee dalka Qatar oo uu ka socday shir u dhexeeyay wakiillo ka kala socda Soomaaliya iyo shan dal oo taageeraa gooni ah siiya Soomaaliya.

La taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya oo aan wax ka weydiinay ayaa ka gaabsaday goobaha iyo saldhigyada ay ka baxayaan labada kun ee Bishan baxaysa, balse wuxuu sheegay in ay u qaybsan yihiin shanta dal ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

“Aagagga.. Shanta dal ee ciidamadu Soomaaliya ka joogaan – Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya, Jabuuti ayey ka kala tagayaan, Ciidamadii Soomaaliyeed ee la wareegi lahaa amnigana waa laga tashaday waana la diyaar gareeyay.” Ayuu yiri Xuseen.

Shanta dal ee ku mideysan taageerada Soomaaliya?

Dalalka ku bahoobay taageerada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, MOFA

Wakiilo ka kala socda dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkiga, Maraykanka, Imaaraatdka iyo Ingiriiska, oo kulankoodii saddexaad uga qabsoomay magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa si wada jir ah bayaan u soo saaray.

Kulanka oo isniintii dhacay ayaa sida bayaanka ku xusan looga hadlayey xaaladaha Amniga, Siyaasadda iyo biniaadannimo ee Soomaaliya.

"Saaxiibadu waxay hoosta ka xariiqeen taageerada ay u hayaan dawladda federaalka Soomaaliya, si ay u gaadho degganaansho amni ee xaaladda hadda, in lagasii hadlo siyaabo loo dhiso kalsooni, dhismaha iyo horumarinta siyaasadeed, iyo qabanqaabada la dagaalanka aragagixisada iyo taageerada amni ee heer caalami." ayaa lagu yiri bayaanka oo si wada jir ah ay usoo saareen wakiilada shanta dal iyo Sooomaaliya.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu muujiyey in ay kooxdu soo dhaweynayso sida ay dawladda Soomaaliya u xoojinayso waaxdeeda amniga iyo isu diyaarinta sida ay ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga marka ay sannadka 2024 ka baxaan ciidamada midowga Afrika ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya. Kulanka xiga kan isniintii ka dhacay Dooxa ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.