Hooyo Soomaali ah oo ka dhex muuqata dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee 2022

Muqdisho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaan isku soo aruurinnay sawirro muujinaya qaar ka mid ah waxyaabihii ugu waaweynaa uguna xasuusta badnaa ee guud dunida ka dhacay sanadkan sii dhammaanaya ee 2022-ka.

Haweeney ka tirsan Bulshada Kirat ayaa ku ciyaareysa dharka hiddaha iyo dhaqanka xilli ay ka qeyb galeysay fantasyaha Sakela oo lagu qabtay magaalada Kathmandu, Nepal.

Xigashada Sawirka, ROJAN SHRESTHA/NURPHOTO/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Haweeney ka tirsan Bulshada Kirat ayaa ku ciyaareysa dharka hiddaha iyo dhaqanka xilli ay ka qeyb galeysay fantasyaha Sakela oo lagu qabtay magaalada Kathmandu, Nepal.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku naf waayay musiibooyin dhul go'ay iyo fatahaado ah oo ka dhacay gobolka Minas Gerais ee dalka Brazil. Dad ka badan 28,000 oo qof ayaa guryahooda uga cararay musiibooyinkan oo ka dhashay roobab ma hiigaan ah.

Xigashada Sawirka, PEDRO VILELA / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 15 qof ayaa ku naf waayay musiibooyin dhul go'ay iyo fatahaado ah oo ka dhacay gobolka Minas Gerais ee dalka Brazil. Dad ka badan 28,000 oo qof ayaa guryahooda uga cararay musiibooyinkan oo ka dhashay roobab ma hiigaan ah.
Waa sawir laga soo qaaday dibadbaxyada looga soo horjeeday tallaalka corona oo ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Canada ee magaalada Ottawa, oo ah caasimadda dalkaas. Gobolka Ontario ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah ka dib markii ay labo isbuuc ka socdeen mudaharaadyada ay sameynayeen darawaliinta gawaarida xamuulka ah.

Xigashada Sawirka, CARLOS OSORIO / REUTERS

Qoraalka sawirka, Waa sawir laga soo qaaday dibadbaxyada looga soo horjeeday tallaalka corona oo ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Canada ee magaalada Ottawa, oo ah caasimadda dalkaas. Gobolka Ontario ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah ka dib markii ay labo isbuuc ka socdeen mudaharaadyada ay sameynayeen darawaliinta gawaarida xamuulka ah.
Beijing ayaa noqotay magaaladii ugu horreysay ee martigelisay ciyaaraha Olympic-da ee Xagaaga iyo Qaboobaha labadaba. Xafladdii furitaanka ee Ciyaaraha qaboobaha ee sanadkan waxaa lagu qabtay xarunta The Bird's Nest stay

Xigashada Sawirka, FUTURE PUBLISHING / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Beijing ayaa noqotay magaaladii ugu horreysay ee martigelisay ciyaaraha Olympic-da ee Xagaaga iyo Qaboobaha labadaba. Xafladdii furitaanka ee Ciyaaraha qaboobaha ee sanadkan waxaa lagu qabtay xarunta The Bird's Nest stay
Will Smith oo dharbaaxay Christ Rock

Xigashada Sawirka, BRIAN SNYDER / REUTERS

Qoraalka sawirka, Munaasabaddii 94-aad ee abaalmarinnada Oscar-ka ee lagu qabtay magaalada Los Angeles ayaa Will Smith lagu siiyay billadda atooraha ugu fiican, taasoo uu ku muteystay filimka "King Richard". Balse waxaa uu isla goobtaas ku dharbaaxay Majaajiliiste Christ Rock oo ku kaftamay xaaskiisa, Jada Pinkett Smith oo xanuun ay qabto awgiis timaha isaga xiirtay. Smith waxa uu markii dambe bixiyay raalligelin
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Xigashada Sawirka, ROMAN PILIPEY/EPA-EFE

Qoraalka sawirka, Dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa billowday 24-kii February. Sawirkan waxa uu muujinayaa dad rayid ah oo baxsanbaya iyagoo isticmaalaya buundo macmal ah oo u dhow magaalada Kyiv.
Mudaharaadyadii xuquuqda ilmo iska soo rididda ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, JIM URQUHART / REUTERS

Qoraalka sawirka, Mudaharaadyo lagu doonayo xuquuqda ilmo-iska-soo-rididda ayaa ka dhacay Mareykanka. Dibadbaxayaasha ayaa isugu tagay caasimadda gobolka Utah ee Salt Lake ka dib markii ay Maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka waxba kama jiraan ka dhigtay sharci fasaxayay in ilmaha uurka ku jira lasoo rido
Xadka Mexico iyo Mareykanka

Xigashada Sawirka, ADREES LATIF / REUTERS

Qoraalka sawirka, Tahriibeyaal ayaa ka gudbay magaalada Rio Grande ee dalka Mexico, iyagoo iska diiwaangeliyay gobolka Texas.Tahriibeyaasha ka gudba Mexico ee gala Mareykanka ayaa ka batay tiradii ay ahaayeen 2021-kii. In ka badan 50 tahriibe ayaa ku dhintay gaari xamuul ah oo looga tagay iyagoo ku xiran gudihiisa.
Maroodi god ku dhacay

Xigashada Sawirka, TAANRUUAMCHON / REUTERS

Qoraalka sawirka, Kooxaha gurmadka ayaa badbaadiyay Maroodi iyo ilmihiisa yar oo ku dhacay god ay ka bixi waayeen oo ku yaalla dalka Thailand. Dhacdadan ayaa qabsaday hadal-heynta Warbaahinta.
Folkaano iyo Dhul-gariir

Xigashada Sawirka, SERGEI GAPON/ANADOLU AGENCY/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Sawirkan waxa uu muujinayaa dad booqanaya goob ay ka dhacday musiibo Folkaano ah oo ku taalla magaalada Meralir valley ee dalka Iceland. Folkaanada ayaa qaraxday 3-dii bishii August dhowr isbuuc ka dib markii uu aaggaas ka dhacay dhul-gariir
Geeridii Boqoradda Ingiriiska

Xigashada Sawirka, JEFF J MITCHELL / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Naxashka uu ku jiray meydka Boqorad Elizabeth ayaa la geeyay St. George's Chapel. Boqoraddii ugu waqtiga dheereyd ee soo martay Britain ayaa ku geeriyootay Balmoral Castle markii ay taariikhdu ahayd September 8, iyadoo xilligaas ahayd 96 jir
Doorashadii Brazil

Xigashada Sawirka, UESLEI MARCELINO / REUTERS

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Brazil Luiz Inácio Lula da Silva ayaa ka qeyb galay isusoobax ka dhacay magaalada Curitiba xilli ay soo dhaweyd doorashada Madaxtinnimada. Lula da Silva waxa uu doorashada ku wajahayay Jair Bolsonaro. Lula ayaa ku guuleystay boqolkiiba 50.9 ka mid ah codadkii la dhiibtay
Dibadbaxyada Iiraan

Xigashada Sawirka, DIA IMAGES / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Meelo badan oo ka mid ah caalamka, dumar ayaa timaha iska jaray iyagoo kaga qeyb qaadanayay mudaharaad looga soo horjeeday dowladda Iiraan. Dibadbaxyada Iiraan ayaa billowday ka dib markii ay gacanta booliska ku dhimatay Mahsa Amini
Hoggaamiyihii hore ee Shiinaha, Hu Jintao

Xigashada Sawirka, KEVIN FRAYER / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Bishii October waxaa hadal-heyn aad u ballaaran dhalisay arrin ku saabsan hoggaamiyihii hore ee Shiinaha Hu Jintao oo laga saaray xafladdii xiritaanka ee xisbiga Shuuciga. Siyaasiga 79 jirka ah ayaa fadhiyay meel ku xigta guddoomiyaha xisbiga ahna madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Hu Jintao ayaa la arkayay isagoo ay booliska ka kaxeynayaan goobta. Ma jirin bayaan rasmi ah oo ay dowladda Shiinaha ku sharraxday dhacdadaas.
Abaaraha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, GUY PETERSON / AFP

Qoraalka sawirka, Sawirkan waxa uu muujinayaa Hooyo Soomaali oo laabta ku heysa cunuggeeda oo ay kula jirtay isbitaal ku yaalla magaalada Baydhabo. Ka dib markii ay afar sano di'i waayeen roobab waxay abaartii ugu xumeyd muddo 40 sano ah ku dhufatay Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Dayax-gacmeed ay dirtay NASA

Xigashada Sawirka, JOSEPH RIMKUS / REUTERS

Qoraalka sawirka, Hay'adda Arrimaha Hawada ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa dirtay dayax-gacmeedkii ugu awoodda badnaa ee abid la sameeyo. Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo Artemis 1 ayaa hawada loo diray bishii November
Messi oo ku guuleystay Koobka Adduunka

Xigashada Sawirka, SHAUN BOTTERILL / FIFA / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Xulka Qaranka Argentina oo uu hoggaaminayay Lionel Messi ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka oo ay ugu dambeysay 1986-kii, xilligaas oo uu usoo hoyiyay Diego Maradona. Argentina waxay gool ku laad 4-2 ah uga badisay xulka Faransiiska oo rajeynayay in uu Koobka hanto markii labaad oo isku xiga.Waxaa aad loo daneynayay dagaal ka dhaxeeyay laacibka 35 jirka ah ee Argentina, Messi iyo ciyaartoyga da'da yar ee Faransiiska, Kylian Mbappe.