Iiraan: "Mareykanka iyo Israa'iil geed gaaban baan ugu fadhinnaa"

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaan u arki doonnaa weerar kasta oo Iiraan lagu soo qaaddo inuu yahay "olole militari oo cad oo naga soo horjeeda," ayuu yiri sarkaal sare oo xukuumadda Iiraan ka tirsan.
Hadalkooda ayaa yimid kadib markii Mareykanka uu sheegay in uu maraakiibtiisa dagaalka u diri doono Bariga Dhexe.
"Waxaan rajaynaynaa in hawlgalkan ciidanku aanu ahayn mid lagu qaado dagaal cad, balse ciidankeennu wuxuu diyaar u yahay wax kasta oo xun.
Sababtan awgeed, qof kastaa wuxuu ku jiraa feejignaan sare," ayuu sarkaal sare oo Iraanu ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters kaas oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Saraakiisha Iiraan ayaa sheegay in weerar kasta ay u arki doonaan olole militari oo buuxa ayna kaga jawaabi doonaan "weerar xooggan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay in "cutubyo militari oo badan" ay ku wajahan yihiin Iiraan.
"Ciidan xoog leh ayaa ku soo wajahan Iiraan, ma doonayo inay wax dhacaan, si dhow ayaan ula soconnaa."
"Waxaa laga yaabaa inaanan isticmaalin ciidanka badan ee halkaas aaday, aan aragno," ayuu yiri Trump.
Isagoo ka hadlayay maraakiibta waaweyn ee dagaalka ee ku wajahan gacanka Faaris, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in howlgalkan uu ahaa mid la doonayay in lagu difaaco Mareykanka.
Mas'uulka Iiraan ayaa ku jawaabay oo yiri; "Haddii Maraykanku ku xad-gudbo madaxbannaanida iyo midnimada xudduudaha Iiraan, waan ka jawaabi doonnaa.
Si kastaba ha ahaatee, ma uusan sheegin jawaabta Iiraan.
"Dal ku hoos jira hanjabaadda Mareykanka ma jiro wax kale oo aan ka ahayn inay iska caabbiyaan," ayuu yiri sarkaalka Iiraan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
''Waan sugeynaa"
Ilaalada Kacaanka Iiraan, oo qaboojiyay mudaaharaadyada, ayaa u diyaar garoobay si aysan weligood isu diyaarin," ayuu yiri taliyahooda, sida uu sheegay la-howlgalaha Mareykanka ee BBC, CBS.
CBS oo soo xiganeysa warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in General Mohammad Pakpur uu u digay Mareykanka iyo Israe'iil.
Waxa uu sheegay in ciidamada Kacaanka Iran ay "diyaarsan yihiin" si ay u fuliyaan awaamiirta taliyaha.
Shirkadaha waaweyn ee duullimaadka ayaa joojiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen sabtida waddamada Bariga Dhexe iyadoo ay jirto xiisad u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan.
Shirkadaha diyaaradaha ee Faransiiska Air France, Lufthansa ee Jarmalka, Kanada Air Canada, iyo KLM diyaarada Holland ayaa ku dhawaaqay inaysan u duuli doonin Israel, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta ilaa Sabtida.
Duullimaadyada ayaa la baajiyay iyadoo ay warbaahintu sheegtay in xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ay isu beddeli karto dagaal.
Aaway hoggaamiyaha Iiraan?

Xigashada Sawirka, Office of the Iranian Supreme Leader/WANA (West Asia News Agency)
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa mar labaad galay nolol qarsoodi ah toddobadii bilood ee u dambeeyay.
Waxey u muuqataa in isaga si gaar ah loo beegsan karo.
Mustaqbalka dhow, ma jirto suurtagalnimo ah in lagu arko isaga oo dhex socda barxadda gurigiisa ama waqtiga firaaqada yahayuu si nabad ah ugu qaato deyrka gurigiisa.
Tani waxay sabab u tahay in, markii uu ka hadlayay Iiraan, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tusaale u soo qaatay Qaasim Sulaymaani iyo Abu Bakr al-Baghdaadi.
Qaasim Sulaymaani waxaa lagu tirin jiray istaraatiijiyahankii milatari ee ugu muhiimsanaa ee Iiraan ku lahayd Bariga Dhexe.
Waxaa lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uu amray Madaxweynaha Maraykanka Trump, kaas oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Baqdaad 3-dii Janaayo 2020.
Sidoo kale, hoggaamiyihii ISIS, Abu Bakr al-Baghdaadi, ayaa lagu dilay hawlgal ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen waqooyiga Suuriya 27-kii Oktoobar 2019.
Khamenei sidoo kale ma illoobi karo masiirka iyo halkii uu maray hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallaah.
Xasan Nasrallaah waxaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa'iil fulisay 27-kii Sebtembar 2024, xilli uu kulan la lahaa qaar ka mid ah saaxiibbadiisa aadka ugu dhow, kuna sugnaa dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaalada Beyruut.
Sidoo kale, xariggii lama filaanka ahaa ee Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, ay ciidamada Maraykanku fuliyeen bishii Janaayo ee sannadkan, ma ahan wax ka baxsan maskaxda Khamenei.













