War Deg Deg: Qarax iyo rasaas laga maqlayo aagga xeebto Liido ee magaalada Muqdisho
Wararka deg degga ah
Tebin toos ah
Dhimashada Falastiiniyiinta oo sare u kacday - wasaaradda caafimaadka ee Falastiin
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa baahisay in ugu yaraan dadka ku dhintay marinka Gaza ee reer Falastiin ay gaarayaan 25,700 oo ruux, kuwaas oo dhimashadoodu dhacaysay tan iyo markii dagaalka Gaza iyo Israa'iil uu bilowday 7 dii October ee sandkii hore.
Sida ay sheegtay wasaaraddu 210 ruux oo kamid ah dadkaas ayaa dhintay 24 kii saac ee la soo dhaafay.
Waxaa kale oo dhaawacmay 400 ruux, taas oo ka dhigaysa tirada dhaawac guud 63,740.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii Pearl Beach
Xigashada Sawirka, SONNA
Sida ay baahisay warbaahinta qaranka, ciidamada
ammaanka ayaa la sheegay inay soo afjareen weerarkii xalay lagu qaaday hoteel ku yaallaXeebta Liido.
Weerarka oo ka dhacay hoteelka Pearl Beach ee
xeebta Liido, oo ay dadku u caweysin tagaan, ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn
khasaaraha ka dhashay.
Warka dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dad
badan oo rayid ah laga soo badbaadiyay gudaha hoteelka.
Xalay
fiidkii ayay rag hubeysan gudaha u galeen hoteelka, halkaasoo qaraxyo iyo is
rasaaseyn ay ka dhacday.
Waa kuma korneelkii Uganda ee riyadiisii ay soo afjareen al-Shabaab?
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in ugu yaraan 54 meydadka saraakiil ka tirsanaa ciidamada Uganda laga soo saaray xerada milatari ee toddobaad kahor ay weerarka ku soo qaadeen al-Shabaab. Waxaa meydka ka mid ahaa gaashaanle dhexe Edward Nyororo oo ahaa taliyihii saldhigga la weeraray. Halkan ka akhri
War Deg Deg: Qarax iyo rasaas laga maqlayo aagga xeebto Liido ee magaalada Muqdisho
Qarax ayaa goordhow ka dhacay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Weriyeyaasha BBC ee Muqdisho waxay sheegeen in sidoo kale ay rasaas ka socoto goobta uu qaraxa ka dhacay.
Labo qarax ayaa ka dhacday maqaayad ku taal xeebta Liido oo horey loo dhehi jiray Ocean view, haddana lagu magacaabo Pearl. Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in rasaas xoogan ay ka socoto goobta.
Warbahinta dawladda ayaa sheegaysa in ay ciidamada amnigu galeen goobta isla markaana ay dad kasoo badbaadiyeen.
Facebook oo sameynaya bar bulsho oo la tartanta Twitterka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Meta
ayaa soo bandhigtay qorshayaal ay ku
dooneyso bar bulsho oo la tartanta Twitterka.
Bartaas bulsho
ayaa u oggolaaneysa macaamiishu inay raacaan akoonnada ay horey
ula socdeen ee Instagram iyo habka sawirada
lagu wadaago ee Meta.
Waxayna u suurtogalin
kartaa macaamiisha inay u ogolaato inay
kuwa ku xiran kasoo saaraan aaladaha wax baahiya sida Mastodon.
Afhayeen u
hadlay Meta ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Shabakadaasi bulsho ay dhismo kusocoto.
"Waxaan
sahaminaynaa shabakad bulsho oo baahsan si loo wadaago wararka cusub,"
ayay yiraahdeen.
Hal bilyan oo dollar oo lagu qabtay Istanbul
Xigashada Sawirka, dha
Waxaa la sheegay in Eedeysanayaasha lagu soo qabtay
Howlgal uu soo qaban qaabiyay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka.
Eedeysanayaashan ayaa waxa ay isku
dayeen inay lacagahaan u diraan dalalka Afrika.
Sida laga soo xigtay wargeyska DHA, dollarka been abuurka ah
ee ay daabaceen xubnaha ururka ayaa lagu hayaa bakhaar ku yaal Kağıthane.
Hawlgalka, 3 muwaadin oo Swedish ah oo lagu kala magacaabo
DBSB, NJW iyo muwaadin British ah oo lagu magacaabo JW, muwaadin Ghana ah oo
lagu magacaabo AKK iyo A.Ö. Turki ah ayaa xabsiga loo taxaabay.
Kooxaha gendarmerie, oo sidoo kale baaritaan ku sameeyay
guryaha raaxadda ah ee tuhmanayaasha ee Şişli, ayaa soo qabtay lacago kale iyo
dahab.
Sida laga soo xigtay DHA, waxaa lagu sheegay in
qunsuliyadaha dalalka ay khusayso lagu wargeliyay eedaysanayaasha, lacagta been
abuurka ah ee lagu qabtay.
hawlgalkan lacagta
lagusoo qabtay ayaa ah tii ugu badnayd ee hal mar la qabto taariikhda Turkiga.
Dhageyso: 22 carruur ah oo ku dhimatay degmada Qoryooleey kadib markii ay ku qaraxday bambaano ay ku ciyaarayeen
22 caruur ah ayaa ku dhimatay seddex kalena waa ay ku dhaawacmeen maanta gelinkii hore degamadda Qoryoolooy ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib markii uu ku qarxay gantaal ay ku ciyaarayeen.
Gudoomiyah degmadda Qoryooleey Ibraahim Malabow oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in Meesha uu qaraxu ka dhacay lagu magacaabo Muraalle oo u dhaxeeysa Qoryooleey iyi Jannaalle.
gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay hubka carruurta ku qarxay meesha dhigeen.
Qoraalka Codka, Qarax qoryooley
90 jir Reer Hindiya ah oo xabsi daa’in lagu xukumay kadib dil uu geeystay 42 sano ka hor
Xigashada Sawirka, JITENDRA KISHORE
Qoraalka sawirka, Eedeysanaha kaliya ee kbadbaaday eedaysanaha ,Ganga Dayal (dhexda) ayaa lagu xukumay xabsi daa’in
Toddobaadkii hore 90 jir ah oo reer Hindiya ah ayaa lagu
xukumay xabsi daa’in, kaddib markii lagu helay inuu dilay 10 qof, fal-dembiyeed
dhacay 42 sano ka hor. Qoysaska dhibanayaasha ayaa sheegay in xukunka maxkamadda
uu aad ugasoo daahay si uumacno ugu
yeehso, khubarada xagga sharciga ayaa sheegay in uu nyahay kiis ku dayasho
mudan "cadaaladii dib loo dhigay oo
ladiiday".
Fiidnimadii 30-kii December 1981 waa mid aan ka go’eyn xusuusta dadka ugu da'da weyn tuulada Sadhupur
ee waqooyiga gobolka Uttar Pradesh.
"Koox rag ah ayaa soo galay dhismaha gurigayga abbaare
6:30 galabnimo waxayna bilaabeen inay toogtaan," ayeey tiri Premvati. Ma hubto
da'deeda laakiin waxay aaminsanahay inay ku dhowdahay 75 sano.
Waxba ima ay waydiin, waxa ay bilaabeen in ay rasaas nagu
soo ridaan,” ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in daqiiqado gudahood ay
agteeda ku dhinteen saddex ka mid ah carruurteeda - wiilal 10 jir iyo siddeed
jir ah iyo gabar14 jir ah.
Carruurteedu waxay ka mid ahaayeen 10 xubnood oo ka tirsan bulshada
Dalit oo fiidkaasi la dilay. Premvati ayaa ka mid ahayd laba dumar ah oo
dhaawacmay.
Arbacadii la soo dhaafay, garsoore Harvir Singh oo ka tirsan
maxkamadda degmada ee magaalada Firozabad ayaa ku xukuntay eedaysanaha kaliya
ee ka badbaaday Ganga Dayal, oo xubin ka ah bulshada Yadav xabsi daa’in . Dayal
ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo ganaax dhan 55,000 rupees oo u
dhiganta $668, haddii uu bixin waayana waa inuu 13 bilood oo dheeraad ah ku sii
jro xabsiga.
Wax ka ogow Borotiinka Taurine ee cimriga dheereeya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Taurine – oo ah borotoiin laga helo hilibka & kalluunka dawo ahaanna loo qaato ayaa waxa ay kordhisaa cimriga,waxa ayna xoojisaa
caafimaadka noocyada kala duwan ee xayawaanka, sda ay saynis-yahanadu sheegeen.
Heerarka taurine waxa ay hoos u dhigtaa da’ada noocyada kala duwan oo ay
ku jiraan dadku.
Tijaabooyin lagu sameeyay xayawaanka da'da dhexe ayaa muujiyay kor u
qaadista taurine ilaa heerka dhalinyarada oo cimrigoodu kordhay in ka badan 10%
iyo hagaajinta caafimaadka jirka iyo maskaxda.
Cilmi-baarayaashu
waxay sheegeen in taurine ay noqon
kartaa "dawada nolosha" – laakiin sare u qaadida heerka dadka weli lama tijaabin.
Ciidamada ATMIS oo dalka ka baxaya iyo Soomaaliya oo masuuliyadda la wareegeysa
Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war ka soo
saartay bixitaanka iyo dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya.
War-saxaafadeed
kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ilaa iyo dhamaadka
bishan June ee aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2,000 oo ka mid ah ciidamada
ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee
tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670.
Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in Wasaaradda ay ka
go’an tahay sidii ciidanka qalabka sida ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda amniga ee dalka iyo in ay kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika
ee ATMIS.
Golaha Sare ee Islaamka dalka Itoobiya oo war kasoo saaray burburinta masaajida dalkaasi
Qoraalka sawirka, Golaha Sare Islaamka ee dalka Itoobiya
Golaha sare
ee arrimaha Islaamka ee Itoobiya, ayaa sheegay in 22 masaajid oo ku yaalla
maamulka magaalada Sheger ee gobolka Oromada la burburiyay, sababo la xiriira “iyagoo
loo dhisay qorshe la’aan iyo sharci la’aan”.
Arrintan ayaa
laga codsaday gobolka in laga keeno "xal deg deg ah, taasoo ku saabsan dhammaan
su'aalaha masaajidada dadka Mslimiinta ah".
Wafti uu
hogaaminayo Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, oo ah gudoomiyaha Golaha Sare ee
arimaha Islaamka Itoobiya, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 01/06/2015 la hadlay
madaxa deegaanka Oromada, Shimelis Cabdisa. Wuxuu soo saaray bayaan.
Waxaa la
sheegay in wada hadal socday muddo shan saacadood ah lala yeeshay madaxa
dawladda, kuwaasoo ku saabsanaa burburinta masaajidda magaalada Sheger ee
gobolka Oromada ee ku xeeran magaalada Addis Ababa.
Wuxuu xusay
in doodda ay goob joog ka ahaayeen xubnaha Golaha Sare ee hay’adaha diinta ee ismaamulka
Oromiya, iyo waliba madaxda sare ee Oromiya.
Golaha sare
ee arrimaha islaamka ee Itoobiya iyo shucuubta Muslimka ah, ayaa waxay
taageersan yihiin "casriyeynta, horumarka iyo koboca" meel kasta oo
dalka kamid ah.
Iska hor-imaad ka dhacay magaalada Garowe
Xigashada Sawirka, Garoweonline
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacantay kadib iskahorimaad
dhexmary ciidanka Ammaanka iyo rag hubeeysan magaalada Garowe
Ciidanka
boolsika ayaa kudaba joogay gaari aan Taargo lahay si ay u qabtaan , waxaana
markaasi bilwoday iska hor-imaadka dhexmaray raggan lala xiriirinayo maandooriyaha iyo ciidanka Booliska.
Maxay sameynayaan Taliban oo aanay samayn Reer Galbeedka?
Qoraalka sawirka, Askari katirsan Taliban
Cabdul ayaa
waxa uu haystaa qori AK-47 ah oo cusub, wuxuuna u suran yahay garabka bidix,
halka gacanta midigna uu ku haysto ul weyn, taasoo uu isku dheellitirayo, isaga
oo si adag ugu garaacaya cirifyada geedaha maandooriya Poppy-ga.
Cawska geedka
Poppy-ga, oo ay dabaysha ka keeneyso caano, ayna la socoto urta Opium-ka oo aan
bislaan, ayaa hawada u soo baxaya.
Daqiiqado
gudahood Abdul iyo toban nin oo kale oo la shaqaynayey, ayaa waxay xididdada u
siibeen dalaggii Poppy-ga oo dhan ee beerta yar ku beernaa.
Dabadeed
nimankii hubaysnaa oo dhamaantood ku labisan Shalwar Qamiis oo u badan rag gar
dheer, halka qaarkood indhaha ay u xiran yihiin, ayaa mid mid uguu raraya
gadaasha danbe ee gaari maandooriyahan, oo haddana u sii gudbaya beertani beerta
ku xigta.
Nimankan
ayaa ka tirsan qaybta la dagaalanka maandooriyaha ee Talibanka, ee ku sugan
bariga dalka Afgaanistaan ee gobolka Nangarhar.
Waxayna ku
dadaalayaan raggani dagaalka Maandooriyaha, iyagoo lasiiyey fursad naadir ah oo
ay ugu biiraan roondooyinka, si ay u cirib tiraan beerashada Poppy-ga.
Wax
ka yar laba sano, raggani, ayaa waxay ahaayeen dagaalyahanno fallaago ah, oo
qayb ka ahaa guluf lagu doonayo in dalka Afghanistan lagu qabsado. Haatan way guulaysteen oo waxay la joogaan madaxda, waxayna fulinayaan
awaamiirta hoggaamiyahooda.
Qoysas ka dhoofayay Dhadhaab dib u dejina ka helay dalalka galbeedka oo sheegay inay caqabad la soo daristay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Xeryaha qaxootiga Dhadhaab
Qoysas ku nool xeryaha qaxootiga ee
Dhadhaab oo dib u dejin ka helay dalalka Galbeedka,
ayaa ka cabanaya in hannaankii ay ku bixi lahaayeen laga hor joogsaday.
Tani ayaa dhacday, kadib markii la sheegay in diiwaanka qaxootiga uu muujinayo in dadkaas beri
hore ay ku noqdeen dalka Soomaaliya. Dadka ay arrinta saamaysay oo qaarkood la
soo xiriiray BBC-da, ayaa beeniyay inay si khiyaarkood ah dib ugu noqdeen
Soomaaliya.
Waxaa ay ku doodeen in weligood aanay ka bixin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Waxaa dadkaas kamid ah Axmed Cabdullahi. Sida uu waraysi laga qaaday ku sheegay
Axmed, xildhibaanka baarlamaanka Kenya ku metala deegaanka Dhadhaab, Faarax
Macallin.
Faarax ayaa ku hawlan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soo wajahday
dadkaas, sugaya inay u duulaan waddamada dib u dejinta siiyay.
Maxay u joojisay US/AID gargaarkii cunto ee ay gayn jirtay Itoobiya?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Hey'adda US/AID
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in
hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID, ay go’aansatay inay joojiso cunnada
mucaawinada ah ee ay siiso Itoobiya.
Tallaabadani, ayaa loo sababeeyey in cunnada mucaawanida ah loo adeegsaday arrimo kale,
iyadoo aan gaarin dadkii looggu tala galay.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo
xiganaysa afhayeenka ururkaasi, ayaa sheegtay in USAID ay go’aankan u gaartay
sababo ka xiriira in “cuntadii mucaawinada ahayd ee la rabay in
la gaarsiiyo shacabka Itoobiya, in loo isticmaalay xaddi badan oo kamid ah, wax ka baxsan ujeeddadii looggu talo galay”.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee
Reuters, ururka RTDO oo sheegay in go’aankan ay la qaateen dawladda Itoobiya,
ma sheegin dhinacyada ku lugta leh leexsashada raashinkan mucaawinada ah.
"Kadib sahan laga sameeyay dalka oo
dhan, USAID waxay qaadatay go'aan adag, laakiin lagama maarmaanka u ah inay sii
socoto, illaa isbedel lagu sameeyo hannaanka bixinta gargaarka," afhayeen
u hadlay ururka, ayaa ku sheegay email, sida laga soo xigtay Bloomberg.
Baaritaan la sameeyay labadii bilood ee la
soo dhaafay, ayaa muujinaya in raashinka gargaarka ah ee ay soo iibsadeen
deeq-bixiyeyaashu la leexiyay oo la suuq geeyey, mararka qaarna loo diray dalal
shisheeye, sida ku cad dukumentiyo soo gaaray Bloomberg.
Dowladda Soomaliya oo sheegtay iney u diyaar garowday la wareegista amniga dalkeeda
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ciidamada ATMIS
Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhoweysay kala
guurka hawgalka ammaanka ee ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, iyadoo la guda galay
abaabulka iyo hannaanka ka bixitaanka dalka Soomaaliya ciidamadani.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga
xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamadeedu ay u diyaar u yihiin
la wareegista amniga gudaha si buuxda.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka gacan
ka heleysa bah wadaagta ay iska kaashadaan dhanka ammaanka, ayaa bilihii lasoo dhaafay waxey tababartay
ciidamado, kuwaasoo kala wareegaya amniga ciidamada ATMis oo gaaraya 2,000, goobo ay kusugan yihiin.
Ciidamada ATMIS, ayaa kama danbeyn si buuxda
ugu wareejin doonna mas’uuliyadda amniga dhammaadka bishan June ee sanadkan
2023-ka ciidamada dowladda Soomaaliya, sida uu qorayo qaraarada Qaramada Midoobay
Golihiisa Ammaanka, ee tirsigooodu yihiin 2628 iyo 2670.
Waa maxay sababta Donald Trump haatan dacwad looggu soo oogayo?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Donald Trump
Khubarada cilmi-nafsiga ah, ayaa sheegay in haatan ay gabo gabo ku dhowdahay baaritaanka uu ku sameynayo Donald Trump, baaraha gaarka ah ee Jack Smith, ee ku aaddan qaabkii uu madaxweynihii hore ee Mareykakna, Donald Trump, u maamulay dukumentiyada sirta ah.
Waaxda Caddaaladda ee dowladda Maraykanku, ayaa waxay shaaca ka qaaday in tani ay noqoneyso siyaasad aanay eed ka raaci doonin, ama aan dembi ku keeni doonin Madaxweynaha haatan talada dalka Maraykan haya, Joe Biden.
Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, ayaa wali ah musharaxa ugu cad cad ee xisbiga Jamhuuriga ugu sharaxan tartanka madaxwaynenmada ee doorashada Maraykanka.
Waxaa laga yaabaa in xafiiska sharciga ee baaritaanka gaarka ah sameynayo uu soo wajahay cadaadis, taasoo ah in dacwad oogayaashu ay u muddeeyaan xiliga ay dhacayso maxkamadaynta Donald Trump, ka hor doorashada lagu wado iney dhacdo sandaka 2024-ka.
Dowladda Sudan oo dalkeeda ka cayrisay sargaal katirsan Qaramada Midoobay
Qoraalka sawirka, Volker Perthes
Dowladda dalka Suudaan,
ayaa ku dhawaaqday ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Volker
Perthes, inay kala noqotay 'xasaanaddii
siyaasadeed ee joogitaanka', taasoo la macno ah inaysan hadda aqoonsanayn jagada uu uga hayo Qaramada Midoobay dhanka dalka Sudan.
Madaxa ciidamada qalabka sida ee Suudaan General
Cabdulfataax al-Burhan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Perthes inuu hurinayo colaadda
dalka, wuxuuna dalbaday in la beddelo.
Ka hor inta uusan bilaaban bishii Abriil
iska horimaadka u dhexeeya ciidanka, ayaa howlgalka Qaramada Midoobay ee
Suudaan waxaa lala beegsaday mudaaharaadyo lagu cambaareynayo, gaar ahaan iney fara
galin ku hayaan arrimaha gudaha ee dalka Sudan.
Assalaamu Calaykum
Subax
wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com
Halkan
kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda
qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.