Maxaa caanaha Geela loogu yaqaan 'dahabka cad'?

Caanaha geela waxa loo yaqaan 'dahab cad'

Xigashada Sawirka, Mahesh Garva/Sahjivan

Waxaa jira oraah caadi ah oo dhahaysa in caanaha geela loo yaqaan "dahabka cad".

Caanaha geela waxaa loo arkaa kuwo faa'iido aad u badan u leh caafimaadka, waxaana la sheegaa inay awood u leeyihiin daaweynta cudurro badan oo halis ah.

Meelo badan oo adduunka ah, gaar ahaan gobollada cimilada qallalan leh, caanaha geelu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah cuntooyinka maalinlaha ah.

BBC ayaa la hadashay khubaro daraaseeyay caanaha geelka si ay wax uga ogaato faa'iidooyinkiisa.

Nafaqooyinka caanaha geela

Meelo badan oo aduunka ka mid ah, gaar ahaan gobolada oomanaha iyo dhul-oomanaha ah, caanaha geelu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah cuntada aasaasiga ah.

Xigashada Sawirka, Mahesh Garva/Sahjivan

Sida ku cad cilmi-baaris lagu daabacay Saudi Journal of Biological Sciences, caanaha geela waxaa ku jira maadooyin saddex ilaa shan jeer ka badan fiitamiin C-ga caanaha lo'da.

Intaa waxaa dheer, beta-lactoglobulin, oo ah borotiin ku jira caanaha lo'da iyo lo' Gisiga, ayaa loo maleynayaa inay tahay sababta ugu weyn ee xasaasiyadda dadka badan (gaar ahaan carruurta yaryar), halka qaab-dhismeedka borotiinka ee caanaha geela uu aad ugu egyahay kan caanaha aadanaha marka loo eego caanaha lo'da.

Sida lagu sheegay cilmi-baaristan: "Iyada oo aan la helin beta-lactoglobulin, caanaha geela si fudud ayey u dheefshiidmaan, waana kuwo u wanaagsan dadka qaba gaaska, ama xanuunada kale caloosha.

Sidoo kale, caanaha Geela waxay leeyihiin dufan aad uga yar marka loo eego caanaha lo'da ama caanaha Lo' gisiga .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Caanaha geela waxa ay hodan ku yihiin fiitamiino ay ka mid yihiin fiitamiin B1, B2, iyo C. Waxa uu ka kooban yahay saddex ilaa shan jeer fiitamiin C ka badan caanaha lo'da, taas oo ka dhigaysa qayb muhiim ah oo ka mid ah cuntada dadka ku nool gobollada qalalan ama goobaha kulul.

Dr Prashant Panara ayaa u sheegay BBC-da in "caanaha geelu ay yihiin kuwa ugu dhow caanaha aadanaha. Caanaha geelu waxa ay ka kooban yihiin fiitamiin B12, zinc, kaalshiyam, iyo sidoo kale borotiin iyo dufan cufan oo ku jira xaddi ku filan. Wax dhibaato ah ma keeno. Intaa waxaa dheer, caanaha geelu waxa ay sidoo kale muujinayaan waxtarka ay u leeyihiin xanuunka macaanka.

Dr Prashant Panara ayaa yiri: "Sababo la xiriira sifooyinkiisa gaarka ah, caanahan waxa ay sidoo kale faa'iido u leeyihiin dadka dhib ku qaba dheefshiidka . Caanahani waxa ay ka caawiyaan xoojinta awoodda jirka ee la dagaallanka cudurrada ama difaaca jirka.

Dr. Purvi Parekh, oo haysata shahaadada PhD ee cilmiga cuntada iyo nafaqada, ayaa u sheegtay BBC-da in "jirku uusan si isku mid ah uga falcelin dhammaan noocyada caanaha. Nafaqooyinka ku jira caanaha geela waxayna ka caawiyaan xoojinta lafaha, isla markaana waxay dheellitiraan murqaha iyo neerfayaasha".

Caanaha Geelu waa nooca A2 ah, kuma jiro beta-lactoglobulin, waxa uu hodan ku yahay fiitamiin C, zinc iyo Macdano kale, isla markaana dufankiisu waa yar yahay.

Faa'iidooyinka caafimaad ee caanaha Geela

Caanaha geelu waxa ku jira fitamiin C saddex ilaa shan jeer ka badan caanaha lo'da.

Xigashada Sawirka, Mahesh Garva/Sahjivan

Reer Baadiyaha Jasiiradda Sinai ee Masar ayaa muddo dheer aaminsanaa in caanaha geelu ay dawo u yihiin ku dhowaad dhammaan cudurrada uur-kujirta. Waxay rumeysan yihiin in caanahani ay awood u leeyihiin inay jirka ka baabi'iyaan bakteeriyada.

Sida ku cad warbixin ay soo saartay Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), dhakhaatiirta ku sugan Ruushka iyo Kazakhstan ayaa inta badan u qora caanaha geela bukaano badan si loogu daaweeyo xanuunno kala duwan.

Hindiya gudaheeda, caanaha geela waxaa loo adeegsadaa daaweynta cudurrada sida cagaarshowga, qaaxada, dhiig-yarida , iyo babaasiirta.

Sidoo kale, meelaha ay caanaha geelu ay si joogto ah uga mid yihiin cuntada, waxaa la ogaaday in dadka dega halkaas ay aad ugu yar yihiin kiisaska cudurka macaanka.

Sida lagu sheegay warbixin ay BBC-du daabacday sanadkii 2009, Frank Smiths oo u dhashay dalka Netherlands ayaa sharaxay cilmi-baaris uu sameeyay, taas oo bukaanada macaanka qaba ee isbitaalka loo kala qeybiyay kooxo, laguna quudinayay caanaha lo'da ama caanaha geela si joogto ah. Kadibna heerarka sonkorta dhiigga ayaa la cabbiray, natiijooyinkuna waxay muujiyeen waxtarka caanaha geela.