VIDEO : Inta jeer ee uu madaxweyne Farmaajo ka hadlay muddo kororsiga
Muddo sanad ah ayaa maanta laga jooga markii uu dhamaaday muddo xileedkii xafiiska ee madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, muddadaas sanadka ah oo uu madaxweynaha xafiiska ku joogay iyada oo aysan jirin wax heshiis siyaasadeed oo uu ku yimid.
Haddaba waxaan halkan kusoo koobaynaa inta jeer ee afka madaxweynaha laga hayo dhibaatada ka dhalata muddo kororsiga.
Sanadkii 2016, isaga oo wareysi siinayay television maxalli ayuu madaxweyne Farmaajo ka hadlay muddo kororsiga. Xiligaas wuxuu ahaa afhayeenka mucaaradka, sidoo kale wuxuu ahaa musharax madaxweyne oo baratan ugu jiray xilka madaxweynenimo oo uu aakhirkii ku guuleystay.

Mudane Farmaajo wuxuu ka hadlayay markaas walaac ay ka qabeen musharixiintu in uu waqtiga dheereysto madaxweyne Xasan Sheikh oo mudada xilhayntiisu gabaabsi ahayd.
"Waxaan ku faraxsanahay in ay daaqada ka baxday in waqti lagu darsado" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
"Inkasta oo dad wali rabaan in ay waqti ku darsadaan, hadde qof aan hawl qaban oo hawshoodii sheegay in ay ka gaabiyeen, waqti looguma dari karo, marka taasi daaqada ayay ka baxday, marka qaabka doorashada ku u dhici doonto weeyo waxa la rabo in la isla garto oo lagu heshiiyo" ayuu intaasi ku daray.
Intii uu ku jiray oloha doorashada madaxweyne Farmaajo wuxuu ka hadlay in ay muhiim tahay in ay madaxweynayaashu aqbalaan in ay kursiga u sii diyaariyaan madaxweynaha ku xiga ee badali doona. Isaga oo khudbad u jeedinaya qaar ka mid ah taagerayaashiisa ayuu ka hadlay arintaan.
Mudane Farmaajo ayaa yiri: "Kursiga aad ku fadhido waxaad u kululeyneysaa kan kugu xiga, macnaha, ha dareemin in aad meesha leedahay adigu, laakiin waxaad dareensanaataa in aad u warm-up gareyneyso (kululeyneyso) kursiga, for the next guy (qofka ku badali doona). Laakiin dadka hada jooga iyo dadkii horaba, waxaad moodaa hadii aad mar soo fariisatay wax kaa kicin kara ma leh. Waa dhaqan xumo waxaan ma lihid, umada baa isa leh, waa wareegto"
Markii loo doortay xilka madaxweynenimo, madaxweyne Farmaajo marar kala duwan ayuu ka hadlay arinta mudo kordhinta, iyo fikirka uu ka qabo.
2019 kii madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay xarig jarka taalada SYL ayaa wuxuu bulshada u cadeeyay in uusan waqti ku darsan doonin marka uu dhamaado waqtigiisa dastuuriga ah. Xilligaas waxaa jiray muran ku aadan waqtiga madaxweynenimada ee madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku yiri: "Walaalayaal waqti kororsi ama muddo ku darsasho runtii wax wanaagsan ma ahan, qof walba oo la doortay waqti ayuu ugu egyahay haduu yahay dawlad goboleed ama haduu yahay dawlada federaalka ah, xaqiiqatan ma dooneyno hal maalin in lagu daro, maxaa yeelay waxay abuureysaa kalsooni daro, waxay noqonaysaa xarig furtay, hadii qof loogu daro wax celin kara ma laha, ma ahan wax qof gaar ah loogu dan leeyahay laakiin waa in ay noo noqoto xeer hadeey tahay dawlada federaalka in aysan hal maalin ku darsan "
Markii la gaaray Sanadkii 2020, madaxweyne Farmaajo wuxuu muujiyay in ay suura gal tahay in bilo u raacaan waqtigiisa, maadaama uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo marti ku ahaa barnaamij su'aalo lagu weydiinayay oo ka dhacayay aqalka madaxtooyada ayuu yiri:
"Waxaa la faafiyay, madaxweynahaa wuxuu u wataa doorashooyinkaan qof iyo codka ah, waa qaab kale oo uu rabo extension in uu ku sameysto, iyada laftigeeda aad ayaa la iibiyay oo laga dhigay hadii shan bilood ama lix bilood raacdo, ileen awalba waa raaci jirtaye, waqti waa lagu dari jiray, in ay tahay qaab cusub oo shantaas bilood ay shan kale dhalayso."
Laakiin markii uu dhamaaday mudo xileedkii madaxweynaha xaalku sidaas wuu iska badalay.
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka marwo Xaliima Ismaaciil (Yareey) ayaa golaha shacabka Soomaaliya ka horjeedisay qorshe ah in ay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, sidaas daraadeed loo baahan yahay in waqti loo kordhiyo dawlada. Intaas ka dib 12 April ee sanadkii aynu soo dhaafnay golaha shacabku wuxuu ansixiyay in mudo labo sano ah loo kordhiyay dawlada. Madaxweyne Farmaajo isla maalinkiiba wuu soo dhaweeyay go'aanka Baarlamaanka.
Shan iyo toban maalin kadib Golaha Shacabku waxa ay ka noqdeen go'aankoodii kadib kala aragti duwanaasho ka dhalatay, oo sababtay gacan ka hadal ka dhaca gudaha Caasimadda.
Markaas ayay ahayd markii ugu dambeysa ee madaxweynuhu ka hadlo arrin ku saabsan mudo kororsi, isaga oo hor jooga kaamiradaha.
