Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, .
- Author, Xasan Cabdullahi Haybe
- Role, Soosaare, BBC Soomaali
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horay u soo noqday Ra'iisalwasaare ayaa ku guulaystay madaxtinimada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tanaasulay in uu wareegga saddexaad la tartamo.
Madaxwayne Xasan oo khudbad u jeediyay xildhibaanada ayaa ku baaqay in la lala shaqeeyo madaxwaynaha cusub.
Xasan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii dimuqraadiyadda uuna u hambalyaynayo madaxwaynaha cusub.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Farmaajo ayaa isla goobtaasi lagu dhaariyay.
Khudbad uu u jeediyay xildhibaanada ayuu ugu mahadceliyay Xasan Sheekh Maxamuud sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay, waxaa kale oo uu ammaanay Shariif Xasan.
Doorashada ayaa dhacday iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.
Siday Doorashadu u dhacday
Xildhibaanno 328 ah oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ka qaybqaatay codaynta doorashada.
Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in hal xildhibaan oo xanuusan oo kali ah uu ka maqnaa.
Kuwa ku lugta leh codeynta waxay qabaan kalsooni, iyagoo ku macneeyey talaabo muhiim ah oo horey loo qaaday waddan in muddo ah deganaansho la'aan ahaa kaas oo ku jira liiska madaxweyne Donald Trump ee xayiraadda safarka todobo waddan oo dadkoodu u badan yihiin Muslimiin.
"Dhamaanteen si wanaagsan ayaan ugu diyaarsannahay doorashada madaxweynaha cusub, waa tijaabo dimuqraadiyad curdan ah" sidaa waxaa yiri Axmed Cali oo ah xildhibaan.
Wareegga koobaad ee doorashada waxaa ka qayb qaatay 21 murashax.

Xigashada Sawirka, .
Yaa u gudbay wareegga labaad?
Wareegga labaad waxaa isugu haray
Xasan Sheekh Maxamuud - 88 cod
Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" - 72 cod
Shariif Sheekh Axmed - 49 cod
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke - 37 cod helay ayaase iskii uga haray wareegga labaad.
Weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay "in doorashada wareegga labaad ay ka xamaasad badnayd middii koobaad".
Farmaajo ayaa si layaab leh codad badan u helay wareeggii labaad.

Codadkii la kala helay wareegga labaad
- Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" - 184
- Xasan Sheekh Maxamuud - 97
- Shariif Sheekh Axmed - 46
Arrintaas ayaa xaqiijisay in Farmaajo iyo Xasan ay u gudbaan wareeg saddexaad.
Laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go'aansaday in ninkii roonaaday wareegga labaad uu reerka u haro.
Damaashaadka doorashada Farmaajo
Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku farxay oo u damaashaaday madaxweyne Farmaajo, meelaha la xaqiijiyay in looga damaashaaday waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.
Shacabka oo kali ah ma ahayn ee xildhibaanada Soomaaliya ee doortay ayaa iyaga sacab iyo sawaxan isku daray markii ay caddaatay in uu masiirka umadda la wareegay.











