'Hanqar ayaa madaxa iiga dhacay, waanan ka badbaaday'

Waxaa la sheegaa inaa jaanis ay qof biriqi ugu dhici karto uu yahay milyanii jeerba hal mar. Balse arrinkaas ayaa qabsaday nin beeraley ah oo ku nnool Maraykanka sanadkii 2005 tii. Tan ka sii yaabka badan ayaa ah inuuba noolaaday, kana sheekeeyay wixii ku dhacay.
Scott wuxuu sheegay in maadaama uu yahay nin lo’leey ah badanaa looga tagi jiray banaanka, si uu u ilaaliyo alaabaha xilliyada uu gugaca darini jiro.
Balse isaga oo aan ka warhayn, maalin cad oo cirku buluug yahay ayaa hanqar madaxa uga dhacay, isaga oo wax yar u jira xaaskiisa Tracey korna u haya gabadhooda hailey, oo markaas sanad jirsatay.
Scott, Tracey iyo hailey – oo hadda sagaal iyo toban gashay, waxay la hadleen barnaamijka ka baxa idaacadda BBC iyaga oo ka sheekeeyay wixii ay la kulmen taa soo badashay noloshada saddexdoodaba.
“Waan xasuustaa xaaskeyga ayaa oii wacday oo igu tiri ‘kadiso ayaan kuu hayaa ee banaanka imoow’ Banaaka ayaan imid iyaduna halkaas ayay joogtay, iyada oo kor u haysa hailey. Waxay nadiifisay cagafteenii” ayuu dib u gocday Scott.
“Waxaan aad ula dhacsaneyn cagafta oo aad u dhalaaleysay, Tracey ayaa ii dhiibtay Hailey, waxaan ku qabtay gacanteyda bidix Tracey na waxay taagneed midigteyda”
“Cirku wax cadi ah malahayn, laakiin cabaar meel noo jirta waxaan dareemeynay inuu roob ka da’ayo, balse meeshaan annagu joognay waxay ahayd qorrax, agagaarkeenana waxaa joogay digaag, fardo iyo eeyo.”
Tracey waxay sheegtay in meel cabaar u jirta ay ka arkayeen duufaan, “mar loo eego sida uu cirku u ekaa maalinkaas wax Qatar ah oo la filan karay ma jirin.”

Xigashada Sawirka, SCOTT KNUDSON
Si walba oo ay ahaato, wax ayaa meel aan la garaneyn ka soi dhacay “iftiinkii ugu xooganaa iyo shanqartii ugu darneyd ee aan waligeen maqalno”, ayuu yiri Scott.
“Waxay ku dhacday Tracey horteeda, waxay gashay madaxeyga, iyada oo ka baxday gacanteyda. Waxaan hayay Hailey, marka biriqda ayaa ku wareegsatay,” ayuu dib u xusuustay Scott. “Alle ayaa mahad leh jirkeeda ma dhex galin ee hareereheeda ayay martay.”
“Fardihii way isku dhacdhaceen, intii cabaar ah xaalku wuu isku qasnaa.”
Gabadha yar oo aan sidaas waxba u xuusan Karin ayaa sheegtay in ay layaabtahay in awoodaas xoggan aysan saameyn cunug sanad jir ah , balse waxay xustay in waligeed aysan dareemin wax uga yimid biriqdaas.

Xigashada Sawirka, SCOTT KNUDSON
Dhanka kale, Tracey inkasta oo aysan biriqdu ugu dhicin si toos ah, waxay dareentay inay saameyn ku yeelatay.
“Korontada sankeyga ayaan ka dareemayay...hadii aad waligaa taabatay fiilo koronto oo aad gariir dareentay, sidaas oo kale ayaan sanka ka dareemay” ayay tiri. “Dhawr maalin oo maalinkaas ka dambeeyayna markaa libiqsado waxaa arkayay walcda biriiqda, sidaas ayuu u xoganaa hanqarku.”
“Waan is fiirinay inanga oo yaaban wuxuuna I waydiiyay. ‘Ma nabad qabtaa?’ Waxaanan ku iri ‘Waan nabad qabaa, waxaan dareemay koronto laakiin dhib ima gaarin… aad ayuu iiga walwalsanaa,’” ayay tiri.












