Kulanka Ankara iyo wixii ay ka wada hadleen Shariif iyo Farmaajo
Labo madaxweyne oo hore, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkan ku kulmay magaalada Ankara ee xarunta u ah dowladda Turkey.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kulanka labada dhinac, oo ay dadka qaar ku tilmaameen in uu hordhac u yahay isbaheysi siyaasadeed oo kasoo horjeeda dowladda hadda xilka heysa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Laakiin ilowareedyo kala duwan oo ku dhow kulanka ayaa BBC u faahfaahiyay waxyaabaha ay labada madaxweyne kaga wada hadleen kulankaas.
Haddaba, halkan ka dhegeyso faahfaahinta kulanka Farmaajo iyo Shariif, iyo waxyaabaha ay uga wada hadleen oo uu inoo faahfaahinayo tifaftiraha BBC Somali Muxyadiin Rooble.

Xigashada Sawirka, PSCU













