Qorshihii Nukliyeerka Iran, ma u dhammaatay mise weli waxbaa ka nool?

.

Xigashada Sawirka, maxar technologies

Goobta Fordo waxay u badan tahay inay tahay meesha ugu badan ee sirdoonka caalamku isha ku hayaan.

Sirdoonka reer Galbeedka ayaa markii ugu horreysay shaaciyay 2009 in halkaas ay ku taallo xarun sir ah oo nukliyeer ah. Hadda, fahamka khasaarihii weerarrada Mareykanku gaystay ayaa noqon doona mid muhiim u ah in la go'aamiyo jihada ay hawshaasi u socoto.

Warbixin sir ah oo laga helay Hay'adda Sirdoonka Difaaca ee Mareykanka (DIA) ayaa tilmaantay in qaybaha asaasiga ah ee barnaamijka nukliyeerka ee Iran aan la burburin, islamarkaana weerarradu ay dib u riixeen dadaallada Iran kaliya bilo, balse aysan dib u dhigin sanado.

Arrintan ayaa se loo arkaa weli in ay qiimayn hordhac ah ama xog hore oo aan wali si dhab ah loo hubin, maadaama goobtaasi ay tahay goob aad looga ilaaliyo indhaha cid kasta.

DIA waa hay'adda Pentagon-ka u qaabilsan sirdoonka milatari ee taageera hawlgallada. Waxay ururisaa xog badan oo farsamo, balse waa ka duwan tahay hay'adaha kale sida CIA.

"Tirakoobka dhabta ah ee khasaareynta wuxuu qaadan doonaa waqti," ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidammada Mareykanka, General Dan Caine, markay weerarradu dhaceen. Laakiin maxay ka dhigan tahay in la burburiyo barnaamijka nukliyeerka ama la dhaawaco, sideese loo ogaan karaa?

.

Xigashada Sawirka, Maxar

Sawirrada dayax-gacmeedku ee muujinaya daloollo iyo boodh si sax ah sawir ugama bixinayaan waxa dhab ahaan ka dhacay dhulka hoostiisa, maadaama meeshaasi tahay meel aad u qodan. Mana muujinayaan in buurta hoosteeda ay si weyn u duntay ama ay u burburtay.

Taasi waxay u badan tahay in, inkasta oo Mareykanku adeegsaday duqaymo xooggan, ay Iraaniyiintu dhiseen saqaf adag oo xooggan oo ka hortagay in bambooyinku gaadhaan gudaha iyo goobta mashiinnada iyo qalabku yaallaan..

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee hubkan si rasmi ah loo adeegsado dagaal ahaan, taas oo sii kordhinaysa hubanti la'aanta lagu qabo awooddooda iyo saamayntooda.

Si kastaba ha ahaatee, mashiinnada centrifuge-ka oo ah kuwo si xawaare sare leh u wareega si loo kobciyo uranium-ka, waa kuwo aad u xasaasi ah. Taas micnaheedu waa in qaraxa uu u badan yahay inuu khalday wareeggoodii oo uu burburiyay qaar badan oo ka mid ah.

Si loo helo sawir si cad u muujinaya khasaarihii dhacay waxaa loo baahnaan doonaa noocyo kale oo sirdoon ah – laga bilaabo dareemayaal dhulka hoostiisa ka cabbira dhawaqa iyo dhulgariirka si loo fahmo baaxadda iyo qoto dheerida qaraxyada (kuwaas oo sidoo kale loo adeegsado cabbiraadda dhulgariirrada), qalab "urta" raadiya oo raadiya raadka shucaaca (oo kormeerayaashu sheegeen inaysan weli arkin), iyo dareemayaal kale sida LIDAR (iftiin iyo cabbir fogaan) oo isticmaala laydh si diyaarado ama drones uga sameeyaan khariidado 3D ah oo lagu eegayo gudaha buurahaas.

Sirdoon (dad xog keenaya) iyo dhageysiga wicitaannada ama farriimaha Iraaniyiinta ayaa sidoo kale muhiim noqon doona, maadaama laga yaabo inay muujiyaan Iran oo ka hadleysa khasaarihii dhacay iyo cawaaqibkiisa. Dhammaan xogahaas ayaa ay tahay in la uruuriyo doonaa si loo helo qiimeyn kama dambeys ah oo leh kalsooni sare.

Xitaa haddii goobaha sida Fordo si culus loo waxyeelleeyey ooo khasaare badani gaadho, sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanka, taas micnaheedu ma aha in barnaamijka nukliyeerka Iran uu dhammaaday. Sababtoo ah waxaa suuragal ah in barnaamijkaasi meel kale laga uu ka socdo ama laga sii wado.

Kolonyo baabuur ah ayaa laga arkay Fordo kahor weerarka, waxaana su'aasha muhiimka ah ay tahay: maxay wadeen baabuurtaas, xaggee ayeyna u socdeen?

Dhammaan calaamadaha waxay muujinayaan in Tehran ay u wareejisay keydkeedii maaddada uranium-ka meel kale. Si gaar ah, buur kale oo loo yaqaan "pickaxe" ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, waxaana suuragal ah in Iran ay goobtaas u raraysay qaar ka mid ah mashiinnadii centrifuge-yada ahaa, inkasta oo aan la filayn in ay tiro ku filan u rartay si ay ugu sii socoto xawaarihii hore ee ay shaqada ku wadeen.

Xitaa haddii Iran haysato uranium ku filan, waxaa wali harsan marxalado kale oo lagama maarmaan u ah in laga dhigo hub nukliyeer ah – kuwaas oo u baahan xirfad iyo aqoon cilmiyeed sare. Mid ka mid ah talaabooyinkii ugu waaweynaa ee Israel qaaday bilowgii dagaalka ayaa ahaa dilka saynisyahannada Iran ee ka shaqeynayay barnaamijka, si ay u gaabiyaan horumarka.

Weerarku waxa uu hubaal yahay in uu dib u dhigay barnaamijka Iran. Laakiin intee le'eg ayuu dib u dhigay? Jawaabta su'aashaas waxay ku xidhnaan doontaa in la ogaado waxa hadhay kadib weerarrada, taas oo had iyo jeer noqon doonta qiyaas, ma aha tiro sax ah.

Dhammaan arrimahan waxay ka dhigan yihiin in shaqada hay'adaha sirdoonka ee ku saabsan fahamka barnaamijka nukliyeerka Iran ay noqon doonto mid aad u ba'an bilaha soo socda. Haddii la arko calaamado muujinaya in Tehran si qarsoodi ah dib u dhis ugu waddo barnaamijka ama si xawli ah ugu socoto dhanka hub nukliyeerka, markaa waxaa suuragal ah in colaadda dib u qaraxdo.