Hindiya: Nin muslim ah oo handadaad kala kulmay bariis uu kariyay

Xigashada Sawirka, promicrostockraw
Waxaa soo baxay oo ku baahay baraha bulshada muuqaal nin u hanjabaya dukaanle Muslim ah oo gadayay bariiska Biryani, xilli dadka Hinduga ay u dabaaldegayeen ciidda Diwali. Dukaanka ninka Muslimka uu leeyahay wuxuu ku yaallaa xaafadda Sant Nagar ee Burari ee Delhi.
Sida laga soo xigtay wargeyska Times of India, muuqaalka waxaa laga arkay qof u hanjabaya ninkaas, kana careysnaa in uu dukaan ka ka furto goobtaasi. Booliska Delhi ayaana diiwaan geliyay dhacdada.
Muuqaalkan, qofka u hanjabaya wuxuu magaciisa ku sheegay Naresh Kumar Suryavanshi, wuxuuna isku magacaabay inuu xubin ka yahay Bajrang Dal.
Muqaalka, ayaa lagu arkay isagoo ugu hanjabaya shaqaalaha, weliba isticmaalayey hadallo adag.
Hanjabadiisii ka dib, milkiilihii dukaanka iyo shaqaalihiisii ayaa isla markiiba xidhay dukaanka. Muuqaalka ayaa la duubay abbaare 9-kii fiidnimo ee Khamiista, kaas oo markii dambe si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeyska wuxuu soo xigtay sarkaal sare oo sheegay in booliska Delhi ay ka diiwaan galiyeen kiis hoos yimaada qaybta 295A ee saldhiga bilayska ee Burari, kaas oo ay ku tilmaameen mid si weyn u dhaawacaya una kicinaya shucuur diimeed.
Sida uu sarkaalka uu sheegay, 'waxaa socdo baaritaan lagu ogaanayo, laguna soo xirayo eedeysanaha.
Hindiya waxaa ku nool Muslimiin aad u tiro badan. Tani waa tirada saddexaad ee Muslimiinta ugu badan ee waddan kasta oo adduunka ah. Kala duwanaanshiyaha lagu arko Muslimiinta Hindiyana laguma arko Muslimiinta waddan kale.
1,400 sano ee la soo dhaafay, Muslimiinta Hindiya waxay abuureen kuna noolaayeen taariikh wadaag ah oo cunto, gabayo, muusig, jacayl iyo cibaadaysi ah.
Umadda Islaamka waxay midaysay dhammaan Muslimiinta Caalamka. Yacni, dhammaan waxay aaminsan yihiin waa isku mid. Laakin, sida Muslimiinta Hindida ay u kala qaybsan yihiin dhexdooda, waxay meesha ka saaraysaa mabda'a aasaasiga ah ee Islaamka.
Muslimiinta Hindiya waxay u qaybsamaan Sunni, Shiico, Bohra, Axmadiya iyo qaar kale oo badan.
Dhanka kale Muslimiinti Hindiya ayaa la kulma dhacdooyin cunsuriyadeed oo la mid ah tan oo kale. Mana ahan markii u horreysay ee uu soo shaac baxo fal xadgudub ku ah sharafta dad gaar ah oo ku nool Hindiya.














