Iiraan oo bartilmaameedyadeeda ku dartay Tel Aviv iyo Maraykanka oo ka baaraandegaya mustaqbalka hogaanka Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ayaa Arbacadii u sheegay guddiga congress-ka in dowladda Iiraan laga yaabo in ay "ka daciifsan tahay sidii hore" dhaqaalaheedana uu "wajahayo burbur," isaga oo saadaaliyay in ay soo laabanayaan dibadbaxyada waddooyinka.
Rubio waxa uu intaas ku daray: "Ma jirto cid garanaysa" cidda qabanaysa haddii xilka laga xayuubiyo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.
Waxa uu tilmaamay in xaaladdu ay noqon doonto mid "ka adag" marka loo eego Venezuela oo ay u baahan doonto "tixgelin weyn oo taxadar leh." Waxa kale oo uu intaa ku daray in Maraykanku "laga yaabo in uu qaado weerar ka hortag ah" oo ka dhan ah Iiraan si loo ilaaliyo ciidamada Maraykanka ee gobolka.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay ciidamada Maraykanku is urursanayaan, ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay inuu u diray bariga dhexe ciidamo badan oo badda ah oo uu hoggaaminayo markabka dayaaradaha xambaara ee Abraham Lincoln.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in tirada maraakiibta Mareykanka ee ku sugan gobolka ay kordheen oo gaareen ilaa 10 markab, iyadoo ay yimaadeen koox cusub oo diyaaradaha xambaara, taas oo xoojinaysa awoodaha dagaal ee ugu weyn ee uu Trump gacanta ku hayo haddii uu go'aansado inuu weerar ku qaado Iiraan.
Sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in wadarta guud ee maraakiibta Maraykanka ee la geeyay bariga dhexe ay gaartay 10. Tan waxaa ku jira kooxda weerarka qaadda ee Abraham Lincoln, oo ka kooban saddex wax burburiya iyo dayaaradaha dagaalka ee F-35C.
Waxa kale oo gobolka ka hawlgala lix markab oo dagaal oo Maraykanku leeyahay: saddex wax burburiya iyo saddex markab oo kuwa dagaalka ah.
Tirada maraakiibta uu Maraykanku u diray bariga dhexe ayaa hadda ku sii dhawaanaya tiradii ay Washington geysay Caribbean-ka ka hor hawlgalkii degdegga ahaa ee milatari ee ay qaadeen ciidamada Maraykanku, taasoo keentay in la xiro Nicolas Maduro.
Trump ayaa uga digay Iiraan in ay ku guuldareysato in ay timaado miiska wada xaajoodka iyo in heshiis laga gaaro hubka Nukliyeerka,isagoona carabka ku adkeeyay in weerar kasta oo mustaqbalka Mareykanka ah uu aad uga sii xumaan doono.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Trump ka soo xigatay qoraal uu soo dhigay: "Waxaan rajaynaynaa in Iiraan ay si deg deg ah u timaado miiska wada xaajoodka si loo gaaro heshiis cadaalad ah oo loo siman yahay, ma jiro hub nukliyeer ah, heshiis dan u ah dhammaan dhinacyada. Waqtigu wuu sii dhamaanayaa".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jawaabta Iiraan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ali Shamkhani, oo ah lataliyaha sare ee hogaamiyaha ugu sareeya Ayatollah Ali Khamenei, ayaa digniin ka soo saaray qoraal uu soo dhigay bartiisa X, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo militari Mareykanka ah, iyadoo aan loo eegin heerka uu gaarsiisan yahay, loo qaadan doono "ku dhawaaqid dagaal, waxaana lagala kulmi doonaa jawaab degdeg ah" ayuu yiri.
Shamkhani waxa uu intaa ku daray in "weerar xaddidan ay tahay uun dhalanteed," isaga oo carabka ku adkeeyay in jawaabta Iiraan ay noqon doonto "mid dhamaystiran oo aan horay loo arag," oo ay beegsan doonto "gardarrada iyo wadnaha Tel Aviv".
Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran, Ali Mohammad Naeini, ayaa u digay Mareykanka xilli ay maraakiibta Mareykanka u dhaqaaqeen gacanka Beershiya, isagoo carabka ku adkeeyay in Iiraan ay diyaar u tahay "dhammaan xaaladaha cadowga".
Naeini wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii 12-ka maalmood socday ee lala galay Israa'iil bishii Juun 2015, isagoo ku nuuxnuuxsaday in waayo-aragnimadu ay caddeeyeen "guul darrida ikhtiyaarka militari ee ka dhanka ah Iiraan," wuxuuna raaciyay: "Ciidankeenna qalabka sida waa kuwa go'aamiya dhammaadka dagaalka".
Waxa uu ku tilmaamay mudaaharaadyadii dhowaan dhacay inay ahaayeen "shirqool Mareykan", isagoo intaa ku daray in Mareykanka uu hadda "si quus ah u doonayo inuu cabsi ku abuuro oo uu argagax been ah geliyo bulshada Iiraan".
Madaxa ciidamada Iran, Xabibollah Sayyari, ayaa sheegay in ciidankooda ay diyaar u yihiin "khatar kasta," sida uu sheegay TV-ga Al-Alam ee Iran.
Sayyari waxa uu xusay in "ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay ku sugan yihiin heerkii ugu sarreeyay ee ah diyaar garow ay ku difaacayaan midnimada dhuleed, madaxbannaanida iyo nidaamka dalka," isagoo ku nuux-nuuxsaday inay ka go'an tahay inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa sidoo kale Arbacadii ka digay in dalkiisu uu si degdeg ah oo xoog leh uga jawaabi doono tallaabo kasta oo uu Maraykanku qaado.
Midowga Yurub
Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa sheegay in "Maalmihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay yihiin kuwo tirsan," isagoo tilmaamay in laga yaabo inay tahay arrin " toddobaadyo oo keliya ah."
Mertz ayaa shir jaraa'id ku yiri: "Maamulku wuxuu xukunka ku sii joogi karaa oo kaliya rabshado iyo argagixin ka dhan ah dadkiisa: maalmahoodii waa la soo koobay".
Safiirka Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa sidoo kale barta X in Xuutiyiintu "aysan u dagaallamayn dhul ama xuduud," isagoo xusay in calankoodu uu ka tarjumayo halku-dhiggooda: "Dhimashada Ameerika, Dhimashada Israa'iil, Habaarka Yuhuudda".
Dannon ayaa intaa ku daray in Xamaas, Xisbullah iyo Xuutiyiintu ay yihiin "natiijo toos ah oo ka dhalatay siyaasaddan gacan ka hadalka ah," isagoo ku nuuxnuuxsaday in ay dhoofinayaan "nacaybka iyo rabshadaha".
Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inuu taageerayo ku darista Ilaalada Kacaanka Iiraan ee liiska Midowga Yurub ee "ururada argagixisada," sida ay sheegtay Reuters.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Noël Barrot ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin caburinta arxan darada ah ee kacdoonka nabadeed ee dadka reer Iiraan, isaga oo ka hadlay "geesinimada gaarka ah ee ay iiraaniyiintu ka muujiyeen rabshadaha indho la'aanta ah".
Shir jaraa'id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in dalkiisa uu taageeri doono in Ilaalada Kacaanka lagu daro liiska Yurub ee "ururada argagixisada".
Wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa maanta oo Khamiis ah ku shiraya magaalada Brussels, iyadoo la filayo inay ansixiyaan cunaqabatayn cusub oo looga jawaabayo dibadbaxyada ka socda Iiraan, kuwaasoo ay ku dhinteen kumannaan qof.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, Faransiiska ayaa ku biiray Talyaaniga iyo Jarmalka taageeradanna waxay sii xoojinaysaa suurtagalnimada in wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay ku heshiiyaan in Ilaalada Kacaanka lagu daro liiska cunaqabataynta inta lagu jiro kulankooda soo socda.













