Kumuu ahaa dhaqtarkii nabadoonka ahaa ee Gaalkacyo lagu dilay?

Xigashada Sawirka, Zakariye
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Freelance Journalist
Alle ha u naxariistee waxaa shalay galab magaalada Gaalkacyo lagu dilay diktoor Zakariye Cabdi Jaamac oo ah diktoor da’ yar isla markaana ka shaqaynayey cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.
Zakariye ayey ku dhex dileen Cusbitaalka uu ka shaqaynayey rag hubaysan oo la sheegay inay aano qabiil u dileen.
Muuqaal la iskula wadaagay baraha bulshada oo ay duubtay kaamirada CCTV ayaa muujisay rag hubaysan oo soo galay cusbitaalka isla markaana xabado kor u ridaya si ay u kala eryaan dadka kadibna mid ka mid ah ayaa u galaya halka uu dhakhtarku joogay kuna furaya xabado.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qof aan hubaysanayn uu markii hore soo galay xarunta isaga oo iska dhigaya bukaan kadibna waxaa soo gala ragga hubaysan ee muuqaalka laga arkayey.
Xildhibaan Hani Fanax Dudun oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee dhawaan laga doortay Puntland horena ugasoo shaqaysay hawlaha nabadda ayaa noo xaqiijisay in dhakhtarku uu eersaday aano qabiil.
”Niman u xirnaa dil ay geysteen ayey isimadu go’aansadeen in lacag 30,000 ah midkiiba laga qaado iyo magtii wiilasha, balse qoyska dhalay mid ka mid ah wiilasha hore loo dilay ayaan ku qancin xukunkaas,” ayey tiri Xildhibaan Hani.
Nimanka dilay Diktoor Zakariye ayaa la sheegayaa inay isku jifi ahaayeen mid ka mid ah wiilasha hore loo dilay, taas oo dhacday 9 bilood ka hor.
Dhakhtar u adeega bulshada

Xigashada Sawirka, Galkacyo
Diktoor Zakariye wuxuu ahaa aqoon yahan da’yar oo heer sare ka gaaray cilmiga caafimaadka, wuxuuna shahaadada heerka kowaad ee jaamacadda ka qaatay, Jaamacadda Plasma ee magaalada Muqdisho. Waa dhakhatar guud, wuxuuna ka qayb qaatay tababarro badan oo uu ka mid yahay tababar ay bixisay jaamacadda Havard, isaga oo bartay maareynta kansarka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Gooba caafimaad oo kala duwan oo ku yaal magaalada Muqdisho ayuu kasoo shaqeeyay ka hor inta uusan ku laaban magaalada Gaalkacyo oo reerkooda deganyahay.
Diktoor Cabdixakiin Salaat Nageeye oo ay wada shaqeeyeen ayaa BBC u sheegay inuu ahaa qof bulshada u shaqeeya isla markaana jeclaa in adeegayada caafimaadka ay wada helaan dadka deggan magaalada Gaalkacyo isaga oo aan eegayn haybtiisa iyo dhanka uu ka degan yahay magaalada oo caan ku ah inay u kala go’an tahay qaab beeleed.
Cabdixakiin waa dhakhtar ku takhasusay cudurrada maqaarka kana hawlgala Cusbitaalka jaamacadda Jasiira, mar uu ka hadlayey diktoor Zakariye Cabdi Jaamac ayuu yiri: “Muddo saddex jeer ah ayaan u tagay inaan caawiyo umaddaas (dadka reer gaalkacyo) waxaana sabateeda lahaa diktoor Zakariye oo ahaa qofkii lahaa abaabulkeeda inuu Muqdisho iga wado, tikidhkeyga, nolosheyda iyo waxoo dhan bixiyo, marka qof sidaas u wanaagsan oo rabo bulshadiisa inuu horumariyo baahidoodana haqabtiro in goobta shaqadiisa wax isagu uusan dooranin shaqana ku lahayn in lagu dilo; waa dareemi kartaa xanuunka ay leedahay.
“Diktoor Zakariye waxaa ku wada shaqayn jiray si online bukaan walba oo qaba xanuunka maqaarka xaruntiisuu tagaa, iyadoona waxba lagu xujeynayn, markaan Muqdisho joogo online ayaan habeen daa’in ah ka wada xiriirnaa si aan u xallinno cabashada bukaan qaba xanuunada maqaarka.” Ayuu sii raaciyey Dr Cabdixakiin oo ka hadlayey sida ay u wada shaqeyn jireen Dr Zakariye.

Xigashada Sawirka, Zakariye
Dhakhtar hadana nabaddoon ah
Diktoornimadiisa kasokow waxay dadkii yiqiinay Dr Zakariye ku tilmaameen Nabaddoon ka shaqeynayey in Gaalkacyo ay noqoto meel nabad ah, “wuxuu ka shaqeynayey in Gaalkacyoo dhan nabad noqoto, iskaba daa in xaruntiisa lagu dilee,” ayuu yiri Dr Cabdixakiin.
Waxaa la sheegay inuu dhakhaatiirta isugu yeeri jiray kana shaqaynayey sidii haddii xitaa xaalad gaalkacyo ay wax iska badalaan aysan dhakhaatiirtu xad u yeesheen.
Dhanka kale Diktoor Maxamuud Cali Kaahiye oo ka tirsan dhakhaatiirta ka hawl gala degmada Gaalkacyo isla markaana ay is yaqaaneen marxuumka, ayaa sheegay in Dr Zakariye ka mid ahaa dhalinyarada u taagan sidii ay Gaalkacyo nabad u noqon lahayd. “Magaalada Gaalkacyo oo aad ogtihiin inay laba dhinac u kala qaynsan tahay oo ay laba maamul ka kala taliyaan, wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada u taagen nabadeeda.” Ayuu yiri Dr Maxamuud.
Dr Maxamuud oo hadalka sii wata ayaa yiri: “intaas waxaa sii dheeraa, dhakhaatiirta magaalada Gaalkacyo oo labada qaybood ku kala nool, wuxuu ahaa lifaaqa labadaas dhinac isku haya. Waxayaabaha aan ku xasuusto waxaa ka mid ah inuu dhakhaatiirta kulamo isugu yeeri jiray, maalmaha Jumcaha ah aan isu imaan jirnay isla markaana aan ka mideysnayn sidaan bulshada ugu wada shaqayn lahayn. Hadii uu bokaan u baahdo qaybta kale waxa yaalla wuxuu ahaa qofka aadku ugu dadaali jiray inuu fududeeyo”. Dr Maxamuud ayaa masuuliyiinta ka codsaday in “Jawaab degdeg ah laga baxsho dadkii falkaas ka dambeeyay”.
Waxaa jira qoraal muujinaya nabad jacaylka Diktoor Zakariye kaas oo boggiisa Facebook oo soo dhigay sannadkii 2020, sidan ayuuna u qornaa:
“Dhiiga oo la daadiyo, xaq la' aan, waa danbi aad u weyn oo naar iyo cadaab xanuun badan lagu muteeysanayo.
Kawaran aqoonyahan rajo iyo himilo sare lahaa, waqti lasoo galiyey si uu meel uga soo baxo una anfaco naftiisa, ehelkiisa iyo dalkiisa uu si dhib yar u dilo mid uusan waxba ka galabsan?
Alaha u naxariisto Eng mahamed hayaan geele oo gacan ka xaq da ran ku dishay burtinle
aaway caqligii maalinba tii timaada ma kasii darantahay xagee baynu usoconaa.” Waxaa sidan Boggiisa facebook kusoo qoray 2020-kii diktoor Zakariye mar uu ka tacsiyeynayey dil muwaadin loogu geystay burtinle.
Waxaad mooddaa inuu naftiisa iyo waxa maanta dhacay ka hadlayey marka la eego sida hadda isaga ay u dileen dad uusan waxba ka galabsan shakhsiyan.
Aaska diktoorka kadib, dhakhaatiirta magaalada Gaalkacyo oo ka kooban labada dhinacba ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin saddex maalmood ah si wax looga qabto amniga dhakhaatiirta.










