Tebintii tooska ahayd ee doorashada madaxweynaha

Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne ka dib markii xassan Sheekh uu qirtay guul darro markii uu dhammaaday wareegii labaad ee codbixinta. Haddba waa kuma Farmaajo?.

Tebin toos ah

  1. Islii ayaa ka mid ah goobaha laga soo dhaweeyay guusha Farmaajo

    BBC
    BBC
  2. Madaxweynaha cusub oo wacad ku maray inuu la dagaalami doona Musuqa

    Markii uu jeedinayay khudbadii uu kuu aqbalay natiijada doorashada ayaa madaxweynaha cusub Maxamed cabdullaahi Farmaajo wuxuu wacad ku amray inuu la dagaalami doono musuqmasuqa.

    Farmaajo
    Qoraalka sawirka, Farmaajo
  3. Waxaa iska soo daba dhacaysa hambalyada madaxweynaha cusub

    Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Yusuf Garraad ayaa codkiisa ku biirayay hambalyada madaxweynaha cusub. 

  4. Sheekh Shariif oo hambalyeeyay madaxweynaha cusub

    Sheekh Shariif oo ka mid ahaa musharrixiinta madaxtinnimada Soomalaiya ayaaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Farmaajo una mahadceliyay madaxweynihii hore xasan Sheekh

    BBC
  5. Xilka la ii doortay waa billawga la dagaalanka musuqmaasuqa

    Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeedinaya khudbadda, wuxuuna yiri Xilka la ii doortay waa billawga la dagaalanka musuqmaasuqa

  6. Farmaajo ayaa loo dhaariyay xillka madaxweynaha Soomaaliya

    Farmaajo ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynenimo. Wuxuu guusha qaatay ka dib amrkii madaxweynihii hore xasan Sheekh uu tanaasulay inuu kula tartamo wareega seddaxaad.

  7. War deg deg ah, Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya

    Maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa nqoday madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii xasan Shekh uu ka taansulay wareega seddxaad oo ay labadooda ku tartami lahaayeen.

    Madaxweynaha Soomaaliya ee la doortay
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya ee la doortay
  8. Tirinta codadka wareegii labaad ayaa dhamaaday

    Tirinta codadka ee wareegga 2aad ayaa hadda dhamaatay. Waxaa la sugayaa in natiijada lagu dhawaaqo

  9. Xildhibaanada oo sacabeeyay

    Sacab xoog leh ayaa is qabsaday gudaha hoolka, rasaas dabaal deg ahna gudaha magaalada ayaa laga maqlayaa. Weli lama xaqiijin laakin mid ka mid ah murashaxiinta wareegga labaad ayaa tirinta codadka aad ugu horreeya. sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC, Faarax Lamaane oo ku sugan hoolka uu shirku ka dhacayo

  10. Farmaajo oo aad uga horeeya murashaxiinta kale

    Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad uga horeeya murashaxiinta kale ee la tartamaysa, marka la fiiriyo codadka ilaa iyo hadda la dhiibtay, balse wuxuu u baahan yahay saddex meeloodaw labo si uu xilka u qabto

    farmaajo
  11. Tirinta codadka wareega labaad oo gabgabo ku dhaw

    Tirinta codadka ee sanduuqa 1aad ayaa dhamaatay. Waxaa hadda socota tirinta codadka sanduuqa labaad ee wareegga 2aad.

    BBC
  12. Tirinta codadka wareega labaad oo billaabatay

    Tirinta codadka wareegga labaad ayaa socota, 

    sanduuq

    Xigashada Sawirka, .

  13. Wareega labaad wuu ka xiisa badan yahay kii hore

    Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan oo ku sugan hoolka codeynta ayaa ku soo waramaya in wareegan uu ka xiisa badan yahay wareegii koobaad. Maxaa yeelay buu yiri wareegan waxaa ku soo haray seddax musharrax halka wareegii hore ay 21 musharrax u tartameysay.

    BBC
  14. Xildhibaan loo diiday in uu lacag badan la galo hoolka doorashada

    Tilifoonada gacanta iyo lacagaha ayaa laga maamnuucay in lala gala hoolka ay codbixinta ka socoto. 

    Weriyaha BBC-da Faarax Lamaane ayaa sheegay inuu arkay xildhibaan loo diiday inuu hoolka la galo $10,000 oo uu watay.

    Doolar

    Xigashada Sawirka, .

  15. Sidee wareega labaad u dhacayaa?

    Musharixii helaa seddax meelood laba meel ayaa noqonaya madaxweyne, hadii kale waxaa loo gudbi doonaa wareega seddxaad oo ah kan ugu dambeeya. 

    UNSOM

    Xigashada Sawirka, UNSOM

  16. Codeynta wareega labaad oo si habsami leh u socota

    Codeynta wareega labaad ayaa socota iyadoo xildhibaanada mid mid loogu yeerayo si ay codkooda u dhiibtaan. Waxaa ku tartamaya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed cabdullahi Farmaajo.

    BBC
  17. Toos u daawo barnaamijka Dunida iyo maanta

    Barnaamijka Dunida iyo maanta oo gebi ahaantiisba ku saabsan doorashada halkan ka daawo.

    Waxaa si wadajir ah u soo jeedianaya Faarax lamaane oo Muqdisho jooga iyoAadan Saalamiin oo Lonodn jooga 

  18. War deg deg ah, Sharmarke oo haray

    Mid ka mid ah musharrixiinta ku soo baxay wareega labaad Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa sheegay inuu tanaasulay oouu ka haray tartanka. 

    BBC
  19. Wareega labaad ee doorashada oo billowday

    Wareega labaad ee doorashada ayaa billowday waxaana ku tartamaya msuahrixiinta kala ah 

    Xasan Sheekh Maxamuud - 88 cod

    Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" - 72 cod

    Shariif Sheekh Axmed - 49 cod

    Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke - 37 cod

    BBC
  20. Halkan ka daawo Ibraahim Aden oo sharaxaya wareegyada doorashada