La kulan Cabdikariim: Wiilka reer xamarka ah ee lafaha geela ka ganacsada

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe
- Author, Abdishukri Haybe
- Role, Wariye
Mudo toban sanno ah, Abdikarim Abukar, subax walba waxuu 09:00 AM yimaadaa xaruntiisa shaqo, oo ah qolyar oo cidhiidhi ah ayna yaalaan makiinnado qadiimi ah oo u ku sameeyo agab kala duwan oo dalka naadir ku ah.
Waxuu bilaabaa kala hagaajinta qolkiisa, kadibna horey waxuu kasii galaa samaynta lafo u diyaarsan in uu ka sameeyo agab farshaxaneed isticmaal gala. Isaga oo dhididsan ayuuna u muuqdaa mid si dhiiran oo xirfad iyo waayo-aragnimo leh u wata shaqadiisa. Jabaqda makiinadda iyo sida uu ugu fooganyahay hagaajinta shayga uu samaynaayo ayaana dhego-tirta, waxayna u badantahay in uusan ku maqlin inta uu shaqadaas ku jiro haddii aad la hadasho.
Alaabo kala duwan ayayna ka sameeyaan lafahaan, sida tusbaxyada, ulaha xaragada, agabka dumarku isku qurxiyaan iyo alaab farshaxan oo xafiisyada la dhigto.
“Annagu reer Banaadiri baan nahay geelana wax badan kama garanayno, balse maadaama geelu yahay wax Soomaalidu aad u jeceshahay dhaqan ahaan, annaga lafahiisan ayaa geel noo ah oo aan ka faa’iidaysanaa noloshadana kasoo saaranaa", ayuu si kaftan ah u yidhi Cabdikariim oo dhoolacadaynaya.

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe
Cabdikarim 23 sano jir ku dhashay Muqdisho xirfadaan Aabahii ayuu ka bartay isaga oo aan dhallanina ku shaqeynaayay isla xirfadaan, ubadka uu dhalay oo saddex ah ayuuna noloshooda kasoo saara xirfad-gacmeeddan uu ka dhaxlay Aabahii waana isha keliya ee dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirsanyahay.
“Illaa 2013-kii ayaana si toos ah ugu shaqaysanayaa; waxii aanka bartay Aabbo, Alxamdulilaah waxii laygusoo koriyay ayaan anniguna haddeer carruurtayda ku korinayaa.” Ayuu yidhi isaga oo taxaya tusbax annigoo arkaya uu ka sameeyay laf caadi ah.
Lafaha geela oo uu ka sameeyo alaabaha kala duwan waxuu ka doonaa meel magaalada Muqdisho u jirta 30km, mana aha wax fudud in maalin walba uu halkaas tago oo caqabado badan ayuuna kala kulmaa oo mararka qaar naftiisa iyo saaxiibadiisa la socdaba ay halis ku galaan. “Manoo dhibyara in aan halkaan imaano maalin walba, jidku sidiisaba wuu iska halis badanyahay; meelo badan oo ayaa lagugu joojinayaa; markay u dhibyartahayna lafaha ayaa inta lagaa daadiyo lagu leeyahay haddana dib u xarayso”.
Laakiin Muuse Maxamuud 56 jir ah oo isna ay wada shaqeeyaan Cabdikariim mar ayay naftiisu halis gashay, kadib markii la dhaawacay isaga oo lafo guraya. “Illaa hadda garabka ayaan naafo ka ahay, muddo toban sanno laga jooga anniga oo lafahaan guraya ayaana xabad laygu dhuftay; bil toos ah ayaana goob-daawo/Isbitaal jiifay; manta isla shaqadii ayaan ka shaqeynayaa sababtoo ah waa waxa keliya ee aan aqaanno nololna ka samayn karo,”ayuu cod hoose ku yidhi isaga oo neeftuuraya lafana jawaan ku guraya.

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa kale oo caqabad weyn ku ah in lafaha halkan loo keenno in lagu gubo iyagu ayna si lacag la’aan ah ku qaadan Karin kuna qasbanyahiin in marwalba oo ay qaadanayaan ay lacag bixiyaan.
“Dookh kale malihin aanka ahayn in lacag bixinno waana ku qanacsanahay in aan sidaas samayno; noloshayadu maadaama ayku tiirsantahay, waase wax laga qurxoonyahay wax la gubi lahaa in dadka halkaan masuulka ka ahi lacag la iiga qaadaan wax la gubi lahaa,” ayuu yidhi Cabdikarim.
Tusbaxyada laga sameeyo lafaha ayaa la gadaa qiimo u dhexeeya $10 illaa $15 lacagta doolarka ah. Halka tusbaxyada u taxan 100 ka xabo ay gadaan $50 illaa $60 doolar, alaabtan ay sameeyaan ma’aha mid si joogta ah macaamiil fiican u hesha; waxaase inta badan iibsata alaabahaan qurbajoogta iyo saraakiisha dowladda.
Fu’aad Cabdi Cadoow, waa daljoog markiisii koobaad ayuuna imaaday dukaankan lagu gado alaabahan laga sameeyo lafaha geela; aad ayuuna uga helay isaga oo la ashqaraayay sida alaabtan dalka gudahiisa loogu sameeyay, waxuuna kamid noqonayaa daljoogta halkaan sida dhifka ah imaaday.
“Labo shay baan ka iibsaday halkaan haddeerd; runtii aad baan u jeclaystay in shay dalkeenna lagu sameeyay aan iibsanayo waliba isaga oo ka qurux badan kuwo wadamada kale laga keenno, waana in dadku iibsadaan alaabtan dalka hooyo lagu sameeyay,” ayuu yidhi isaga oo ku wardinaya tusbax uu meesha ka iibsaday.
In alaabada halkaan lagu sameeyo loo iibgeeyo dibadda ma’aha wax sahlan, balse Cabdikariim mustaqbal wanaagsan ayuu ka qabaa in shaqadani wanaajindoonto nolosha siisa, inkastoo hadda baahidiisa maalinlaha ayna si joogta ah u daboolin.
Geelu waxuu qeyb weyn ka yahay hantida ay leedahay Soomaalidu, balse lafahiisa ayaan ahayn wax si badan looga faa’iidaysto. Waxayba u muuqataa in aan lagu baraarugsanayn.













