Maxay Iran ay si sahlan ugu lumisay maamulka hawadeeda ?

Israa’iil waxay haysataa diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, sida F-35, F-15, F-16

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muddo ku dhow laba toddobaad oo uu socday dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Iran, hawada Iran waxaa maamulayay Israa'iil iyo, mararka qaarna diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku dhawaad ​​12 maalmood.

Mararka qaar, wakaaladaha wararka Iran ayaa daabacay warar aan la xaqiijin oo ku saabsan soo riditaanka diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil iyadoon wax caddayn ah loo haynin.

Markii hore waxa ay u muuqatay in Iran ay ku jabtay dagaalka ay ku ilaalin lahayd hawadeeda, talaabadaas oo saamayn weyn ku leh militariga, siyaasadda iyo amniga, gaar ahaan dagaalka casriga ah.

Maxaa ku dhacay ciidamadii cirka ee Iran?

72 saacadood kadib markii ay bilowdeen weerarada Israel, Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in si buuxda loo maamulayo hawada Tehran, tallaabadaas oo dhabaha u xaareysay weeraro ba'an oo Israel ay geysatay oo burbur weyn u geystay xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

Sida laga soo xigtay militariga Israel, horaantii Jimcihii, 13-ki June, 200 oo diyaarado dagaal ayaa loo diray Iran waxayna weerareen 100 goobood oo ku soo xadgudbay hawada Iran.

Dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada Iran ayaa lagu dilay weerarada.

Israa'iil ayaa marar badan ku hanjabtay inay weerari doonto xarumaha Nukliyeerka ee Iran, iyadoo saraakiisha qaar ay sheegeen in dhammaan fursadahaasi ay suurtagal yihiin, isla markaana aysan jirin wax diidmo ah.

Khabiirka difaaca Israa'iil Seth Frantzman ayaa yiri: "Iraan way lumisay maamulka hawadeeda, sababtoo ah waa dal weyn oo leh nidaam difaac oo duugoobay, hannaankeeda cusub iyo kuwa ka casrisanba ayaa la sheegay in lagu burburiyey weerarkii Israa'iil ee bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Bishii October2024, waxaa la sheegay in Israa'iil ay beegsatay tiro ka mid ah nidaamyada difaaca hawada ee S-300.

Mr. Frantzman ayaa sheegay in Iran ay leedahay habab difaac oo kala duwan, oo ay ku jiraan habab hore oo 1970-meeyadii, kuwaas oo aan waxtar u lahayn diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad ee Israa'iil.

Iran ma la gaaday?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Weerarka Israa'iil ay ku qaadday Iiraan ayaa ku soo beegmay xilli la qorsheeyay in wareeg kale oo wadahadal ah uu dhexmaro Iran iyo Mareykanka. Sababtaas awgeed, dadka qaar ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid lama filaan ah.

Tani waa suuragal,inkastoo saraakiisha ciidamada Tel Aviv ay sheegeen inay qorsheynayeen weerarka muddo sanado ah.

Laakiin xitaa haddii Iran ay u diyaar garoobi lahayd weerarkan, nidaamkeeda difaac ma ay u adkaysan lahayn tignoolajiyada casriga ah ee ciidamada cirka Israa'iil, weerarkaas oo ku tiirsan tignoolajiyada ugu casrisan ee hubka ee ay diyaariyeen Maraykanka iyo Israa'iil.

Agaasimaha Kooxda Sirdoonka Difaaca ee Jane Nick Brown ayaa sheegay in xitaa haddii Iran ay u diyaar garoobi lahayd weerarka, aysan waxba iska bedelin natiijada.

Waxa uu sheegay in Iran ay heegan sare ku jirtay sannado badan, balse qalabka dagaalka ee Israa'iil ayaa naafeeyay raadaarka Iran, isla markaana u diiday Iran inay isku duba riddo difaaceeda.

"Hawada Tehran waxa ay gacanta u gashay maamulkeeda Israel si degdeg ah iyo qiimo jaban intii aan filayey," waa jawaabta Michael Eisenhower, oo ah agaasimaha Machadka Daraasaadka Bari ee Barriga Waaxda Cilmi-baarista iyo Amniga.

Waxa uu yiri, "Israa'iil waxa ay muujisay in ay wiiqi karto difaacyada Iran oo ay weeraro kaga soo qaado hawada Ciraaq iyo Suuriya, haddana waxa ay si fudud hawada Iran ugu duushaa diyaarado qarsoodi ah.

Dagaal teknooloji oo aan sinnayn

Diyaarado dagaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iiraan waa dalka 18-aad ee ugu weyn adduunka, qiyaastii 75 jeer ayey ka weyn tahay Israa'iil. Difaaceeda hawadu waa inuu daboolaa dhul ballaaran, khubarada ciidanku waxay sheegeen in dalku aanu lahayn awood horumarsan iyo tignoolajiyada uu ku ilaaliyo hawadiisa.

Iran waxa ay leedahay tiro diyaarado dagaal oo Maraykan ah oo ay soo iibsatay dawladii Shaah,diyaaradaha ugu awooda badan wakhtigaas waxa ay ahayd F-14 Tomcat iyo waliba diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, millatariga Israa'iil ayaa soo bandhigay sawirro ay ku sheegeen in ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka Iran.

Horaantii sanadkan, Iran ayaa dhoolatus ciidan ku soo bandhigtay gantaalada S-300 ee riddada dheer ee hawada iyo nidaamka difaaca hawada ee Bavar-373 si ay u muujiyaan awoodooda.

Si kastaba ha ahaatee, Michael Eisenstadt oo ka tirsan machadka Washington ee daraasaadka ayaa yiri: "Bavar-373 uma muuqato mid waxtar leh.

Iiraaniyiintu waxay jecel yihiin inay is barbar dhigaan Bavar-373 iyo S-300, laakiin isbarbardhigga uma eka inuu run yahay.

Waxa uu sheegay in Israa'iil ay gebi ahaanba burburisay awooddii difaac ee Iran.

Taas bedelkeeda, Israa'iil waxay leedahay mid ka mid ah ciidamada cirka ugu kartida iyo khibradda badan adduunka. Ciidamada Cirka ee Israa'iil ayaa heysta cutubyo ka tirsan diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Shirkadda Lockheed Martin waxay dhisaysaa F-35I, oo loogu magac daray "Adair," Tel Aviv. Waa diyaarad dagaal oo jiilka shanaad ah oo leh awood gaar ah oo radar-ka-bax ah.

Israa'iil ayaa la sheegay inay ka iibsanayso Maraykanka ku dhawaad ​​afartan iyo shan diyaaradood oo ah nooca loogu mgacadaray "Adair".

Burburinta nidaamka difaaca ee Iran, waxaa la sheegay in howlgalladan loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil F-15 iyo F-16.

Nick Brown oo ka tirsan machadka difaaca ee Jane ayaa sheegay in ka dib markii Iran ay ku guuldareysatay inay ka hortagto ciidamada cirka ee Israel inay si xor ah u duulaan dhulkeeda, ay Israel sii waday inay si xor ah u weerarto bartilmaameedkeeda.

Xisaabta Israel iyo gantaalada Iran

Iyada oo wajaheysa cunaqabateyn caalami ah oo adag, Iran ayaa sanado badan horumarineysay barnaamijkeeda gantaallada, iyadoo mas'uuliyiintu sheegeen inay raadinayaan inay ballaariyaan awooddooda "ka-hortagga".

Iran ayaa la sheegay in ay wali haysato tiro badan oo ah gantaalada hawada laga rido, balse waxa ay u muuqataa in ay lumisay awoodii ay ku isticmaali lahayd si hufan kadib weeraradii Israel.

Si ay qaranku u xoojiyaan difaacooda, waxa ay hadda ku qasban yihiin in ay iibsadaan habab cusub oo difaaca hawada ah.