Muxuu Putin u aamusanyahay xilli Trump awooddiisa u bandhigayo dunida?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidii hore loogu yaqaanay, haddii Maraykanku uu weeraro waddamo banaanka ka dhulkiisa Ruushka waxaa ka iman jirtay jawaab degdeg ah oo xooggan. Si kastaba ha ahaatee, sanadkaan 2026-ka xaaladdu waa ka duwan tahay sidii hore.
Maraykanku waxa uu ku guulaystay qabashada hoggaamiyaha Venezuela, Nicolas Maduro, iyo la wareegidda markab shidaal oo watay calanka Ruushka. Waxa kale oo uu ku hanjabayaa inuu duulaan ku qaado Greenland iyo inuu gacan ka geesan doono in meesha laga saaro dowladda Iiraan hadda ka talisa.
Intaas oo arrimood oo dhacaya haddana Moskoow waa ay aamusantahay. Ruushku si weyn ayuu u maalgeliyay meelo ay ka mid yihiin Venezuela iyo gobolka Arctic-ga si uu uga hortago saameynta Maraykanka. Hase yeeshee, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin weli wax hadal ah kama uusan soo saarin wixii dhacay.
Sidii uu sanadkan cusub u dhashay Putin waxaa warbaahinta lagu arkay 6-dii Janaayo, markaas oo uu ka qaybgalayey dabaaldegyada Kirismaska.
Afhayeenkiisa, Dmitry Peskov, iyo telefishinka qaranka dawladda Ruushka sidoo kale wax faallo ah kama aysan bixin arrintan. Aamusnaantan waxay u badan tahay inay muujinayso in Putin uusan doonayn inuu carqaladeeyo wada-hadallada xasaasiga ah ee Ruushku kula jiro Maraykanka ee ku saabsan Ukraine.
Danta Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump waxa uu sanadkaan 2026 ku bilowday qaab ruwaayad ah, isaga oo habeen saqdhexe weerar ku qaaday Venezuela kadibna soo qabtay madaxweynihii dalkaas xukumayey Maduro, New York ayaa laga dajiyey, dhawr maalin kadib maxkamad ayuu kasoo muuqday, waxaana lagu eedeeyey inuu daroogo usoo dhoofinayey dalka Maraykanka.
Sidoo kale Trump waxa uu sheegay in Koofurka Ameerika uu si ku meel gaar ah isaga u maamulayo.
Falanqeeyayaal ka tirsan warbaahinta Global media ayaa sheegaya in qabashada Maduro ay dan u tahay Ruushka, maadaama Maraykanku uu Kremlin-ka siiyay xorriyad uu isaguna sidaas oo kale u sameeyo.
Fyodor Lukyanov, oo ah khabiir ku takhasusay siyaasadda arrimaha dibadda isla markaana u dhow Kremlin-ka, ayaa sheegay in xarigga Maduro uu caddeyn u yahay istaraatiijiyad cusub oo dhanka amniga ah oo uu Maraykanku qaatay.
Maalgelinta Ruushka ee Venezuela

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ruushku tobannaan sano ayuu si weyn u maalgelinayay Venezuela, balse saameyntiisii gobolka ayaa hoos u dhacday kadib markii uu awooddiisii u weeciyay dagaalka Ukraine.
Hanna Note, oo ah agaasimaha Barnaamijka Ka-hortagga Faafinta Hubka ee Eurasia kana tirsan Xarunta James Martin ee Daraasaadka Ka-hortagga Faafinta Hubka, ayaa BBC-da u sheegtay in sababta Ruushku uga gaabsanayo inuu cambaareeyo wixii ka dhacay Venezuela ay tahay in madaxweynuhu uu hadda ka fogaanyo inuu ka careysiiyo Trump, maadaama Putin uu wajahayo arrimo ka waaweyn.
Hanna waxay aaminsan tahay in mudnaanta Ruushku tahay inuu Trump ku qanciyo inuu garab istaago Ruushka arrinta Ukraine ama ugu yaraan inuu iska ilaalinayo inuu Ruushu ka hor yimaado waxa uu rabo Trump doonayo.
"Arrintan, Ruushku waxa uu gaaray guul sanadkii la soo dhaafay, waxa uuna doonayaa inuu sii wato guushaas, maadaama Ukraine ay tahay mudnaantiisa ugu weyn," ayay tiri, iyada oo raacisay "Putin waxa uu Trump kala hadlayaa arrin aad uga culus. Waa Ukraine," ayay mar kale tiri.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa soo dhoweysay magacaabista Delcy Rodriguez ee madaxweyne ku-meel-gaar ah oo Venezuela ah, iyada oo ku tilmaantay tallaabo loo qaaday dhanka xasilloonida, xilli uu jiro cadaadis dibadeed.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Venezuela ay xaq u leedahay inay iyadu go'aamiso mustaqbalkeeda iyada oo aan cadaadis dibadeed lagu saarin, inkasta oo aysan si toos ah u xusin Maraykanka.
Qabashadii Markiibkii Ruushka

Xigashada Sawirka, Reuters
Ruushku sidoo kale si taxaddar leh ayuu u hadlay, kadib markii Maraykanku la wareegay markabka shidaalka oo calanka Ruushka ka babanayey Marinera.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka waxay kaliya dalbatay in la sii daayo shaqaalaha Ruushka ah ee saarnaa Marinera, waxa ayna sheegtay in Trump uu arrintaas oggolaaday.
Iyada oo taasi dhacday maraakiibtii dagaalka ee Ruushka ee ku sugnaa aagga lagu qabsaday Marinera wax tallaabo ah ma qaadin, sidoo kale Ruushku ma uusan sheegin inuu dib u soo ceshan doono markabka ama inuu dagaal u geli doono soo celintiisa.
Aamusnaanta Ruushka ayaa si adag loo dhaleeceeyay.
Xildhibaan Alexei Zhuravlev, oo doonaya in Ruushku si militari ah uga jawaabo, ayaa yiri: "waa in tallaabooyin aargosi ah la qaado oo laba markab oo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Maraykanka waa in lagu quusiyo torpedooyin."
Bogga Telegram-ka ee taageera Ruushka Visioner, ayaa u sheegay akhristayaashiisa in la wareegidda markab shidaal oo ku sugnaa biyaha caalamiga ah ay ahayd weerar lagu qaaday Ruushka.
Bishii Janaayo 2025, afhayeenka Moosko Dmitry Peskov ayaa sheegay in Ruushku si dhow ula socdo wax kasta oo la xiriira Greenland.
Waxa uu ku tilmaamay sheegashada Maraykanka ee jasiiradda Arctic-ga, oo ay leedahay Denmark, inay tahay arrin laba geesood ah oo u dhaxaysa Maraykanka iyo Denmark.
Inkasta oo Trump uu 7-dii Janaayo sheegay in Maraykanku uu damacsan yahay inuu la wareego aaggaas, haddana ilaa hadda wax war rasmi ah kama soo bixin Ruushka
Taageerayaasha dowladda Ruushka waxay u muuqdaan inay la maadeesanayaan sheegashada ah in Trump uu la wareegi doono Greenland.
Sababtoo ah waxay u arkaan in ay tahay calaamad muujinaysa tabar-darrada Yurub. Waxayna u arkaan dood xooggan oo lagu caddeynayo waxii Ruushku ku sameeyey Ukraine.













