Xaggee ku dambeeyeen ciyaal weeradii Muqdisho?

Ciyaal weero

Xigashada Sawirka, SNTV

Waxa ka soo raynayay bilihii ugu dambeeyay xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho, gaar ahaan dhibaatada degmooyinka qaar ay ku hayeen kooxdii loo bixiyay ciyaal weerada ee ka kacay magaaladaasi sanad kii 2021.

Dadweynaha ayaa ka nafisay dhibtii ciyaal weerada ee degmooyinka geesaha xiga sida Kaaraan, Wadajir iyo Dharkenley.

Dadka ku nool degmada Kaaraan oo dhib badan ku qabay ciyaal wareeda ayaa hadda sheegaya in xaaladdu ay aad uga wanaagsan tahay sida ay bilo ka hor ahayd.

“Xaaladdeenu hadda way wanaagsan tahay, oo wixii hore tuugadii iyo ciyaal weeradii waan ka raysanay oo hadda ma jiraan, gabdhuhu taleefanada lama cabsanayaan, habeen kii waqti kasta way iska socon karaan, awal galbihii ayay ba cabsidu bilaaban jirtay, dadka shaqada ka imaanayo wer wer ayay qabi jireen oo nabad ma ku tagi doontaan guryihiina ayay dhihi jireen, laakiin hadda haddaad shaqada ku soo daahdo oo aad afar saac ama shan saac timaado kama cabsanaysid tuugo ama ciyaal weero,” ayuu yiri Cabdiqaadir Macalin Muxumed oo dagan xaafadda Xaawo Casir ee degmada Kaaraan, oo kamid ahayd meelihii dhibta badan ay ka geysteen kooxdii ciyaal weerada.

Ciidan

Xigashada Sawirka, SNTV

Sidee lagu joojiyay khatarta ciyaal weerada?

Bishii April waxa Muqdisho laga hawlgaliyay ciidan la yiraahdo Boliis Miltaariyo oo ah ciidan markoodii hore ahaa milatari, markii dambase sida booliska loo tababaray.

Ciidan kan cusub waxay Muqdisho ka shaqo bilaabeen iyadoo qaati laga taagan yahay amni darro baahsan, oo ciyaal weeraduna a qayb wayn ka yihiin. Ciidan ka waxa la geeyay xaafaddaha ay dhibta ba’an ka geysanayeen ciyaal weeradu, waxayna ku guuleysteen inay joojiyaan falal dambiyeed yadii ay ku kici jireen.

Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasadda iyo Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in muddo sedex sano ah ay dhib wayn ku hayeen ciyaal weeradu magaalada Muqdisho, balse markii dambe dadaal wadajira oo ay sameeyeen ciidamada amaanka iyo maamulka gobolka oo kaashanaya waalidiinta ay ku guuleysteen in laga adkaado ciyaal weerada.

“Waqti xoog leh ayaa la galiyay, waqtigaas la galiyay ayaa keenay in ay hoos u dhacaan, gabi ahaanna markii dambe la suuliyo, waxaana arirn taas uga mahad celinayaa ciidamada ammaanka iyo maamullada degmooyinka oo iskaashanaya, gaar ahaan ciidanka xasilinta, marka waxa markii dambe loo suuliyay oo loo tirtiray, iyagoo dhanna loo waayay, dagaal joogta ah oo lagu qaaday, iyo waalidiinta oo lala hadlay loona sheegay in caruurtooda ay maxkamad iyo xabsiyaba mudan doonaan haddii fal dambiyeed lagu qabto,” ayuu yiri Gudoomiye Yabooh.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

In kastoo la sheegay in laga adkaaday ciyaal weerada, haddana dhibkii ay gaysteen, dhibanayaal badan ayaanay wali xusuustooda ka go’in.

Liibaan Cabdi Warsame oo ah suxufi ay weerareen kooxdan loo bixiyay ciyaal weerada, dhamaadkii sanad kii hore ayaa sheegay in dhibtii la gaarsiiyay wali maskaxdiisu aanay ka dawoobin, oo mararka qaar marka uu marayo xaafaddaha lagu sheegi jiray kooxdan, waxa uu dareemaa baqdin wayn, isagoo ka cabsi qaba in mar kale ay soo weerarraan.

“Dhib wayn ayay i gaarsiiyeen, anigoo maraya xaafadda siliga ee degmada Wadajir sanadkii hore, waxan damcay inaan iska celiyo, waxayse ahaayeen afar nin oo iga xoog badan, sanka ayaa i jabay, garaafooyin kale madaxa ayay iga gaareen, feerahana jug badan ayaa iga soo gaartay, waana dhiig baxay, saameyn xoog leh ayay dhaawacyadaasi maskaxiyan i gaarsiiyeen, marka aan aado hadda xaafaddahaas cabsi xoog leh ayaan dareemaa, ciddii I daba socotaba ciyaal weero ayaan moodayaa, waxana ku maraa taxadar,” ayuu yiri Liibaan.

Wariye ay dhaaaceen ciyaal weero

Xigashada Sawirka, goobjoog

Sidee ku bilowdeen ciyaal weeradu?

Sanadkii 2021 kii ayaa kooxo caruur u badan oo is weereeya ka dilaaceen degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, iyagoo koox koox u abaabulan isna shiida ama is tuuryeeya, laakiin markii dambe waxay isu badaleen koox gaysta fallal dambiyeedyo waaweyn oo uu dil kamid yahay.

Gudoomiyihii hore ee degmada Dharkenley Guhaad Sheekh Xasan ayaa sheegay in degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ay leeyihiin taariikh fog oo ciyaal weero ah, waxana xiligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ka soo baxay ciyaalkii la oran jiray Ciyaal Faa Cali, oo sida kuwan oo kale u abaabulnaa gaystayna falal dambiyeedyo waaweyn.

“Kuwan cusub waxay ku bilowdeen iyagoo koox koox is weerara, balse markii dambe waxay bilaabeen inay is dilaan, oo Dharkenley oo kaliya dhawr iyo toban bay iska dileen, waxay bilaabeen isticmaalka maandooriyaha, iyagoo si xun ula dhaqmay dadka deegaanka oo ay dhibaato badan u gaysteen,” ayuu yiri Gudoomiye hore Guhaad.

Si kastaba ha ahaatee, hadda waa laga nafisay dhibaatadii ciyaal weerada, laakiin dad badan waxay rumeysan yihiin haddii aan wax laga qaban durufihii ay markii horeba ku abuurmeen, in mustaqbal ka ay dib u soo laaban karaan.