Ehelka qaar ka mid ah dadkii ay la gaddoontay doontii Garissa oo BBC-da la hadlay

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Waxaa weli socda gurmadka samatbixinta dooni ku qaraqantay waddada isku xirta Garissa iyo Niarobi.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacday abaarihii 6:30 maqribnimo ee Axadii taasoo kooxaha gurmadka ku adkeysay in ay u gurmadaan dadkaasi maadaama ay ahayd xilli uu gabalka sii dhacayay.
Waxaa ilaa iyo hadda ay shaqaalaha gurmadka soo badbadiyeen 22 qof oo ka mid ahaa dadkii doontaasi saarnaa.
Mid ka mid ah goobjoogayaashii taagnaa markii doonta la rarayay islamarkana arkayay markii ay rogmatay ayaa BBC u sheegay in doontan ay buux dhaaftay taasina ay sabab u tahay shilka dhacay.
Maxamed Nuur ayaa sheegay in naaquudihii waday doonta ay biyaha ka tan bateen sidaasina ay doonta ku rogmatay.
"Shalay galabtii xilli ay saacaddu ahayd 12 maqribnnimo ayaa labo doon oo ka mid ah kuwii dadka gudbisiinayay ayaa dad xad-dhaaf ah oo tiro badan inta ay soo qaaday ayaa markii ay mareysay waddada meesha ay ka go'an tahay ayaa waxaa ka lumay koontaroolka, naaquudihii waday doonta biyaha ayaa ka tan badiyeen, dad badan ayaana saarnaa sidaa ayay ku dagtay" ayuu yiri.
Doonta oo sida la sheegay loogu talagalay 30 qof ayaa waxaa markii ay gadoomeysay saarnaa 52 qof.
"Sida aan arkaynay waxaa saarnaa 52 qof. ilaa iyo hadda waxaa la badbaadiyay 28 ruux , ayuu intaa ku daray"

Xigashada Sawirka, Maxamed Nuur
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka wali maqan
Waxaa wali la la'yahay qaar ka mid ah dadkii saarnaa doonta shilka gashay.
Dadka wali la la'yahay waxaa ka mid ah labo gabdhood oo walaalo ah kuwaasi oo wali ay eheladooda raadinayaan.
Cabdi Raxmaan Maxamed Haajir islamarkana abti u ah gabdhaha la la'yahay ayaa BBC u sheegay in labada gabdhood iyo habar yartood ay doonta saarnaayeen, basle habaryarta ay soo badbaaday gabdhahana la la'yahay.
"Laba gabdhood iyo habaryartood ayaa wada socday oo aan abti u ahay ayay ahaayeen marka shalay casirkii ayaa iigu war dambeysay markii ays oo galeen doonta ilaahey waxaa uu qadaray in habar yartood ay soo badbaado gabdhihiina raq iyo ruux wax aan gacanta ku hayno ma lahan" ayuu yiri Cabdi Raxmaan .
Shaqaalaha gurmadka ee hay'adda laanqeyta cas ayaa imika wada howlaha gurmadka.
Xirnaanshaha waddada isku xirta Madogo iyo Gaarisa awgeed ayaa dadka waxa ay bilaabeen in ay isticmalaan doomaha masaafo aan sidaasi u sii fogeyn.
Webiga Tana ayaa qararka jabsaday kadib roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay inta badan gobolada dalka.
Saacad kasta oo dhamaata waxaa ay hoos u sii dhigeysaa rejada laga qabi karo in dad kale oo nool halkaasi laga so saaro.
Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa gobolada kala duwan ee dalka Kenya ka da'ayay roobab mahiigaan ah oo galaaftay noolasha dad badan.
In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay fatahaado saameeyay qeybo ka mid ah dalka Kenya bishii la soo dhaafay.
Marka laga so tago doonida ku rogmatay waddada Garissa, in ka badan 40 qof ayaa dhintay kadib markii uuuu qararka jabsaday biyo xireen ku yaalla galbeedka Kenya.
Guryo ayay fatahaduhu cagta mariyeen, waxaana go’ay waddooyinka kadib markii biyo xireen uu qararka jabsaday tuulada Kamuchiri ee galbeedka Kenya.
"Afartan iyo laba ayaa dhintay. Weli waxaa jira kuwo badan oo dhoobada ku jira," guddoomiyaha gobolka Nakuru Susan Kihika ayaa sidaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.













