Aqalka Cad oo sheegay in qabashada markabka Marinera ay ahayd amar maxkamadeed

Afahayeenka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saacadihii ugu dambeeyey waxa aan soo tebineenay wararkii ugu dambeeyey Markabkii uu Maraykanka ka qabsaday Badweynta Waqooyiga Atlaantik, Leavitt oo ah afahayeenka Aqalka Cad ayaa sheegtay in markabka Marinera markii hore la dhihi jiray Bella 1, waxa uuna ku lug lahaa jebinta cunaqabataynta Maraykanka, isla markaana in la soo qabto uu ahaa amar maxkamadeed oo ay oggolaatay maxkamad Maraykan ah, inkasta oo aysan faahfaahin ka bixin.

Waxay mar kale ku celisay mowqifka dowladda ee ah 'in siyaasadaha cunaqabataynta si buuxda loo dhaqan gelin doono markasta, waxa ayna tilmaantay markabka inuu ka mid ahaa "shadow fleet" oo ay leedahay Venezuela, laguna daabuli jiray saliidaha cunaqabatayna lagu sameeyey.

Leavitt waxay intaas ku dartay in amarka maxkamadda uu ogolaanayey qabashada markabka uu sidoo kale shaqaalaha la socda markabka, taas oo micnaheedu yahay in la keeni doono Maraykanka, iyaga oo maxaabiis ah, lana hor keeni karo maxkamad.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa intii uu socday warsaxaafadeedka sheegtay in uu jiro "qorshe fog oo halkaas ka jira" oo ku saabsan tallaabooyinka Maraykanku ka qaadayo Venezuela, isla markaana warbaahintu ay hadda arkayaan 30 ilaa 50 milyan oo foosto oo saliid ah oo ah"tallaabadii ugu horreysay ee aad hadda arkaysaan".

Markii wax laga weydiiyay sida Maraykanku u xaqiijin doono badbaadada shaqaalaha ku sugan Venezuela, Leavitt waxay tiri Trump waxa uu xaq u leeyahay inuu adeegsado awood ciidan haddii loo baahdo, isla markaana uu samayn doono wax allaale iyo waxii dan ugu jirto shacabka Maraykanka.

Waxay intaas ku dartay in Maraykanku isku dayay inuu si diblomaasiyadeed ula macaamilo Maduro, ka hor uusan dhicin weerarkii lagu qaaday, balse waxa ay ku tilmaantay "kaligii-taliye aan sharci lahayn", iyadoo sheegtay inuu hadda ku jiro xabsi ku yaalla New York.

Markabka

Xigashada Sawirka, US European Command

Karoline ayaa tallaabadan ku sharaxday in ay tahay heshiis shidaal oo ay wada galeen madaxweynaha (Trump) iyo mas'uuliyiinta ku meel gaarka ah ee Venezuela talada ka haya, waxayna sheegtay inay "faa'iido u yeelan doonto dadka Mareykanka iyo dadka Venezuela labadaba".

Waxay sheegtay in saliidda dhawaan la soo saari doono Maraykan " sida ugu dhaqsaha badanna ay soo gaari doonto halkan guriga".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay sidoo kale sheegtay in "lacagta faa'iidada ah ee kasoo baxda loo qaybin doono dadka Mareykanka iyo dadka Venezuela".

Markabka Marinera oo ay ciidamada Mareykanku la wareegeyn ayaa la sheegay inuu beddelay calankii uu ku diiwaan gashanaa ee Guyaana, kaas oo u socday Ruushka bartamihii 24-kii Diseembar, waxaa sidoo kale jiray dhowr markab oo kale oo la xayiray ayaa sameeyay isbeddello la mid ah kuwa Ruushka toddobaadyadii la soo dhaafay.

Marka la eego astaamaha ka muuqda markabka, oo ay ka mid yihiin - wiish, balakoon nuuca maraakiibta ah, iyo barxadda markabka dushiisa ah, dhamaantood waxa ay shabahaan astaamaha lagu yaqaano markaka Marinera, marka la eego sawiradii horay looga qaaday.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab labaad oo nuuca shidaalka qaada ah oo marayay badda Caribbean ka, sida uu sheegay Taliska Koonfureed ee Mareykanka.

"Markabka la qabtay ee M/T Sophia, wuxuu ka howlgalayay biyo caalami ah isagoo fulinaya hawlo sharci darro ah gudaha badda Caribbean, "ayuu Mareykanku ku yiri bayaankiisa. "Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa M/T Sophia u hagi doona Mareykanka si go'aan kama dambeys ah looga qaato."

Telefishinka Ruushka ee RT ayaa baahiyey in ciidamada Mareykanka ay ka soo raaceen Marinera diyaarad helikobtar ah, waxayna daabacday sawir diyaaradda oo dul heehaabaysa meel u dhow markabka.