Muxuu yahay filimka muranka dhaliyay ee ku saabsan gabdhaha Muslimiinta Hindiya?

Qoraalka hordhaca ah ee sheekada Kereala ayaa muran badan ka dhaliyay waddanka Hindiya

Xigashada Sawirka, SUNSHINE PICTURES / YOUTUBE

Qoraalka sawirka, Farriinta hordhaca ah ee sheekada Kereala ayaa muran badan ka dhaliyay waddanka Hindiya

Booliska gobolka Kerala ee koonfurta waddanka Hindiya ayaa la xiriiray khubaro dhanka sharciga ah ka dib markii ay soo gaartay cabasho ku saabsan xayeysiinta hordhaca ah ee filim la sameeyay, kaas oo muran ka dhaliyay gobolkaasi.

Atariisho filimkaas jilaysa ayaa ku andacootay in hab dhaqankeeda uu lamid yahay sida 32,000 ee haweenka ah ee ku nool gobolka Kerala kuwaas oo xayeysiinta filimka lagu magacaabay "Sheekada Kerala" loogu tilmaamay inay isu beddeleen 'argagixiso Islaami ah'.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka ayaa dalbaday in la mamnuuco filimka, halka weriye uu warqad u qoray madaxa xukuumadda ee gobolka taas oo uu kaga dalbanayo in baaritaan lagu sameeyo arrinta.

Xafiiska madaxa gobolka ayaa warqadda uu qoray weriye BR Arvindkashan waxa uu u diray booliska si ay baaritaan dheeri ah arrinta ugu sameeyaan.

Superjan Kumar oo ah taliyaha booliska caasimadda gobolka Kerala ee Thirunanthapuram ayaa sheegay in baaritaan la bilaabay isla markaana la raadiyay aragtida sharciga ee la xiriirta tallaabada laga qaadayo dalabka ku qoran warqadda.

Farriinta hordhaca ah ee filimka ayaa lagu arki karaa haweeney cabbaayad xiran oo leh, "Waxaa la i oran jiray Shalini Annikrishnan, waxaanan doonayay in aan noqdo kalkaaliso."

"Haatan waxaan ahay Faaduma, oo ah argagixiso ka tirsan ururka Dowladda Islaamiga ah, waxaanan ku jiraa xabsi ku yaalla Afgaanistaan."

Gabadha ayaa intaasi ku dartay in ay jiraan 32,000 oo gabdhood oo iyada la mid ah oo lagu aasay saxaraha Suuriya iyo Yemen.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Ciyaar dilaa ah ayaa lagu dheelayaa Kerala si gabdhaha caadiga ah ee Kerala loogu beddelo argagaxiso cabsi leh, taasna mid qarsoon ma ahan," ayay raacisay.

Farriinta hordhaca ah ayaa lixdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Youtube-ka lagu daawaday in ka badan 440,000 oo jeer, waxaana ay dadku ka bixiyeen falcelin isugu jirta dhaleecayn iyo soo dhaweyn labadaba.

Atariishada Adah Sharma ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay farriinta hordhaca ah ee filimka iyadoo wadata halku-dhegga ah ‘Sheeko dhab ah’.

BBC-da ayaa farriimo u dirtay soo saaraha filimka, Vipul Shah, hasayeeshee kama uusan jawaabin farriimahaasi.

Weriye Arvindakshan ayaa BBC-da u sheegay in uu ka codsaday dadka filim-ka sameeyay in ay soo saaraan caddeymaha ay ku ogaadeen baaritaanka maadaama uu aad uga xumaaday waxyaabaha lagu sheegay farriinta meel-ka-dhaca ah ee filimka.

Waxa uu sheegay in "laga yaabo inay jiraan kiisaska qaar balse 32,000 ay tahay tiro aan la rumaysan karin".

Wareysi warbaahinta City Media ay 2021-kii ka qaadday agaasimaha filimka ayuu ku sheegay in tirada lagu sheegay filimka ay ku salaysan tahay tirooyinka uu siiyay golaha deegaanka Kerala ee uu horkacayay madaxii hore ee gobolkaasi, Oommen Chandy.

Wuxuu ku andacoodey in Mr. Chandy uu sheegay in "2,800 ilaa 3,200 oo gabdhood ay soo islaamaan sanad walba."

Si kastaba xaalku ha ahaadee, shabakadda wararka ee Alt News ayaa warbixin ay daabacday waxa ay ku sheegtay in "aanay jirin wax caddayn ah oo taageeraya sheegashadaas".

Shabakadda ayaa ogaatay in Mr Chandy uu sheegay sanadkii 2012-kii in 2,667 oo gabdho ah ay qaateen diinta Islaamka tan iyo 2006-dii, balse ma uusan xusin tiro sanadle ah.

Sannadkii 2016, koox ka kooban 21 qof oo reer Kerala ah ayaa dalka ka baxay si ay ugu biiraan kooxda la baxday Dowladda Islaamiga ah.

Mid kamid ah ardayda gobolka ayaa qaadatay diinta Islaamka ka hor inta aysan guursan. Waxaa la sheegay inay lahayd uur siddeed bilood ah markii ay dalka ka tagtay. Ka dib markii Taalibaan ay dib ula wareegtay awoodda Afgaanistaan ​​2021, saraakiisha Hindiya waxay sheegeen in afar haween ah oo ka tagay Kerala oo ku biiray ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah lagu hayo halkaas.

Sarkaal boolis ah oo magaciisa qariyay ayaa yiri: "Waa in dib loo baaro diiwaannada oo la xaqiijiyo arrinta, hasayeeshee waxaan ku qiyaaseynaa in tirada haweenka ku biiray ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Kerala tan iyo 2016 aysan ka badneyn 10 ama 15. Taasina waa sababta ay diintoodii u beddeleen oo dalka uga baxeen.”

Mr Arvindakshan waxa uu sheegay in uu warqad u qoray guddiga dhexe ee shahaadada siiya filimada, guddiyada heer gobol ee shahaadooyinka siiya filimada iyo sidoo kale wasiirka warfaafinta ee Hindiya, Anurag Thakur. Balse, weli wax jawaab ah ma uusan helin.

Waxa uu sheegay in filimkan uu yahay mid lid ku ah midnimada iyo madax-bannaanida Hindiya, isla markaana wax u dhimaya sumcadda dhammaan hay’adaha sirdoonka Hindiya.

Farriinta hordhaca ah ee filimka ayaa sidoo kale muran siyaasadeed ka dhalisay Kerala.

Hogaamiyaha xisbiga Congress-ka VD Saathisan ayaa sheegay in tani ay tahay kiis cad oo ah faafinta warar khaldan ama been abuur ah, wuxuuna ku andacooday in filimka loo sameeyay si "loo xumeeyo sumcadda Kerala" iyo in "dadka dhexdooda nacayb lagu faafiyo".

Xildhibaanka xisbiga haya talada gobolka Kerala, John Bertas, ayaa Arbacadii warqad u qoray wasiirka arimaha gudaha ee gobolka, Amit Shah, isaga oo ka codsanaya in uu tallaabo adag ka qaado dadka filim-ka sameeyay.

Dhanka kale, hogaamiyaha xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) K Surendran ayaa dowlada gobolka Kerala ku dhaleeceeyay in ay dacwad ka gudbiyeen dadka filim-ka sameeyay.

Waxa uu sheegay in Madaxa Xukuumadda gobolka looga baahan yahay inuu ku dhiirrado in uu tallaabo ka qaado kooxda dadka Daacish uga qorta gobolka Kerala.