Shirkad diyaaradeed oo markii labaad qaladay da'da haweeney jirta 101

Haweeney 101 jir ah ayaa lagu qalday inay tahay ilmo yar taasi oo sabab looga dhigay qalad ka yimid nidaamka diiwaangalinta dadka loo ballamiyo raacidda diyaaradda.
Dhacdadani ayaa la sheegay in ay ka dhacday nidaamka shirkadda diyaaradaha ee American Airlines' waxaana muuqata in haweeneydan oo magaceeda ku soo koobtay Patricia, islamarkana dhalatay 1922, loo diiwaangaliyay inay dhalatay 2022.
BBC-da ayaa aragtay khaladkan dhanka da'da ah taasi oo haweeneydan iyo shaqaalaha diyaaradaba ay ku qosleen.
"Waxay ahayd wax lagu qoslo inay u maleeyeen inaan ahay ilmo yar oo aan ahay gabadh da' ah!" ayay tiri.
Dhacdadan ayaa dhacday xilli Patricia ay u kala duulaysay Chicago iyo Marquette, Michigan - duulimaad uu weriyahani warbixin soo tebiyay uu sidoo kale ku safrayay.
Patricia ayaa waxaa safarkeeda ku wehelisay gabadheeda, Kris.
"Gabadhayda ayaa qaabka online ka ku jartay tigidka, islamarkana nidaamka kombayutarka garoonka diyaaradaha waxay u maleeyeen in taariikhda dhalashadaydu ahayd 2022 oo aanay ahayn 1922," ayay igu tiri.
"Arrin la mid ah ayaa dhacday sannadkii hore, waxayna sidoo kale iga filanayeen in aan aniga ahay ilmo yar."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kursiga Patricia ayaa waxaa lagu jaray inay tahay qof wayn .
Laakiin waxa ay u muuqataa in nidaamka kombuyuutarrada garoonka aanu awoodin in uu farsameeyo taariikhda dhalashada oo ay ka soo wareegtay 100 sano taa badalkeedana uu ku qaldo 2022-kii.
haweeneydan oo hore, u ahayd kalkaaliso caafimaad islamarkana sanad walba booqasho ugu tagta qoyskeeda , ayaa sheegtay in labada jeerba shaqaalaha diyaaradda American Airlines ay ahaayeen kuwo naxariis badan oo caawiyay, in kasta oo jaahwareerka uu jiray.
Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines kama aysan jawaabin codsi aha in ay faahfaahin bixiyaan.
In kasta oo ay u aragtay wax lagu maadsado , haddana haweenaydan boqol- sano jirka ah waxa ay sheegtay in ay jeclaan lahayd in cilladda la saxo maadaama ay u keento dhibaatooyin.
Tusaale ahaan, garoonka ma haystaan gaadiid u diyaarsan guddaha terminalka sababtoo ah waxay ii qabaan inaa ahay ilmo la qaadi karo.
Mar kale Patricia iyo gabadheeda ayaa ku sugayay gudaha diyaaradda ka dib markii rakaab kale ay ka baxeen, maadaama shaqaalaha garoonka aysan u diyaarin kursiga lagu qaado dadka naafada ah.
Waxay sheegtay in da'deeda dhabta ah oo la aqoonsado ay sidoo kale faa'iido u leedahay Kris.
"Waxaan jeclaan lahaa inay hagaajiyaan kombuyuutarka maadaama gabadheyda maskiinta ah ay ku qasban tahay inay qaado dhammaan boorsooyinkayada iyo dharkeena masafo hal meyl u jirta albaabka ," ayay tiri.
Safarka xigga
Patricia waxay kaligeed safaraysay ilaa ay ka gaaraysay 97, laakiin waxay ku tiirsanayd caawimada qoyskeeda tan iyo markaas.
"Hadda dhibaato ayaa iga haysata dhanka aragga indhahayga sidaa darteed ma rabo inaan keligay safro," ayay tiri.
Laakiin waxay ku adkaysanaysaa in dhibaatooyinka tiknoolajiyada ay ka joojin doonin duulimaadkeeda, waxayna sheegtay inay rajaynayso duullimaadkeeda xiga xilliga dayrta.
Markaas waxay noqon doontaa da'deeda 102 - lagana yaabo in markaas kombuyuutarrada diyaaraduhu ay soo qaban doonaan da'deeda dhabta ah.
Shirkad diyaaradeed oo markii labaad qaladay da'da haweeney jirta 101
SHORT HEADLINE: Airline keeps mistaking 101-year-old woman for baby












