Muxuu noqon doonaa mustaqbalka hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei oo galay 'dhulka hoostiisa'?

Iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo Khamenei, dad badan ayaa sidoo kale taageersan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa mar labaad galay nolol qarsoodi ah toddobadii bilood ee u dambeeyay.

Waxey u muuqataa in isaga si gaar ah loo beegsan karo.

Mustaqbalka dhow, ma jirto suurtagalnimo ah in lagu arko isaga oo dhex socda barxadda gurigiisa ama waqtiga firaaqada yahayuu si nabad ah ugu qaato deyrka gurigiisa.

Tani waxay sabab u tahay in, markii uu ka hadlayay Iiraan, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tusaale u soo qaatay Qaasim Sulaymaani iyo Abu Bakr al-Baghdaadi.

Qaasim Sulaymaani waxaa lagu tirin jiray istaraatiijiyahankii milatari ee ugu muhiimsanaa ee Iiraan ku lahayd Bariga Dhexe.

Waxaa lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uu amray Madaxweynaha Maraykanka Trump, kaas oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Baqdaad 3-dii Janaayo 2020.

Sidoo kale, hoggaamiyihii ISIS, Abu Bakr al-Baghdaadi, ayaa lagu dilay hawlgal ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen waqooyiga Suuriya 27-kii Oktoobar 2019.

Khamenei sidoo kale ma illoobi karo masiirka iyo halkii uu maray hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallaah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xasan Nasrallaah waxaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa'iil fulisay 27-kii Sebtembar 2024, xilli uu kulan la lahaa qaar ka mid ah saaxiibbadiisa aadka ugu dhow, kuna sugnaa dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaalada Beyruut.

Sidoo kale, xariggii lama filaanka ahaa ee Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, ay ciidamada Maraykanku fuliyeen bishii Janaayo ee sannadkan, ma ahan wax ka baxsan maskaxda Khamenei.

Xusuusnow in Axaddii la soo dhaafay, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian uu sheegay in weerar kasta oo lagu qaado Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, loo tixgelin doono dagaal lagu qaadayo Iiraan.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa hadda ka fiirsanaya tallaabooyinka xiga ee uu ka qaadi doono Iiraan.

Sabtidii, Trump ayaa dhaleeceeyay Khamenei wareysi uu siiyay jariidadda Maraykanka ee Politico, isaga oo yiri: "Waqtigii ayaa la gaaray in hoggaan cusub la helo Iiraan."

Si kastaba ha ahaatee, haddii Khamenei oo 86 jir ah laga saaro masraxa siyaasadda dalka kaddib tallaabo militari oo ay Maraykanku qaadaan, ka Iiraan waxay keeni kartaa cawaaqib aad u daran.

Sida laga soo xigtay khubarada qaar, qaar ka mid ah aasaaska Iran ayaa laga yaabaa inay xitaa soo dhaweeyaan ka saarista Ayatollah Khamenei ee masraxa siyaasadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

'Diyaar u ah isbedel'

Sanado badan, Ayatollah Khamenei wuxuu ahaa shaqsi ay neceb yihiin qayb ka mid ah shacabka Iiraan.

Dibadbaxayaal ku kala baahsan dalka oo dhan ayaa dalbanayay in la soo afjaro xukunkiisa, iyadoo dadka dhaliila ay ku tilmaamayaan hoggaamiye "musiibo ku ah" dalka.

Intii uu xukunka hayay 36-ka sano, Khamenei wuxuu si joogto ah u dhiirrigelinayay siyaasado ka dhan ah Maraykanka iyo reer Galbeedka, halka Iiraanna ay ku tiirsanayd Ruushka iyo Shiinaha si ay u sii jirto.

Siyaasaddiisa nukliyeerka ah wax faa'iido ah uma aysan keenin Iiraan marka laga reebo kharash badan, cunaqabatayn, iyo dhibaatooyin nololeed oo ku habsaday shacabka.

Isku daygiisa ah inuu ballaariyo saameyntiisa iyo awooddiisa Bariga Dhexe ayaa culays saaray gobolka, halka baaqyadiisa ku aaddan burburinta Israa'iil ay horseedeen dagaallo sababay dhimashada kumannaan qof.

Khamenei wuxuu amray in si adag loo cabburiyo dibadbaxyadii ugu dambeeyay, wuxuuna qirtay in dad badan lagu dilay cabburintaas.

Tirada saxda ah ee khasaaraha waa adag tahay in la ogaado sababo la xiriira xiritaanka internet-ka, balse waxaa cad in dhimashada dibadbaxayaasha ay gaartay magaalooyin waaweyn iyo kuwo yaryarba taasi oo muujinaysa baaxadda carada shacabka.

Haddii go'aan laga gaaro in awoodda laga qaado, arrintaas waxay keeni kartaa fowdo iyo qalalaase hor leh oo ka dhaca Iiraan.

Sida uu sheegay Arsh Aziz, oo ah bare wax ka dhiga Jaamacadda Yale isla markaana ah qoraaga buugga "What Iranians Want", qaar ka mid ah dadka ku jira nidaamka talada Iiraan xitaa way soo dhaweyn karaan in Ayatollah Khamenei laga saaro masraxa siyaasadda.

Wuxuu ku dooday in "qayb weyn oo ka mid ah masuuliyiinta Iiraan ay diyaar u yihiin isbeddel."

Isagu wuxuu doonayaa in Khamenei dhinac loo riixo isla markaana la burburiyo qaar ka mid ah siyaasadaha iyo hay'adaha aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Sidaas darteed, waxaa suuragal ah inuu sidoo kale u arko weerarrada Maraykanka fursad lagu dedejin karo geeddi-socodkan isbeddelka ah.

Mudaaharaadyada looga soo horjeedo dowladda Iran ayaa weli ka socda Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

'Masuuliyiinta iyo kuwa la xukumay'

Guddoomiyaha hadda ee Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf, waa xubin ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah,wuxuuna leeyahay dabeecado kali-talisnimo ah.

Wuxuu joojiyay xirashada dharka milatariga, waxaana hadda lagu arkaa dhar caadi ah.

Inkasta oo uu yahay taageere adag oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Khamenei weligiis si buuxda uma uusan aaminin.

Dad badan oo ka tirsan dowladda ayaa u arka "yeey ku labisan dhogor ido", qof sugaya waqtiga ku habboon.

Sidoo kale, waxaa suuragal ah in qaar ka mid ah shaqsiyaadka dhexdhexaadka ah ee nidaamka ku jira ay isku dayaan inay gaaraan meesha ugu sarreysa ee awoodda.

Madaxweynihii hore ee Iiraan, Xasan Rouhani, ayaa soo ifbaxay inuu yahay musharrax suurtagal ah oo booskan u tartami kara. Wuxuu isu muujiyay musharrax dhab ah oo ay taageeri karaan kooxaha diimeed dhexdhexaadka ah iyo isbadal-doonka.

Cali Ansari, oo ah aasaasaha Dugsiga Daraasaadka Iiraan ee Jaamacadda St Andrews ee Scotland, ayaa sheegay in isbadal-doonka Iiraan ay si weyn u lumiyeen muhiimaddoodii siyaasadeed.

Sida uu sheegay, "isbadal-doonka dhab ah ma jiraan. Waxay yihiin uun xoog dusha sare ah, gebi ahaanna waa la hareer mariyey. Xaqiiq ahaan, maanta waxa keliya ee jira waa kuwa wax xukuma iyo kuwa la xukumo."

Trump iyo maamulkiisa

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Faragalinta dibadda

Waxay u muuqataa in Ayatollah Khamenei uu waqti badan ku qaatay gudaha gododka, isaga oo laga yaabo inuu ka fiirsanayo dhacdooyinkii saddexda toddobaad ee la soo dhaafay iyo sababihii keenay in xaaladdu halkaas gaarto.

Wuxuu ku nasan karaa xaqiiqda ah in nidaamka talada Iiraan uu ilaa hadda u muujiyay daacadnimo.

Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaysa khiyaano ama kala fogaansho ka timid Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo ah hay'ad asal ahaan loo aasaasay ilaalinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Hadallada is khilaafsan ee Madaxweyne Trump ayaa abuuray jawi cabsi ah oo ku saabsan in weerar suurtagal ah oo Maraykanku qaado uu wiiqi karo ama kala diri karo saldhigyada ciidamada ilaalada kacaanka iyo ciidamada kale ee ammaanka Iiraan, taas oo siin karta dibadbaxayaasha fursad ay ku ridaan dowladda.

Wuxuu ku dhiirrigeliyay dibadbaxayaasha inay sii wadaan mudaharaadyada isla markaana qabsadaan xarumaha dowladda, isaga oo sheegay in "gargaar uu jidka ku soo jiro."

Qaar badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa weli aaminsan in faragelin shisheeye ay lagama maarmaan u tahay in nidaamkan la soo afjaro.