Adduunku sidee buu noqon lahaa haddii adeegga internetka la gooyo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Internetka ayaa nqon kara mid la kulma dhibaatooyin ay ka mid yihiin khalkhal dhanka hawada ah ama weerarro uga yimaada yaxaas badeedka oo jari kara xarkaha badda hoos mara, iyo cilado ka yimaada dadka ka shaqeeya.
Dhawaan ayay ahayd markii is badal ku yimid barnaamij uu sababay in malaayiin kombiyuutarro ah ay joojiyeen shaqada.
Cilladaas ayaa sidoo kale sababtay in ay shirkadaha diyaaradaha ay baajiyaan duulimaadyo badan oo dunida ah.
Isbitaalada ayaa sidoo kale joojiyay daawaynta iyo qalliinka. Waxa kale oo jirtay dhibaato xagga isgaarsiinta.
Microsoft iyo CrowdStrike ayaa ugu dambeyntii xalliyey dhibaatadaas inkasta oo ay sii socotay maalmo kale.
Dunidan casriga ah oo dhamaan hawlaha ay ku xiran yihiin internetka, haddana waa lama huraan in la filan karo dhibaatooyin dhanka internetka ah in ay mar kale dhici doonaan.
Horay oo dhawr jeer cillad dhanka internetka ah u dhacday ayaa tusaale u ahayd sida dunidaan ay noqoneyso internet la'aan.
"Faa'iidooyinka aan hadda heleyno waa u qalantaa," ayuu yiri Ritesh Kotak, oo ah khabiir amniga internetka iyo falanqeeye tignoolajiyada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa sidoo kale jirtay in mid ka mid ah cilladda dhanka internetka ay qabsatay shirkadda la yiraahdo Network Solution.
The New York Times ayaa sheegtay in dhammaan bogagga ku dhammaanaya .com iyo .net ay sidoo kale hoos u dhaceen waqtigaas.
Malaayiin mareegaha ayaa la carqaladeeyay adduunka oo dhan.
Dadku ma helin fariimo, Shirkaduhu way awoodi waayeen inay la xiriiraan macaamiishooda.
Marka la si barbardhigo faa'iidooyinka intarnetka iyo khasaarihiisa ayaa ah wax kala fog.
Nolosha guud ayaa haatan ah mid isku xiran, marka uu internetka go’o shabakadaha ayaa dhibaatada ugu weyn qaba iyaga oo isku Daya in ay macaamiisha xaliyaan, balse nolosha oo ah mid isku xiran wax kasta ayaa istaaga.
Sanadkii 2019, koox burcadka internetka ayaa dhibaato u geysatay internetka bulshada Alaska.
Xilligaas waxaa istaagtay nolosha 100,000 oo qof. "Wax walba waa joogsadeen," ayay tiri Helen Munz oo xubin ka ah bulshada. Ilaa hadda, gobolkayagu ma dhamayn hagaajinta kombuyuutarrada,” ayay tidhi.
'Waxaan u baahanahay xarig weyn'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Internetka Armenia ayaa ah mid ku xiran hal xarig oo aan awood weyn laheyn waxa uuna soo maraa Georgia.
Sanadkii 2011 ayaa la jaray xarigaas waxaana internet la,aan noqday dad gaaraya 2.9 milyan oo Armenian ah.
Qofka xilligaas internetka jaray waxa uu ahaa nin 75 jir ah kaas oo isticmaalayay walax af badan.
Ninkaan ayaa la xiray iyadoona markii dambe la sii daayay da’diisa darteed. "Ma garaneyn waxa uu internetku yahay," ayuu yiri ka dib markii la sii daayay.
Tani waxay tusinaysaa dhibaatada kalsoonida lagu qabo isku xirka internetka oo dhererkiisu yahay kumannaan kiiloomitir. In xadadkaan la tiriyo ayaa laga yaabaa inay tahay mid ku xiran ikhtiyaarka dadka.
Sannadkii 2017, Zimbabwe waxay ahayd maalin badhkeed internet la'aan. Arrintan ayaa timid kadib markii cagaf-cagaf ay ka jartay fiilada dalka Koonfur Afrika.
Fiilooyinka la dhigo biyaha badda hoostooda waxay u nugul yihiin weerarrada noole-badeedka. Noolahan ayaa hore u jaray fiilooyinka.
Nooleyaashan badda ayaa tan iyo markaas dhibaato ku keenayay khadka taleefanka iyo barta Telegram-ka
Shirkadda Google waxay ku duubtaa xarriiqeeda hoos biyaha badda sababtan awgeed.
Mararka qaarkood dowladuhu waxay jaraan internetka
Xilliyada qaar dowladaha ayaa jara internetka iyaga oo caburinaya bulshada ama mudaharaadyo jira ayaa lagu damiyaa si warka uusan dibadda ugu bixin.
"Tan iyo 2016, waxaa jiray 1,500 oo jeer in internetka la gooyay oo ay sameeyeen dowlado, mintidiin iyo ciidamada booliiska," ayuu yiri Zack Rosen, oo ah falanqeeye sirdoon oo ku sugan Access Now.
Dhowaan, ka dib markii ay isku dhaceen arday iyo boliiska Bangaladesh oo xukunka ka tuuray, dowladdu waxay jartay internetka.
Ugu yaraan 150 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen falkaasi ay geysteen ciidamada dowladda.













