Iiraan ayaa sheegtay in ay ka jawaabi doonaan weerrada ay Israa’iil ka waddo Lubnaan haddii aysan joojin, marinka Hormuz-na uu dib u xirmi doono

Israa'iil iyo Mareykanka ayaa sheegay in Lubnaan aysan ku jirin heshiis xabbad joojinta ah ee labada toddobaad ah, kaas oo lala galay Iiraan. Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay "Dharbaaxadii ugu waynayd" gaarsiiyeen kadib duqaymo ay maanta fuliyeen.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Madaxweynaha Iiraan oo ka hadlay weerarka warshadda

    Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday warshadda sifaynta saliidda ee Lavan ee koonfurta Iiraan saaka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda, IRNA.

    IRNA ayaa ku tilmaantay arrintan mid ka mid ah “xadgudubyo dhowr ah oo lagu sameeyay xabbad-joojinta”.

    Waxayna sidoo kale intaas ku dartay: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay si adag uga jawaabi doontaa gardarro kasta.”

  2. War deg deg ah, Weerar lagu qaaday warshadda sifeynta saliidda Iiraan

    Saliidda Iiraan

    Xigashada Sawirka, Telegram

    Muuqaal ay xaqiijisay BBC Verify ayaa muujinaya dab holcaya iyo qiiq madow oo aad u badan oo ka baxaya warshadda sifaynta saliidda ee Lavan ee koonfurta Iiraan saaka.

    Muuqaalka la xaqiijiyay, waxaa lagu arkayaa ugu yaraan laba shaqaale oo ag taagan saddex haamood oo kayd ah, iyagoo duubaya dabka, halka qiiq madow uu cirka isku shareerayo.

    Warshaddu waxay ku taallaa Jasiiradda Sirri oo qiyaastii gacanka 40 mayl u jirta xeebta koonfureed ee Iiraan.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Qaranka ee Sifaynta iyo Qaybinta Saliidda ee Iiraan ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday warshadda uu yahay “weerar fulaynimo ah oo ka yimid cadowgeeda dibadda”.

    Lama soo sheegin wax dhimasho ah, waxaana socda dadaallo lagu daminayo dabka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

    Weerarkan ayaa yimid kaddib markii shalay la isku raacay xabbad-joojin laba toddobaad ah oo u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka. Saraakiisha dowladda Iiraan wali cidna kuma eedeyn dhacdadan, mana soo saarin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sababta keentay.

  3. Mala furay Marinka Hormuz?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Shirkadda maraakiibta SSY ayaa u sheegtay BBC Verify in ay weli jiraan caqabado ka hor istaagaya maraakiibta inay ka gudbaan marinka Hormuz.

    Wuxuu sheegay in maraakiibtu ay helayaan farriin, taas oo sheegaysa in aysan mari karin iyagoo aan oggolaansho ka haysan Ciidamada Islamiga ah ee Iiraan (IRGC).

    “Qof walba ha maqlo. Dhammaan badmaaxiinta ha maqlaan. Dhageysta, dhammaan maraakiibta ku sugan Gacanka Faaris iyo Cumaan. Tani waa codka saldhigga badda ee IRGC. Marinka Hormuz wali waa xiran yahay. Oggolaansho inaad ka haysato IRGC ayaa loo baahan yahay ka hor inta aadan gudbin. Haddii kale, markab kasta oo isku daya inuu ka baxo marinka Hormuz wuxuu noqon doonaa bartilmaameed la weeraro.

    Fariintan waxaa laga maqlay kanaalka ay maraakiibta oo dhan isticmaalaan si ay u helaan macluumaadka badbaadada badda,” ayuu khabiir ka tirsan SSY oo la hadlay BBC-da.

  4. Lubnaan oo shaacisay tirada dadka ku dhintay duqeymihii maanta ee Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    In ka badan 180 qof ayaa maanta lagu dilay dalka Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee dowladda.

    Maanta, ciimada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa qaaday weerarkii ugu ballaarnaa ee duqeymo ah oo ay ka fuliso caasimadda Beyruut, koonfurta dalka iyo meelo kale, tan iyo markii ay billowday howlgalkeeda dhulka ee koonfurta Lubnaan bishii hore.

    NNA waxay sheegtay in, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha, 182 qof ayaa ku dhintay, halka 890 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Dhanka kale, hay’adda Lebanese Civil Defence Agency ayaa sheegtay in 254 qof la dilay halka 1,165 kalena ay dhaawacmeen. Hay’addu waxay xaqiijisay tiradan sida ay u sheegtay BBC.

    Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay inay “aad uga xuntahay dhimashada iyo burburka ba’an ee soo gaaray meelaha dadku ku badan yihiin ee Lubnaan maanta”.

    Sidoo kale, ururka xuquuqda aadanaha adduunka ayaa ugu baaqay Israa’iill “inay ixtiraamto sharciga bini’aadantinimada caalamiga ah isla markaana hubiso in dadka rayidka ah la mee;aha ay ku noolyihiin”.

  5. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xabbad joojinta Bariga dhexe

    M. Xassan/Trump

    Xigashada Sawirka, X

    Qoraalka sawirka, M. Xassan/Trump

    Warsaxafaadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibaadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweeneyso heshiiska xabbad-joojinta ah ee ay ku dhawaaqeyn dowladda Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    “waa tallabo muhiim ah oo waqtigeeda ku timid, taas oo hoos u dhigeysa xiisadda colaadeed, waxa ayna horseedeysaa nabad ka dhalata gobolka Bariga dhexe iyo caalamkaba”, ayaa lagu yiri qoraalka.

    Soomaaliya ayaa masuuliyiinta Maraykanka ku ammaantay qaadashada tallaabadan wada-hadallada ah, iyada oo sheegtay in taageerada Iiraan arrintan ay noqon doonta mid furi doonto dhabbo wada-xaajood.

    Somaaliya waxa uu dhinaca ku hayaa Badda cas, taas oo keeneysa inuu kamid noqdo waddamada u nugul colaadda Bariga dhexe, waxaana qoraalka lagu yiri “ Sooomaaliya waxa ay hoosta ka xarriiqeysaa muhiimadda ay leedahay hirgelinta xabbad-joojinta, waxa ayna ku baaqeysaa in la wada-hadallada laga dhigo kuwo joogto ah oo lagu gaari karo xal waara”.

  6. War deg deg ah, Arrinta Lubnaan ee Iiraan heshiiska ku soo dartay oo xiisad cusub abuurtay

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka DJ Vance, ayaa sheegay in Mareykanku aanu waligiis ballan qaadin inuu Lubnaan ku darayo xabad joojinta, inkastoo Iiraaniyiintu ay u maleynayaan inay sidaas tahay.

    Haddii Iiraaniyiintu ay rabaan in wadahadalladu ay burburaan oo ay ku burburaan Lubnaan, "waa doorashadooda", ayuu yiri, isagoo intaa ku daray inay u maleynayaan inay "sidaasi caqli badi tahay".

    Vance wuxuu sidoo kale su'aal ka keenay Marinka Hormuz, isagoo sheegay inay jiraan calaamado muujinaya inuu dib u furmayo.

    Saraakiisha Iiraan ayaa ka hor yimid taas, iyagoo sheegay in marinka uu weli xiran yahay.

    Horay, waddanku wuxuu uga digay maraakiibta maraya Marinka Hormuz iyagoon haysan ogolaansho inay "bartilmaameedsan doonaan oo ay burburin doonaan".

  7. War deg deg ah, Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo yiri "dad waalan ayaa wax faafinaya"

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, oo wariyaasha kula hadlayay gudaha dalka Hungary ka hor inta uusan raacin diyaaradda Air Force Two, waxaa uu yiri:

    “Waxa ka socda Iiraan ee ka jira dhulkeeda waa in, si cad, uu u jiro mowqif ay dowladdu ku doonayso inay wadaxaajood la gasho Maraykanka.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Trump uu doonayo inuu kooxdiisa wadahadallada u diro Pakistan si ay wadahadallo ula yeeshaan "wadahadallo niyad wanaag ah Wafuudda Iran".

    Vance ayaa sidoo kale yiri: “Waxaa jira dad cirifyada fog ku sugan (dad aan muhiim ahayn oo waalan ama ka baxsan go’aamada waaweyn ee la gaaray) oo si qarsoodi ah u baahinaya warar aan sax ahayn. Waxay sidaas u sameeyaan si ay dacaayad u faafiyaan, ama sababtu waxey tahay ma jecla wixii dhacay,.”

    Wuxuu sidoo kale sheeganayaa in Mareykanku uu ka gaaray yoolal militari dagaalka Iran.

  8. Booliiska Israa'iil oo ku dhawaaqay in Khamiista dib loo furi doono Masjidka Barakeesan ee Al-aqsa

    Booliiska Israa’iil ayaa hadda ku dhawaaqay in goobaha cibaadad ee Qudus dib loogu furi doono, loona ogolaan doono booqdayaasha iyo dadka ku cibaadeesanaya, kadib heshiiska xabbad-joojinta ku meel gaarka ah ee laga gaaray colaadda Bariga Dhexe.

    Goobahaas, oo ay ku jiraan masaajidka barakeesan ee Al-Aqsa, iyo goobaha kale ee ay ku cibaadeestaan dadka aan muslimka ahayn sida kaniisadda iyo qabriyada barakeesan, dhammaantood ku yalla magaalada Qudus.

    Sababo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Iiraan ee ay bilaabeen Maraykanka iyo Israa’iil lix toddobaad ka hor, ayaa goobahan loo xiray intii lagu jiray fasaxyada diimeed ee muhiimka ah, maadaama ay halkaas degan yihiin dad diimo kala duwan haysta, Masjid al-aqsa ayaa Ramadaankii lasoo dhaafay laguma oogin, iyadoo kaliya tiro aad u xaddidan oo wadaaddo ah loo oggolaaday inay galaan.

    Booliiska ayaa sheegay in goobaha Cibaadada dib loo furi doono subaxda Khamiista, iyadoo boqolaal askari oo dheeraad ah la diyaariyey si loo xaqiijiyo ammaanka, waxaana shacabka lagu booriyay inay dulqaad yeeshaan haddii uu ciriir yimaado.

  9. Iiraan oo sheegtay in qodobbo kamid ah heshiiska xabbad-joojinta “si cad loo jebiyay”

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Bagher Ghalibaf, ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X in saddex qodob oo ka mid ah soo jeedinta 10-ka qodob ee Iiraan “si cad oo muuqata loo jebiyay,” isla markaana xaaladdan ay ka dhigeyso “xabbad-joojin laba geesood ah ama “wada-xaajoodaan macquul ahayn.”

    Ghalibaf ayaa xusay in xabbad-joojinta Lubnaan ay ku jirtay soo jeedinta, arrintaas oo Aqalka Cad uu maanta diiday.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay gashay gobolka koonfureed ee Fars ee Iiraan. Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa u sheegay BBC in aysan “ka war hayn” dhacdadaas.

    Qodobka saddexaad, wuxuu ku sheegay in xuquuqda Iiraan ee kobcinta (enrichment) ay ku jirtay soo jeedinta, taas oo sidoo kale lagu xusay bayaanka ay Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan soo saareyn, kaas oo laga akhriyey xalay telefishinka dowladda.

    Dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ka wadaan Iiraan ayaa billowday 28-ka Febraayo, laba maalmood kadib wareeggii ugu dambeeyay ee wada-xaajoodka barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maamulka Trump uu tixgelinayo Ghalibaf inuu noqon karo masuul lala shaqeyn karo, suurtagalna ay tahay, inuu noqdo hoggaamiyaha mustaqbalka Iiraan.

  10. Wasiirka arrimah dibadda Iiraan "Nabad iyo dagaal meel wada galaan"

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan

    Xigashada Sawirka, MARTIAL TREZZINI/EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan

    Maraykanku waa inuu kala doortaa xabbad-joojin ama dagaal sii socda “iyadoo loo marayo Israa’iil”, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ka dib weerarro isdaba joog ah oo maanta ka dhacay Lubnaan.

    Qoraal uu ku daabacay barta X, Cabaas Araghchi wuxuu sheegay in shuruudaha lagu heshiiyey ee xabbad-joojinta laba toddobaad ah ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ay yihiin “kuwa cad oo si toos ah loo qeexay”.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan waxa uu qoraalkiisa ku lifaaqay ogeysiiska xabbad-joojinta ee uu soo saaray ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, isagoo muujinaya sida Sharif u sheegay in heshiiska uu kamid yahay joojinta weerrarad Lubnaan.

    “Maraykanku waa inuu midkood doortaa xabbad-joojin ama dagaal sii socda oo loo marayo Israa’iil. Labadaba wa wada socon karaa,” ayuu yiri Araghchi, isagoo intaas ku daray in “adduunku waa inuu arko xasuuqa ka socda Lubnaan”.

    Waxa uu sidoo kale, hadalkiisa ku daray “Kubadda waxay taallaa garoonka Maraykanka, adduunkuna wuxuu eegayaa haddii uu ka dhabayn doono ballanqaadyadiisa.”

    Sii akhri

  11. Netanyahu oo ku hanjabay in dagaalka ay dib u bilaabi karaan

    .

    Xigashada Sawirka, Israel Prime Minister's Office

    Qoraalka sawirka, Netanyahu

    Daqiiqo ka hor waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isaga oo is dultaagay dhawr qodob oo ay kamid tahay xabbad joojinta labada todobaad ah ee la gaaray.

    Isaga oo sheegay in haddii loo baahdo in Israa’iil weerari doonto Iiraan, welin ay keebla-yuurar yihiin oo ay saacad kasta ay ridi karaan xabadda.

    Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in xabbad joojinta kumeel gaarka ah ee la gaaray aysan ku jirin dagaalka Lubnaan ee ay kula jirto Xisbullaah, “Waan sii wadaynaa inaan si xooggan u duqeyno,” ayuu ku daray, isagoo sheegay in maanta ay “dhirbaaxadii ugu weynayd gaarsiiyeen kooxdaasi, iyaga oo weeraray 100 bartilmaameed 10 daqiiqo gudaheed.

    Netanyahu wuxuu sheegay in heshiiska xabbad-joojinta ee la gaaray fiidnimadii Talaadada lagu sameeyay ogolaansho ka yimid Israa’iil, wuxuuna beeniyay in iyaga lagu wargeliyay daqiiqaddii ugu dambeey, taas oo uu kala jeedo in iyagu qeyb ka ahaayeen.

  12. Digniin adag oo ay soo saareen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay bixin doonaan "jawaab keenta qoomamo" haddii aan si degdeg ah loo joojin weerarada ka dhanka ah Lubnaan, sida ay werisay idaacadda dowladda ee (IRIB).

    Farriin lagu baahiyay Telegram, ayaa waxaa lagu yiri i: "Waxaan digniin adag u diraynaa Maraykanka ballanta ka baxa iyo saaxiibkiisa ku lug leh xasuuqa.

    "Haddii aan si degdeg ah loo soo afjarin gardarrada ka dhanka ah Lubnaanta qaaliga ah, waxaan gudan doonnaa waajibaadkayaga, waxaana jawaab laga qoomameeyo siin doonnaa gardaroolayaasha xaasidka ah ee gobolka."

    Wakaaladda Wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah (IRNA) ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan IRGC oo leh: "Weerar kasta oo lagu qaado Xisbullah waa weerar lagu qaaday Iiraan. Goobta [dagaalka] waxay diyaarinaysaa jawaab culus oo laga bixiyo dambiyada bini'aadantinimada ka baxsan ee nidaamka.

  13. War cusub oo ka soo kordhay Israa’iil

    Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa qoraal ay soo dhigeen Telegram-ka ku sheegay inay "waxyar ka hor" Beyruut ku dhex beegsadeen taliye ka tirsan Xisbullah.

    Milatariga ayaa xusay in faahfaahin dheeri ah ay dib ka soo bixi doonaan.

    Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa sidoo kale soo werinaysa weeraro hor leh oo ka dhacay Beyruut iyo magaalooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan.

    Mar sii horreysay, IDF waxay sheegtay inay maanta qaadday "weerarkii ugu weynaa" ee ka dhanka ah Xisbullah tan iyo markii uu billowday hawlgalkeeda bishii hore.

  14. Raysal Wasaaraha UK oo soo saaray war ku saabsan xabbad-joojinta

    .

    Xigashada Sawirka, ITN

    Qoraalka sawirka, .

    Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa booqasho ku tagay saldhig hawada oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh colaadda inay xabbad-joojinta ka dhigaan mid "joogto ah," isagoo ku boorriyay "dhammaan dhinacyada inay hirgeliyaan xabbad-joojinta, oo ay ku jirto Lubnaan."

    Israa’iil ayaa sii wadday inay garaacdo Lubnaan maalinta oo dhan.

    Starmer ayaa sheegay in UK ay "xiriir dhow" la leedahay Maraykanka iyo saaxiibbada kale.

    Markii la weydiiyay in xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka uu yahay mid "burburay," wuxuu ku jawaabay: "Mabaadi'dayda iyo qiyamkayga ayaa xaqiijiyay in... aynaan ku lug yeelan doonin hawlgalka iyada oo aan la helin saldhig sharci ah, iyo iyada oo aan la helin qorshe suurtagal ah oo si dhab ah looga fakaray."

  15. Ciidamada badda Iiraan oo fariin u diray maraakiibta ku sagan Hormuz, maxayse ku saabsan tahay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Shirkadda howlaha maraakiibta SSY ayaa u xaqiijisay BBC Verify in maraakiibta ku sugan Gulf ay heleen fariintan:

    “Digniin dhammaan maraakiibta. Digniin dhammaan maraakiibta. Digniin dhammaan maraakiibta ku sugan Gacanka Persia iyo Badda Cuman. Tani waa Saldhigga Badda ee Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC). Gudbida Marin-biyoodka Hormuz weli waa xiran yahay, waana inaad oggolaansho ka heshaan IRGC ka hor intaadan maraakiibtu marin. Maraakiib kasta oo isku dayda inay gudbaan waa la beegsan doonaa oo la burburin doonaa.”

    Claire Grierson, madaxa cilmi-baarista maraakiibta shidaalka ee SSY, ayaa u sheegtay BBC Verify in shirkaddu ay ogtahay in shaqaalaha maraakiibta ay maqleen fariintan kanaal raadiyo ah oo loo isticmaalo digniinaha badda ee caalamiga ah.

  16. Warbaahinta Iiraan oo hadda war cusub shaacisay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Warbaahinta Iiraan ayaa sheegaysa in maraakiibta shidaalku ay joojiyeen ka gudubka marin-biyoodka Hormuz, xilli Israa’iil ay Lubnaan ku garaacayso "weeraradii ugu weynaa" tan iyo markii uu billowday hawlgalkooda dhulka.

    In loo ogolaado maraakiibta inay maraan marinkaas ayaa fure u ah xabbad-joojinta u dhaxaysa Iiraan iyo Maraykanka.

    Hase yeeshee, wakaaladda wararka ee Fars oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC) ayaa werisay in inkasta oo laba markab oo shidaal ah ay saaka ka gudbeen marinka ogolaansho ay ka heleen Iiraan, haddana la joojiyay isu-socodka maraakiibta shidaalka ee maraya marin-biyoodka Hormuz.

    Wakaaladda Wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah (IRNA) ayaa sidoo kale sheegaysa in maraakiibta la joojiyay, iyadoo labada xarumoodba ay daliishadeen weerarada joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Lubnaan.

  17. Maxaan Iran loogu ogoleyn in ay yeelato hubka Nukleerka?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Mas'uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Iran ayaa wadahadallo fool ka fool ah ku yeeshay magaalada Muscat ee caasimadda Oman, iyagoo isku dayaya in ay gaadhaan heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

    Horey waxaa u jiray heshiis nukliyeer oo ay kala saxiixdeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee caalamka, balse sannadkii 2018, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu ka baxayo heshiiskaas, isagoo sidoo kale Iran saaray cunaqabateyn dhaqaale, taasoo si rasmi ah uga xanaajisay Tehran.

    Markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Trump wuxuu bilaabay wadahadallo cusub oo ku saabsan heshiis nukliyeer oo cusub oo uu Iran la yeelanayo, wuxuuna uga digay in haddii wadahadalladaasi si guul leh ku dhammaan waayaan, ay suurtagal tahay in tallaabo milatari laga qaado dalkaas.

  18. Iiraan oo ka digtay tallaabo ay ku sheegtay xad-gudub xabbad-joojinta ah iyo dalka ay ku eedeysay

    Telefishinka dowladda Iiraan, oo soo xiganaya bayaan ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Kacaanka, ayaa ku dhawaaqay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ay Israa’iil samaysay oo la yiraahdo Hermes lagu soo riday iyadoo ku duulaysa magaalada koonfureed ee Lar maalintii Arbacada, iyagoo ka digay "xadgudub ka dhan ah xabbad-joojinta."

    Bayaanka ayaa u qornaa: "Dhowr daqiiqo ka hor, diyaarad horumarsan oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ah Hermes 900 ayaa lagu dhex qabtay laguna burburiyay hawada Lar ee gobolka Fars, kadib markii lagu riday nidaamka difaaca hawada ee casriga ah ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka."

    Bayaanka ayaa lagu muujiyay in "soo gelitaanka nooc kasta oo ay tahay diyaarad ay leeyihiin cadawga Maraykanka ama Israa’iil ee hawada dalka, xataa haddii aysan fulin hawlgallo milatari, ay ka dhigan tahay xadgudub ka dhan ah xabbad-joojinta, ayna ka dhalan doonto jawaab adag."

  19. Wax badan ka ogow gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic ee ay Iiraan heysato

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Bishii November ee 2023 ayay ahayd markii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ahaa ee Iran ku dhawaaqeen inuu haysto gantaal hypersonic ah oo ay u bixiyeen magaca Faatix oo micnahiisu yahay furasho.

    Iran waxay sheegtay in gantaalkan uu wax ka beegsan karo ilaa masaafo gaadha 1,400 kiilomitir sidoo kale uu ku socon karo xawaare sare oo gaadha ilaa Mach 15 oo 5 km ilbiriqsigii kahor inta uusan ku dhicin bartilmaameedkiisa.

    Waxaa sidoo kale la sheegay inuu leeyahay dhuun labaad oo loo dhaqaajin karo in loo adeegsado sidii kiciye kale oo u ogolaanaya inuu sii kordhiyo xawaarihiisa, taasoo saraakiisha sare ee Iran ay ku doodayaan in aysan jirin nidaam difaac oo dunida ilaa hadda la jaanqaadi kara.

    Mas'uuliyiinta Iran sidoo kale waxay ay ku faaneen in Faarix uu siin doono awood cusub oo iska caabin ah.

    Waxay iska beeniyeen shakigii reer Galbeedka ee ku aaddanaa in aysan Iran sameysan karin gantaallada xawaaraha sare leh ee guuxooda ka dheereeya, Mareykanka waxaa welwelka usii dheer tiknoolojiyadda gantaalkan cususb ay burburinayso suuqiisa bariga dhexe ee hubka maadaama gobolku sameysano hub casri ah.

  20. Digniin adag oo uu soo saaray dalkii dhexdhexaadiyey xabbad-joojinii Iiran iyo Maraykanka

    Ra’iisul Wasaaraha Bakistaan, Shehbaz Sharif, oo dalkiisu dhex-dhexaadinayo wadahadallada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, ayaa sheegay in lagu soo warramay xadgudubyo ka dhan ah xabbad-joojinta oo ka dhacay "goobo kooban oo ka tirsan aagga colaadda".

    Qoraa uu soo dhigay bartiisa X, ayuu ku yiri: "Waxaa jira warar sheegaya xadgudubyo xabbad-joojin ah oo ka dhacay meelo yar oo ka mid ah aagga colaadda, kuwaas oo wiiqaya nuxurka hannaanka nabadda.

    "Waxaan si kal iyo laab ah ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn oo ay dhowraan xabbad-joojinta labada toddobaad ah, sidii lagu heshiiyay, si diblomaasiyaddu ay door hoggaamineed uga qaadato xal u helidda colaadda si nabad ah."