Falcelinta ka dhalatay hadalkii Faarax Macallin oo loo arkay in uu ku baaqayo 'afgembi ciidan'

Xigashada Sawirka, Facebook
Waxaa tan iyo shalay haystay qaybo ka mid ah baraha bulshada hadal uu soo qoray xildhibaan Faarax Macallin oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, kaas oo uu kaga hadlayey xaaladda amni ee Soomaaliya, sidoo kalena uu farriin ugu diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Faarax ayaa qoraal kooban oo uu barta X ee hore loogu yaqaannay Twitter soo dhigay ku sheegay in ‘Ciidanka Xoogga Dalka ee loo soo gaabiyo SNA, ay Soomaaliya ka samata-bixiyaan siyaasiyiinta calooshood u shaqeystayaasha ah iyo dhagar qabayaasha shisheeye (cadowga) inta aanu wakhtigu dhicin”
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Hadalkaan oo dad badan ka falceliyeen ayaa dadka qaarkii u arkeen afrriin cad oo xildhibaankani ku baaqayo in ciidanku afganbiyaan talada dalka.
Xilhdbaankan reer Kenya ee laga soo doorto xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa aad uga hadla arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.
Cabdirashiid Xaashi oo ah falanqeeye siyaasadeed horena u ahaa madaxii machadka Heritage ayaa isaguna hadal u dhignaa ka falcelinta weedhahan waxa uu bartiisa ku soo qoray in aanu garanayn sababta dadka qaar ugu baaqayaan ‘afgembi.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Falcelinta weedhaha xildhibaan Faarax Macallin ayaan keliya intaa ku ekayn iyada oo sida oo kale ay xildhibaanno dhiggiisa ah, gaar ahaan kuwo ka tirsan baarlamaanka hadda ee Soomaaliya ay ka soo falceliyeen.
Waxaana xildhibaannadaas ka mid ah xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo isna ku soo qoray bartiisa X in ay tahay in xildhibaan Faarax uu ku mashquulo shaqada deegaankii laga soo doortay.
“Ka Xildhibaan ahaan aniga oo fadhi ku leh [oo ka tirsan] baarlamaanka dal aan walaalo iyo jaar nahay, waxaa kuu wanaagsan inaad diirada saarto dhibaatada dadkaaga Dhadhaab, oo ka mid ah goobaha ugu horumarka yar guud ahaan Kenya.”
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Isla sida oo kale Xildhibaan Mursal Khaliif oo ay la xidhiidhay BBC-du ayaa sii raaciyey hadalkiisa in hadalka xildhibaan Faarax uu dhiirrigelinayey in ciidammadu ay dalka afgembiyaan.
"Waxa uu ciidammada qaranka ugu yeedhayey in ay dalka afgembiyaan, hadalku waa maldahnaa, weliba maalmahan meelo ka mid ah galbeedka Afrika waxaa ka socday afgembiyo, Faaraxna si cad ayuu ugu taageerayey bartiisa Twitterka. Markaa dawladdii lagu doortay sida dimuqraaddigaa in uu yiraahdo ha la afgembiyo, waa dambi uu ka gelayo umadda Soomaaliyeed. " ayuu xildhibaan Mursal u sheegay BBC-da.
Dad kale oo uu ka mid yahay Faysal Rooble oo isaguna ah falanqeeye siyaasadeed ayaa ka mid ah dadka hadalkaas ka falceliyey.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 4
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Faarax ayaa sida oo kale isla qoraalkiisaas ku eedeeyey xubno sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya in ay yihiin kuwo ‘ilkaha u yeelaya al Shabaab’ sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Mursal oo hadalkaas ka falceliyay ayaa yiri: "Eedaynta madaxweynihii qaranka iyo Taliyihii Nabadsugidda oo labadaba ku jira jiidda dagaalka hore in cadawga ay la daggaalamayaan ay labaduba taageerayaan oo hub siinayaan waa nasiib darro, meel ka dhac, waana gef weyn".
Farriinta Faarax Macallin ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu maalmihii u danbeeyey ku sugnaa furimaha dagaalaka ay dalwaddu kula jirto al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe.
Faarax ayaa hore u soo ahaa sannadihii 2007-dii ilaa iyo 2013-ka guddoomiye ku xigeenkii barlamaanka Kenya.
Tan iyo intii u xilka qabtay, madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxa uu sheegay in muhiimadda ugu weyn ee qaranka u taallaa ay tahay la dagaallanka al Shabaab isaga oo dhanka kalena guud ahaan dalalka deriska ah iyo shacabka Soomaaliyaba ka codsaday in la taageero dagaalkaas.
BBC Waxa ay isku deyday in ay faahfaahin ka weydiiso Xildhibaan Faarax guud ahaan eedaha uu soo jeediyey laakiin nooma suuragelin in aannu helno.
Halka sida oo kale Dawladda Federaalka Soomaaliya oo aannu la xidhiidhnay si gaar ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xafiiska Wafaafinta Madaxtooyaduba, ay ka gaabsadeen in ay ka falceliyaan.













