Wasiirka Difaaca Somaliland oo ka hadlay warka ku saabsan inuu la shiray Israa'iil

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Caateeye

Xigashada Sawirka, CABDIQANI CAATEEYE

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland ayaa ka hadashay arrin maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayay oo la xiriirta warar lagu faafiyay warbaahinta Israa'iil oo sheegayay in ay socdaan dadaallo lagu samaynayo xiriir u dhaxeeya Somaliland iyo Israa'iil.

Wargayska Times Of Israel ayaa qoray in telefishinka Channel 12 uu tebiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu Mareyknaka u sheegay in uu sameeyay isku dayo uu xiriir kula samaynayo Israa'iil balse uusan wax jawaab ah helin.

Waxa uu wargaysku intaas ku daray in Saraafadda Israa'iil ee dalka Faransiiska ay qabatay shir ay ku martigelisay wariyeyaal ka kala socda Faransiiska iyo iyo waddamo Afrikaan ah, diblomaasiyiin, ganacsato iyo fannaaniin si looga wada hadlo mustaqbalka xiriir iyo ganacsi dhex mara Israa'iil iyo waddamada Afrika.

Wasiirka gaashaandhigga ee Somaliland, Somaliland ayuu sheegay in uu matalayay

Wargayska ayaa sheegay in Somaliland ay qayb ka ahayd shirkaas, uuna matalayay wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Wasiirka ayaa ka hadlay sheegashadaas

BBC-da ayaa xiriir la samaysay wasiirka difaaca ee Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo ay wax ka waydiisay in uu shirkaas goob joog ka ahaa.

Wasiir Caateeye

Xigashada Sawirka, CABDIQANI CAATEEYE

Wasiirka oo beeniyay in gebi ahanaba ay arrintaasi jirto ayaa yiri: "Anigu waxaan ka jawaabayaa qaybta ay ku qoreen in wasiirka gaashaandhigga uu matalayay Somaliland.

"Anigu ka wasiir ahaan, Cabdiqani Maxamed Caateeye ahaan, ma jirto meel ay Israa'iil shir ku qabsanaysay oo aan Somaliland ku matalayay, sal iyo raad toonana ma laha.

"Xilligaas ay sheegayaan ee ah bishii shanaad ee 2020-ka waxaan ku sugnaa Somaliland, khaasatan caasimadda, oo aan qaban ku qaabinaynay xuska 18-ka May, oo aan guddoomiye ku xigeen ka ahaa. Marka warkaasi waa war been abuur ah."

Waxa uu sheegay inuu yahay war aan jirin oo ay la buunbuuniyay.

"Wuxuu ahaa war been abuur ah oo aniga la iga sameeyay, oo kuwa Israa'iiliyiinta ahna ay sameeyeen, kuwo innaga naga mid ahna ay buunbuuninayaan," ayuu yiri Wasiirka.

Somaliland ayaa in muddo ah raadinaysa Ictiraaf

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka M JSL

Cabdiqani Caateeye ayaa dhanka kale ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo in uu jiro xiriir dhex maray madaxtooyada Somaliland iyo Israa'iil, marka laga soo tago beeninta shirka la sheegay inuu isagu ka qayb galay.

Hadalkiisa ayuu kusoo koobay: "Anigu xitaa waligay ma arkin qof Yuhuud ah oo meel socda."

Dhanka kale, warbaahinta Israa'iil ayaa isla warbixintaas ku sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku howlan yahay dadaallo uu kulamo kula yeelanayo xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, si ay talooyin uga siiyaan qaabkii ay Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed ula samaysan lahayd Israa'iil.

Laakiin dowladda federaalka Soomaaliya wax war ah kama aysan soo saarin arrintaas.