Ruushka oo ciidankiisa badda u diray markab ay askarta Maraykanku eryanayaan

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Ruushku ayaa diray ciidamadiisa badda si ay u galbiyaan markab shidaal oo ay sidoo kale ciidamada Maraykanku ku baacsanayaan badweynta Atlaantigga, sida ay sheegtay warbaahinta CBS News, oo ah bahwadaagta warbaahinta BBC-da ee Maraykanka, ayaa werisay.

Markabkan, oo aan hadda wax shixnad ah wadin ayaa taariikh ahaan waxa uu qaaday Saliidda ceyriinka ee Venezuela, waxaana loo maleeyay in Talaadadii uu marayey meel u dhexeysa Scotland iyo Iceland.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii hore sheegay in uu amrayo in "la xannibo" maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela, tallaabadaas oo ay dowladda dalkaas ku tilmaantay "xatooyo".

Kahor qabsashada Mareykanka ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Nicolás Maduro Sabtidii, Trump wuxuu si isdaba joog ah ugu eedeeyay dowladda Venezuela in ay maraakiib u adeegsatay si ay daroogo u keento Mareykanka.

Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa bishii hore isku dayay inay fuulaan markabka Bella 1 oo ku sugnaa Caribbean-ka markaasoo la rumeysnaa inuu ku wajahan yahay Venezuela. Waxa ay haysateen warqad amar ah oo ay ku qabsanayaan markabka, kaas oo lagu eedeeyay in uu jabiyay cunaqabataynta Maraykanka iyo raritaanka shidaalka Iran.

Kadib waxa uu bedeshay marinkii uu ku socday iyo sidoo kale magaca ayada oo loo bixiyay Marinera, waxaana la sheegay in uu iska beddelay calankii Guyana, uuna surtay calanka Ruushka.

Socdaalka markabka ee Yurub waxa ay ku soo beegmay iyada oo ay imanayaan ku dhawaad 10 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Maraykanku leeyahay iyo sidoo kale helikobtero.

Ruushku waxa uu sheegay in ay si walaac leh ula socdaan xaaladda markabka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labo sarkaal oo Mareykan ah ayaa u sheegay CBS News horraantii Talaadadii in ciidamada Mareykanka ay qorsheynayeen in ay fuulaan markabka, isla markaana Washington ay door bidday in ay la wareegto halkii ay dejin lahayd.

Talaadadii, taliska koonfureed ee militariga Mareykanka ayaa baraha bulshada soo dhigay in ay "diyaar u yihiin in ay taageeraan hay'adaha dowladda Mareykanka si ay uga hortagaan maraakiibta cunaqabateynta saaran iyo jilayaasha isaga kala goosha gobolkan.

"Adeegyadeenna baddu waa kuwo feejigan ku dheehan tahay, oo u taagan inay la socdaan maraakiibta isha lagu hayo. Marka naloo baahdo waanu tegi doonnaa meesha nalooga baahdo".

Marinera ayaa la rumaysan yahay in ay u dhaxaysay Scotland iyo Iceland habeenimadii Talaadada, iyada oo masaafada iyo cimiladu ay ka dhigeen mid ay adag tahay in la fuulo.

Ka hor inta aan wax howlgal ah oo militari oo Mareykan ah laga bilaabin UK, Washington waxaa la filayaa in ay ku wargeliso xulafadeeda.

Wakhtigan, Wasaaradda Difaaca UK waxay sheegtay inaysan ka hadli doonin dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee dalalka kale.

Saraakiisha Mareykanka oo ay soo xigatay CBS ayaa soo jeediyay in Mareykanka uu qaadi karo howlgal la mid ah kii la sameeyay bishii hore markii ciidamada Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada gaarka ah ee la shaqeeya ilaalada xeebaha ay qabteen The Skipper, oo ah nooca weyn ee saliidda ceyriin qaada oo ku socday calanka Guyana, ka dib markii markabka uu ka tagay dekedda Venezuela.

.

AIS (nidaamka aqoonsiga otomaatiga ah) ee xogta la socodka markabka, oo la been abuuri karo, ayaa sheegaya in markabku marayo Waqooyiga Atlantic qiyaastii 2,000km (1,200 mayl) galbeedka qaaradda Yurub Talaadadii.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, maraakiibta wata calanka wadan leeyahay waxay ku hoos jiraan ilaalinta qarankaas laakiin Dimitris Ampatzidis, oo ah falanqeeye khataraha iyo u hogaansanaanta shuruucda, kana tirsan hay'adda sirdoonka badaha ee Kpler, ayaa BBC u sheegay in haddii la beddelo magaca markabka iyo calanka laga yaabo in aanay wax badan isbeddelin.

Ampatzidis wuxuu sheegay in u beddelashada diiwaanka Ruushka ay sababi karto "isku dhac dublamaasiyadeed" laakiin wuxuu ku tilaamamay in taasi aysan joojin doonin talaabo kasta kasta oo uu Mareykanka uu doonayo inuu dhaqan galiyo.

"Waqtigan xaadirka ah, markabkayagu wuxuu ku socdaa biyaha caalamiga ah ee Waqooyiga Atlaantigga isagoo wata calanka gobolka ee Ruushka, wuxuuna si buuxda u raacayaa xeerarka sharciga caalamiga ah ee badaha," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

Ismariwaaga suurtagalka ah ee ka dhashay markabka saliidda qaada ayaa imaanaya maalmo kadib markii Mareykanka uu adduunka kaga yaabiyay qabsashada Maduro ee uu ka soo qabtay caasimadda Caracas. Waxay duqeymo ka geysateen magaalada intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay Maduro iyo xaaskiisa oo looga shakiyay hub iyo dambiyo daroogo.