Tehran waa ay soo noolaanaysaa, laakiin dadkii degganaa aad bay u walaacsan yihiin

Xigashada Sawirka, Xinhua/Shutterstock
Bartamaha caasimada Iiraan, Kafateeriyada Boof ayaa bixisa cabitaan la isku qaboojinayo maalin xagaa oo kulul. Waxa ay ahaayeen kuwa ugu caansan ee bixiya kafateeriyada kafeega Ameerikaano ee lagu daray barafka. Waxa ay dhacdaa geeska safaaradda Mareykanka ee xiran.
Shamiitada darbiyadeeda dhaadheer ayaa lagu dhejiyay sawiro liddi ku ah Maraykanka tan iyo markii Washington ay xiriirka u jartay Tehraan wixii ka dambeeyay kacaankii Iiran 1979-kii iyo xiisaddii la haystayaasha - taas oo weli mugdi dheer sii gelinaysa xiriirka aan tooska ahayn ee labada dhinac.
Gudaha maqaaxida quruxda badan ee Boof, Amir ayaa sheegaya inuu jeclaan lahaa inuu wanaagsanaado xiriirka ka dhexeeya Mareykanka iyo Iiran.
"Cunaqabataynta Maraykanku waxa ay dhaawacday ganacsigeena waxa ayna nagu adkeynaysaa in aan u safarno adduunka oo dhan," ayuu dib ugu milicsaday isaga oo kafee kale baraf ku daraya gadaasha calaamad alwaax ah, Isdeji oo cab kafeega." ayuu yiri

Xigashada Sawirka, Charlotte Scarr/BBC
Laba miis oo keliya ayaa la fariistay, mid waxaa ku fadhida haweeneey wadata xijaab madow oo dheer, midka kalena waxaa ku fadhida qof dumar ah oo wadata jeenis buluug ah oo timo dhaadheer leh, iyada oo baalmarsan sharciga dhigaya waxa ay dumarku xiranayaan.
Waa sawir yar oo caasimadda ah iyada oo wajahaysa mustaqbal aan la hubin.
Goobyar oo ku taala banaanka xarunta TV-ga qaranka Iiran ee IRIB, ayaa khudbad la duubay oo uu jeediyay hogaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei loo sii daayay khamiistii si ay u dhagaystaan shacabka.
"Maraykanku bilowgii horeba waxa ay ka soo horjeedaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiran" ayuu ku dhawaaqay isaga oo khudbayanaya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
''Aasaaskeeda, waxa ay badanaa ahayd hal sheey: waxa ay doonayaan in aan is dhiibno,'' ayuu yiri Ayatollah oo 86 sano jir ah, waxa uu sheegay inuu gabbaad ka galay duqaymaha, iyada oo Israa'iil ay sii daysay mowjado aan horay loo arag oo ah duqeymo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha Nukliyeerka iyo gantaallada ee Iiran, laguna dilay taliyeyaal sare iyo saynisyahano.
Waxaan daawanay khudbadiisa, oo ah tii ugu horeysay tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay xabbad joojin Talaadadii, TV yar oo ku yaal xafiiska qayb weyn oo ka mid ah dhismaha IRIB. Waxa kaliya ee haray ayaa ah qalfoof bir ah oo gubtay.
Markii bam ay soo tuurtay Israa'iili uu ku dhacay dhismahan 16kii Juun, dab xoog leh ayaa qabsaday istuudiyaha weyn kaas oo laga baahin lahaa khudbada hoggaamiyaha ugu sarreeya. Hadda waa dambas uun.
Weli waad dareemi kartaa urkeeda qallafsan, dhammaan qalabka TV-ga - kaamiradaha, nalalka iyo tiirarka kaamirooyinka ayaa qalloocan.
Israa'iil ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay garabka dacaayadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah,iyada oo ku eedaysay inay qarinaysay hawlgal millatari – eedeyn ay saxafiyiinteedu diideen.
Waxa kale oo aad ka arki kartaa cisbitaalada caasimada oo weli lagu dabiibayo Iiraaniyiinta ku dhaawacmay dagaalkii 12-ka maalin.
''Waxaan ka cabsanayaa inay mar kale soo weeraraan,'' Ashraf Bargthi ayaa ii sheegtay markii aan ku kulanay qaybta gurmadka degdega ah ee cisbitaalka guud ee Taleghani, halkaasi oo ay uga howlgasho madaxa kalkaalisooyinka.
"Ma aaminsanin in dagaalkani uu dhamaaday" ayay tiri,
Markii Israa'iil ay duqaysay marinka xabsiga Evin ee u dhow 23 Juun, dhaawacyada, labada askar iyo rayidba, ayaa loola cararay qaybta degdegga ah ee Kalkaaliso Barghi.
"Dhaawacyadu waxay ahaayeen kuwii ugu darnaa ee aan daweeyey 32-dii sano ee aan kalkaaliyaha ahaa, xitaa waxaa ka sii darnaa wixii aan ku arkay dagaalkii Iiran iyo Ciraaq ee 80-meeyadii," ayuu tiri, iyadoo wali murugeysan.
Weerarkii lagu qaaday xabsiga caanka ah ee Iiran ay ku xirto inta badan maxaabiista siyaasadeed ayay Israa'iil ku tilmaantay mid ''astaan'' ah.
Waxa ay u muuqatay mid sii xoojinaysa fariinta soo noqnoqotay ee Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Netanyahu ee uu u dirayay dadka Iiraaniyiinta ah ee ahaa "u istaaga xorriyaddooda".
"Israa'iil waxa ay sheegtay in ay duqaysay kaliya xabsiga militariga iyo nukliyeerka laakiin dhammaan waa been," Morteza ayaa sheegay. Waxa uu ka shaqaynayay waaxda gaadiidka ee xabsiga markii gantaalku ku dhacay dhismaha. Wuxuu na tusayaa dhaawaciisa labada gacmood iyo dhabarka.
Qaybta ku xigta ee cisbitaalka, askar baa lagu xanaaneeyaa, laakiin nalooma ogola in aanu galno.

Xigashada Sawirka, AFP
Guud ahaan magaalo madaxdan sii fidaysa, Iiraaniyiintu waxa ay xisaabinayaan kharashka iska horimaadkan. Tira koobkeedii ugu dambeeyay, wasaaradda caafimaadka ee dowladda ayaa diiwaangelisay 627 qof oo la dilay iyo ku dhawaad 5,000 oo dhaawac ah.
Tehraan si tartiib tartiib ah ayay noloshu ugu soo laabanaysaa. Jidadka caanka ah waxa ay bilaabayaan inay gaadiidku buux dhaafiyaan.
Dukaamo ku yaal suuqyada quruxda badan ee caasimada ayaa dib u furmaya iyada oo dadku ay dib ugu laabanayaan magaalo ay ka carareen si ay uga badbaadaan qaraxyada. Hawlgalka milatari ee Israa'iil oo socday 12 maalmood, oo ay weheliso weeraradii Maraykanku ku qaaday xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan, ayaa dad badan saameeyay.
"Ma ahayn maalmo wanaagsan," ayay tiri Mina, gabadh yar oo isla markiiba jabtay iyada oo isku dayaysa inay sharaxdo murugadeeda. "Waa arrin aad u qalbi jabin ah," ayay igu tiri iyada oo ilmaynaysa. "Waxaan aad isugu daynay inaan helno nolol wanaagsan laakiin ma arki karno wax mustaqbal ah maalmahan."
Taageerayaasha iyo kuwa dhaleeceeya hoggaamiyayaasha wadaaddada Iiran ayaa wadaagaya welwelka mustaqbalka dalkooda.
"Waa inay maqlaan waxa ay dadku leeyihiin," ayuu yiri Cali Reza markii aan waydiiyay talada uu siin doono dowladdiisa. "Waxaan rabnaa xoriyado waaweyn, taasi waa waxa kaliya ee aan sheegi doono."













