Khamenei: 'Waxaan Mareykanka ku dhufanay dharbaaxo adag'

Xigashada Sawirka, ATTA KENARE/AFP via Getty Images
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in dalkiisa ka guulaystay Israel iyo Mareykanka.
Khamenei ayaa jeediyay hadalkiisii ugu horreeyay tan iyo markii Mareykanka uu weeraray saddex xarumood oo Nukliyeer ah oo ku yaal Iran 22-kii June.
Khamenei waxa uu ku dooday in Maraykanku aanu wax guul ah ka gaarin hawshan, waxaanu sheegay in Iran oo weerartay saldhigyadeeda Qatar ay si adag wejiga uga dhufatay dharbaaxo Maraykanka.
"Waxaan weerarnay mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee ay ku leeyihiin gobolka, laakiin waxay isku dayeen inay yareeyaan khasaaraha," ayuu yiri.
Isaga dadka kula wadaagay bartiisa bulshada 26-kii June, hogaamiyaha ruuxiga ee Iran ayaa ku macneeyay sababta Mareykanka uu dagaalka tooska ah u galay "cabsida ay ka qabaan in taliska Sahyuuniyadda gabi ahaanba la burburiyo".
Israa'iil ayaa weerartay Iran 13-kii Juun, iyadoo ku andacootay in xarumaha Nukliyeerka ay khatar ku yihiin amnigeeda, Iran ayaana ku jawaabtay gantaalada ballistic-ga ah.
Khamenei waxa uu ku dooday in dhaqdhaqaaqyada milatari ee Maraykanku aanay la xiriirin barnaamijka Nukliyeerka ama tayaynta Yuraaniyaamka, ujeedada dhabta ahina ay tahay in "Iran ay is dhiibto".
Hoggaamiyaha diinta ayaa sheegay in dadka reer Iran ay u muujiyeen caalamka in ay "hal cod leeyihiin" iyagoo ku muujiyay midnimo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khamenei waxa uu sheegay in Maraykanku "uusan gaasirin wax halis ah" weerarrada lagu qaaday xarumaha Nukliyeerka ee Iran.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa ku tilmaamay weeraradan "guul taariikhi ah".
Waxaa socda doodo ku saabsan inta uu la egyahay khasaaraha ka soo gaaray xarumaha Nukliyeerka ee Iran weerarkii Mareykanka ee 22-kii June.
Warbixinta sirdoonka ee Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon) oo si qarsoodi ah loo faafiyay ayaa lagu sheegay in xarumahaasi aysan waxyeelo weyn gaarin. Warbixintan oo jawaab ay ka bixiyeen maamulka Maraykanka, ayaa waxaa weli beeninaysa heerka ugu sarreeya ee hay'adaha sirdoonka sida CIA-da.
Khamenei ayaa markii ugu dambeysay ka hadlay talefishin 18-kii June, isagoo ka sugnaa meel aan la shaacin.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Arakchi ayaa wareysi uu siiyay telefishinka qaranka Khamiistii shalay ku sheegay in xarumaha Nukliyeerka ay "burbur xooggan" ka soo gaareen weerarradaas, baaritaanno faahfaahsanna ay socdaan.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka: 'Guul taariikhi ah'

Xigashada Sawirka, Morteza Nikoubazl/NurPhoto via Getty Images
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa ku tilmaamay duqeynta Mareykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iran guul taariikhi ah.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Pentagon-ka, ayuu Hegseth soo xigtay qiimeyno dhowr ah, oo ay ku jiraan kuwa CIA iyo Hay'adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah, oo mas'uul ka ah baaritaanka Nukliyeerka islamarkana hoos timaada Qaramada Midoobay.
Hegseth ayaa sidoo kale ku dhaleeceeyay warbaahinta in aysan si ku filan u taageersanayn Trump ka dib markii ay daabaceen warbixinta sirta ah, taas oo soo muujinaysay in weeraradu ay saameyn kooban yeesheen.
Madaxweyne Trump, ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social , waxa uu ku sheegay in saxafiyiinta uu ku tilmaamay "wariyeyaasha wararka been abuurka ah" ee CNN iyo New York Times ay tahay in si degdeg ah shaqada looga eryo.
Trump wuxuu adeegsaday oraahda"dadka xun ee leh ujeedada xun."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump oo sheegay in 'wadahadallada nukliyeerka ay mar kale billaabanayaan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay xabad joojinta xilli uu hadlayay magaalada Hague ee dalka Holland, halkaasoo uu kaga qeyb galayay shir madaxeedka NATO Arbacadii.
Mas'uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Iran ayaa ku kulmi doona toddobaadka soo socda wadahadal ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran. Isaga oo ku doodaya in xarumaha Nukliyeerka Iran ay si weyn ugu burbureen weeraradii Mareykanka, Trump waxa uu sheegay in lagu gaari karo heshiis lagu xakameynayo barnaamijka Nukliyeerka inta lagu guda jiro wadahadalada.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakci ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo lagu gaaray in dib loo bilaabo wadahadalka: "Waxaan ka wada hadlaynaa dhexdeena waxa u wanaagsan dadka Iran, taasi waa arrin ka duwan. Laakiin ilaa hadda ma jiro wax heshiis ah oo ku saabsan in dib loogu laabto wadahadalka."
Isagoo la hadlayay telefishinka qaranka Iran Khamiistii, Arakçı ayaa sheegay inaysan aqbaleyn ereyga "xabad joojin" sababtoo ah xabbad-joojin ayaa lagu gaari karaa wadahadal, laakiin Iran ma aysan aqbalin wax xabbad-joojin ah. "Haddii taliska Sahyuuniyadda uusan sii wadin weerarradiisa, ma jirto sabab aan sidoo kale u sii wadno," ayuu yiri.
Diidmada Arakçı ee wararka ku saabsan in ay dib ugu soo laabteen wadahadalada ayaa yimid kadib markii baarlamaanka Iran uu ansixiyay sharciga lagu joojinayo wadashaqeynta hay'adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka. Go'aamada baarlamaanka waa la-talin waxayna u baahan yihiin ogolaanshaha Hogaamiyaha Sare Khamenei si loo joojiyo wadashaqeynta.
Dhanka kale In kasta oo ay jireen warar sheegaya in weerarro laba geesood ah ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, markii ugu horreysay ee ay dhaqangashay xabbad joojinta, haddana nolosha labada waddan ayaa si caadi ah ku soo noqotay maalintii labaad.
Iran ayaa sidoo kale waxay hawadeeda ka furtay bariga dalkaasi duulimaadyo caalami ah iyo kuwa gudaha ah Arbacadii.










