Dhaqtar caagga shaambada ka sameeyay qalab lagu daweeyo oof wareenka

Dr Maxamuud ayaa caagga shaambada ay ka dhamaatay ka sameeyay qalab lagu daweeyo oof wareenka
Qoraalka sawirka, Dr Maxamuud ayaa caagga shaambada ay ka dhamaatay ka sameeyay qalab lagu daweeyo oof wareenka

Dhaqtar lagu magacaabo Dr Maxamuud Jobayer ayaa dalka Bangaladesh ka hirgaliyay mashruuc waxtarkiisa aad loo amaanay, kadib markii uu soo saaray qalab lagu daweeyo xanuunka oof wareenka oo uu ka sameeyay caagga ay shaambada ka dhamaatay.

Waxa uu mashruucan ku dhashay sanadkii 1996-dii, xiligaas oo isaga oo tabobar ah uga hawlagala isbitaalka the Sylhet Medical College Hospital ay hortiisa ku dhinteen 3 caruur ah oo qabay xanuunka oof wareenka faleebo la'aan darteed.

Sanad kasta 920,000 caruur ah ayaa xanuunka oof wareenka u dhinta qaaradaha Aasiya iyo Afrika.

Dr. Maxamuud ayaa go'aansaday in uu wax ka qabto dhibaatada jirta, wuxuuna la yimid fikradda ah in caagaga shaambada ay ka dhamaato uu ka sameeyo faleenbo ama qalab lagu daweyn karo xanuunka oof wareenka.

Xanuunka oof wareenka ayaa waxa uu dadka ka haleelaa sanbabada, halkaas oo ay qofka neefta ku ceshoonto, uguna dambeyntiina uu u dhiman karo.

Aduunyada kale waxaa la isticmaalaa qalab casri ah oo qofka neefta looga soo jiido, waana qalab qaali ah oo halkii xabbo waxa uu joogaa $15,000, mana ahan qiimo ay goyn karaan isbitaalada ku yaala Bangladesh.

Balse Dr. Maxamuud waxa uu soo saaray qalab raqiis ah oo uu ka sameeyay caagga shaanbada ay ka dhamaato.

Kadib muddo labo sano oo uu diyaarinayay cilmi baarista la xiriirta sancadan cusub ayuu markii dambe uu ku daabacay majaladda Lancet ee culuumta caafimaadka lagu daaboco.

Illaa 600 caruur ah ayaa illaa hadda ka faa'iideystay barnaamijkan cusub , inkasta oo aanan wali si rasmi ah loo hirgalinin.

Kohinoor Begum iyo Rezaul Karim oo kor u haya gabadhooda Runa oo lagu daweeyay qalabkan
Qoraalka sawirka, Kohinoor Begum iyo Rezaul Karim oo kor u haya gabadhooda Runa oo lagu daweeyay qalabkan

Dr. Maxamuud ayaa hadda la dalacsiiyay, waxaana laga dhigay madaxa cilmi barista caafimaad ee isbitaalka uu ka shaqeeyo.