Xasan Sheekh Maxamuud oo ka gaabsaday in uu ka hadlo arrimaha siyaasadda

Xigashada Sawirka, .
Waxaa maanta si weyn garoonka Aadan Cabdulle Xassan loogu soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, kaas oo dib dalka ugu soo laabtay 18 bilood kadib markii loogaga adkaatay doorashadii madaxtinimo ee dhacday 2017-kii.
Wasiiro iyo xildhibaano ka mid ah dowladda Soomaaliya ayaa si weyn garoonka ugu soo dhaweeyay madaxweynaha, waxaana loo sameeyay wax kasta oo hab-maamuus ahaa oo uu mudnaa madaxweynaha hore.
Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka mid ahaa wasiiraddii soo dhaweeyay, iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay xusid mudantahay in ay ka mid ahaayeen dowladdii Xassan Sheekh intii uusan xukunka ka dhicin.
Isaga oo warbaahinta kula hadlay garoonka, ayuu Xassan yiri "Waxaan dalka u yimid in aan xog ogaal u noqdo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka, waxaanan tagi doonaa meelo badan oo dalka ka mid ah, talada dadka ayaan uruurin doonaa, kadib ayaan ka hadli doonaa wixii go'aan siyaasadeed ah".
Imaanshaha madaxweynihii hore ayaa kusoo hagaagaysa xilli dalka laga samaynayo nidaamka xisbiyada badan, iyada oo asxaab badan oo siyaasadeed ay is diiwaangaliyeen.
Warar ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegayay in Xassan Sheekh laga yaabo in uu hor koco isbahaysi siyaasadeed , kuwaas oo isku dayaya qabashada hoggaanka dalka marka la gaaro doorashada 2020-ka.
Xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka Qaranka oo ku sugan dalka Canada, dadka qurba-joogta ah u sharaxayay nidaamka ay doorashada ku dhacayso ayaa sheegay in miiska lasoo saaray illaa dhawr nooc oo doorasho ah, midkoodna ay tahay qaabka matalaadda jaangooyada ah 'proportional representation' , taas oo xisbiyo cayiman la ogolaanayo, kadibna xisbi kasta uu diyaarsanayo liiska xildhibaanada u galaya baarlamaanka doorashada ka hor, kuwaas oo lagu jaangoyn doono hadba codadka uu ka heley doorashada.
Nidaamka matalaadda jaangooyada ah ayaa waxa uu aad uga dhaqangalay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo dadka aysan soo dooran madaxweyne iyo xildhibaan toona, balse ay soo doortaan xisbiga ay doonayaan.
Lama oga qoondada codadkii halkii kursi loo jaangoynayo, iyo sida waliba lagu dheelitiri doono kuraasta ay beelaha ku leeyihiin baarlamaanka.
Dalka Koonfur Afrika, halkii kursi waxaa lagu jaangooyay 40 kun oo cod.











