Doorashada Soomaaliya 2022: Waa kuma Xasan Sheekh, madaxweynaha taariikhda dhigay

Xasan Sheekh Maxamuud

Xigashada Sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud

    • Author, Cabdishakuur Casoowe
    • Role, BBC Somali

Waxaa ugu dambeyntii la soo gabgabeeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo muddo hal sano ka badan dib loo dhigay, waxaana ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud. Haddaba waa kuma ninkan horay u ahaa madaxweyne.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya soo dhammaystay hal muddo xileed, wuxuuna hadda ku laabanayaa xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo uu kas oo arriminayay intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2017-kii. Wuxuu noqonaa madaxweynihii ugu horreyay oo mar intuu muddo xileed dhameystay dib loo doortay.

Noloshiisa inteeda badan waxa uu kusoo qaatay shaqada macallinnimada, oo uu iskuullo badan iyo jaamacado wax uga soo dhigay, sida uu ku sheegay khudbaddiisii hadal jeedinta murashaxiinta.

Ka hor inta uusan Madaxweyne ka noqonin Soomaaliya waxa uu ka mid ahaa xubnaha bulshada rayidka, gudaha Soomaaliya ayuuna ka shaqayn jiray intii uu dalku ku jiray burburkii ka dhashay dagaalladii sokeeye.

Haddaba maxaan ka garanaynaa taariikhda Xasan Sheekh Maxamuud?

Xasan Sheekh Maxamuud

Sanadkii 1955-kii ayuu Xasan Sheekh ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ee dalka Soomaaliya, haddana waa 66 ilaa 67 jir.

bbc

Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, halka dugsiga sare iyo jaamacadda ku dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay.

Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalan jebiyay kulliyadda tiknoolojiyadda ee Jaamacadda. Kaddib waxa uu heerka sare ee Jaamacad kusoo bartay waddanka Hindiya.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaqaale ka noqday Wasaaradda Tacliinta ee Soomaaliya, isagoo macallin kasoo noqday iskuullo iyo Jaamacado.

Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada.

Xasan Sheekh Maxamuud

Xigashada Sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud

Qoraalka sawirka, Siyaasadda ka hor, Xasan Sheekh Maxamuud inta badan noloshiisa waxa uu kusoo qaatay shaqada macallinnimada

Marka laga soo tago xirfaddiisa barenimo iyo siyaasadda, sidoo kale waa ganacsade iskiis isu abaabulay.

Bishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay.

10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.

Xasan waxa uu hoggaanka u qabtay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgeliyay muddo 20 sano ah, taasoo aan ahayn Ku meel Gaar. Dowladihii ka horreeyay ee la dhisay kaddib 1991-kii waxay ahaayeen ku meel gaar.

Madaxweynihii ka horreeyay, Shariif Sheekh Axmed, oo sidoo kale u tartamayay xilka ayaa ugu hambalyeeyay guushiisa, waxa uuna ballan qaaday inuu la shaqayn doono.

Dowladdii Xasan Sheekh ayaa caan ku ahayd in ay kasoo dhex muuqdeen shaksiyaad siyaasadda ku cusbaa, waxaana loo yaqaannay "Damu Jadiid".

Markii la doortay Madaxweynaha, waxa uu xilka Ra'iisul Wasaraaha u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon, oo ku cusbaa siyaasadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud (bidix) iyo Ra'iisul Wasaarihiisii ugu horreeyay, Cabdi Faarax Shirdoon

Xigashada Sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud (bidix) iyo Ra'iisul Wasaarihiisii ugu horreeyay, Cabdi Faarax Shirdoon

Muddo shan sano ah oo uu xilkaas hayay waxa ay dowladdiisu ku mashquulsanayd dib u dhiska hay'adaha dowladda, wax ka qabashada amni darrada iyo dagaalka ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

12-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, oo ahayd labo maalmood kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo dhaariyay xilka Madaxweynaha, ayaa qarax ala eegtay goob uu ku sugnaa.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shir uu Muqdisho kula yeeshay wafdi ajaanib ah ayay labo qof oo naftood hureyaal ah isku qarxiyeen hoteelka Jasiira ee ay mas'uuliyiintu ku shirayeen.

Xasan ayaa u muuqday in uusan saamayn wayn ku yeelanin dhawaaqa qaraxa, hadalkiisa ayuuna sii watay isagoo aan hakad gelin. Shirkaas madaxdii ka qayb gashay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Sam Ongeri, balse khasaarihii dhacdadaas ka dhashay waxba kama soo gaadhin wafdiga martida ahaa.

Shakhsiyaadka ugu saamaynta badan

Sanadkii 2013-kii, Xasan Sheekh Maxamuud waxaa magaciisa lagu soo daray liiska 100-ka qof ee ugu saamaynta badan caalamka, oo ah liis ay sanadkiiba hal mar soo saarto Majalladda Time ee dalka Mareykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud

Xigashada Sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud

Qormo ay majalladdu daabacday 18-kii bishii April ee sanadkaas ayaa lagu sheegay in sababaha Xasan Sheekh Maxamuud loogu xushay liiska 100-ka qof ee ugu saamaynta badan adduunka ay ka mid yihiin "dadaallada uu u sameeyay horumarinta dib u heshiisiinta qaran, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo isbadallada wax looga qabanayo amniga".

"Hoggaamiyaha dowladdii ugu horraysay ee Dastuuri ah oo Soomaaliya laga dhiso 20 sano kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu astaan u yahay kalsoonida sii kordheysa ee Afrika, oo dib usoo noolaynaysa taariikhdeedii hore ee xasiloonida iyo horumarka," ayaa lagu yidhi qormada Majalladda.

Kiiska Badda

Waxyaabaha ugu waaweyn ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa lagu xasuusto waxaa ka mid ah in ay dacwadda muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Diyaar garow kaddib, 13-kii bishii July ayay dowladda Soomaaliya si rasmi ah dacwaddaas u gudbisay Maxkamadda ICJ, halka Kenya laga sugayay inay dhankeeda ka jawaabto.

Sannado kaddib, 12-kii bishii October ee sanadkii 2021-kii ayay garsooreyaasha Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee waddanka Netherlands ku dhawaaqday go'aanka kiiska oo ay guusha ku raacday dhinaca Soomaaliya.

Hase yeeshee xilligaas waxaa Soomaaliya ka jirtay dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo halkeeda kasii wadday dadaalka loogu doodayay xadka badda ee ay isku haysteen labada dowladood ee deriska ah.