Xog ku saabsan inta uu dhanyahay dahabka Soomaaliya sanadkii laga dhoofiyo

Dahabka

Xigashada Sawirka, google

Dowladda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, ayaa soo saartay siyaasad ay rabto in ay ku xakamayso dagaallada ka dhasha dahab qodista oo waayahii danbe keenay isqabqabsiyo sababay dhimasho iyo dhaawacba. Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi ayaa sheegay in ay dhaqan geliyeen xeerar lagu maamulo meelaha macdanta laga qodo si'aan loo kala sheegan.

Tobankii sanno ee lasoo dhaafay hadalhaynta dahabka Soomaaliya iyo warbixinnada laga qoray ayaa sare u kacday. Meelaha ugu hadalhaynta badan ee lagu sheego in dahab lagasoo saarana waa Dowladda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Sanaag, Bari, Hiiraan iyo labada Shabeelle sida la sheego.

Maxaan ka ognahay xaaladda dahabka ee Soomaaliya?

Sanadkii 2022 ayay sheeko ku shaac baxday baraha bulshada qabsatay kadib markii wiil lagu magacaabo Maxamed Saciid Cali uu god uu ka qodaayay dahabka oo ku yaala magaalada Milxo ee buuroleyda Calmadoow ee gobolka Sanaag uu ku dumay, ka dib afartan saacadood oo gurmad ah oo laguna baadigoobay wiilkaas ayaana maydkiisa markii danbe bannaanka loosoo saaray. Sheekada ugub ee aan dadku ku wada baraarugsanayn ayaa ahayd in dahab Soomaaliya laga qodo.

Maxamed Saciid oo 24 jir ahaa waxuu kamid noqday dad badan oo halkaas dahab iyaga oo qodaya ay godod ku dumeen balse isaga sheekadiisu waxay noqotay mid baahday maadaama warkiisu baraha bulshada aad ugu faafay.

Maxamed Xasan Dhalo oo ah wariye madax bannaan oo booqday magaalada Milxo waxuu sheeegay in ku dhawaad 10,000 oo qof ay u shaqo tagaan maalin walba magaalada Milxo ee gobolka Sanaag waxuuna xusay in dahabka magaalada uu sababay in sare u kac baahsan uu ku yimaaday tirada dadka ku nool magaalada oo haddeer kamid noqotay magaalooyinka ugu dadka badan gobolka sanaag afartii sanno ee lasoo dhaafay gudahood.

Xaaladda dahabka ee magaalada Milxo oo u jirta Laasqoray 60 kiilomitir ayaana mar noqotay in shaaha xiitaa lagu kala iibsado dahab.

Magaalada Burco yar oo iyadana ku taala gobolka Sanaag ayaa labo kooxood dagaal ku dhex maray labo jeer kuwaas oo isku haystay dahab laga helay buur ku taalla deegaanka, labadaas dagaal ayuu mid ku dhintay hal qof mid kalena dhowr qof ku dhaawacmeen. Dagaalkan ayaana sababay isqabsi dhex maray dahab qodayaasha oo kala sheeganaya lahaanshaha meesha dahabka laga helay.

SUPPLIED TO UNIVERSITY OF ALBERTA

Xigashada Sawirka, SUPPLIED TO UNIVERSITY OF ALBERTA

Sanadkii 2022 cilmibaadhayaal u dhashay dalka Canada ayaa sheegay in saddex dhagax oo ku cusub macdanaha laga helay gobolka Hiiraan, balse dadka Soomaalida oo ka falceliyay dhagaxaan ayaa sheegay in uu yahay dagax ay horeyba u yaqaaneen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhammaan macdanaha laga helo gudaha dalka Soomaaliya ayuusan jirin nidaam sharciyaysan oo qeexaya habka looga faa’iidaysan karo – ka ganacsiga, soo saaridda iyo dhoofinta dahabka laga helo gudaha Soomaaliya ayayna qeexnayn habka loo maro waxaana lagu sheegaa in dhammaan siyaabahaan kala duwanba dhuumasho lagu sameeyo sidaas darteedna ayna jirin cid qeexi karta cadadka dahabka laga dhoofiyo Soomaaliya.

Wadanka Imaaraadka Carabta ayaase loo dhoofiyaa dahabka laga helo gudaha Soomaaliya, qiyaastii sanadkii inta la dhoofiyo ayaan cidina sida runta ah u ogeyn balse xog ay daabacday Xarunta Kormeerka Dhaqaalaha Adag ( The Observatory of Economic Complexity) oo ah bar online ah oo muuqalaysa xogaha dhaqaalaha uuna hirgeliyo qaybta warbaahinta ee Machadka Tiknooloojiyadda Massachutts ee dalka maraykan ayaa qeexaysa in waxa ugu badan ee Soomaaliya laga dhoofiyo uu yahay dahabka oo qiimahiisa ku kacaya sanadkii 246 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Hay’adda Xogaha Ganacsiga Adduunka (Trade Intelligence Global ) ayaa iyada qortay sanadkii 2020 in waxyaabaha ugu badan ee Soomaaliya dibadda looga dhoofiyo ay tahay macdanaha qaaliga oo qiimahooda ku kacayo 111.34 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.