Nin dadka ajaaniibta bara hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida

Axmed Ismaaciil , Bare dhiga Afka Soomaaliga
Qoraalka sawirka, Axmed Ismaaciil , Bare dhiga Afka Soomaaliga

Bare lagu magacaabo Axmed Ismaaciil Yuusuf oo ku nool Maraykanka , ayaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaalida usoo bandhigaya bulshooyinka ku dhaqan gobolka Minnesota.

Macalinkan ayaa arday badan oo aan Soomaali ah baray hees Soomaali ah ayaa kusoo bandhigay masrax weyn oo ku yaala Minneapolis, halkaas oo si weyn ula dhaceen dadkii daawday.

Video

Qoraalka Muuqaalka, Nin dadka ajaaniibta bara hidaha iyo dhaqanka Soomaalida

Isaga oo BBC-da la hadlaya ayuu yiri "Qeybta dugsiyada dadweynaha ee magaalada ayaa I weeydiisatay in aan soo curiyo hees Soomaali ah oo loosoo bandhigo dadyowga kala duwan ee ku dhaqan halkan, markaa heestii, miraheedii aniga ayaa curiyay, waxaanan heesta kasoo qaatay Ceerigaabo iyo luuqdeedii".

Macalinkan oo dhiga Afka Soomaaliga ayaa yiri "Miraha waxbarasho ayay ku saabsanyihiin, waxaa qaadaya heesta carruur isku jir ah, balse u badan caddaan, gabadh Soomaali ah oo kaliya ayaa ku jirta".

Waxa uu sharaxay micnaha iyo qiimaha ay isaga u leedahay heestan "Qiimaha ay heesta leedahay waxaa ka mid ah in ay dhaqankii xambaarsanayd, Ceerigaabo oo aan ka imid oo aan doonayay in uu muuqdo, aniga oo taataabanaya meelihii ugu qiimaha badnaa sida Calmadoow, Daallo, iyo biyihii Ceeri Gaabo".

Arrintan ayaa ka dhigan in dhaqanka Soomaaliga iyo saameynta Soomaalida ay yihiin kuwa aad ugu soo faafaya adduunka, gaar ahaan dalalka reer Galbeedka.