Dhowr arrimood ka ogow waxyaabaha salka u ah dagaalka u dhaxeeya Pakistan iyo Talibanta Afgaanistan

Xigashada Sawirka, Reuters
Khawaja Asif, Wasiirka Difaaca Pakistan, ayaa ku dhawaaqay 'dagaal furan' oo ka dhan ah xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan, saacado ka dib markii Pakistan ay duqaymo cirka ah ka fulisay Kabul iyo laba gobol oo kale oo Afgaanistaan ku yaalla, kuwaasoo 'aargoosi' u ah "Weerarka xuduudaha ee Afgaanistaan".
Xukuumadda Afgaanistaan ayaa sheegtay in ay weerarro ka dhan ah ciidamada Pakistan ay ku qaadeen saldhigyada militariga Pakistan ee ku teedsan xuduudkooda, si ay uga jawaabaan duqeymaha cirka ee Pakistan ee usbuucii la soo dhaafay dhacayay, arrin qayb ka ah xiisaddii u dambeysay ee u dhaxeysay dalalka deriska ah, taasoo ka dhigtay xabbad-joojinta ay Qatar dhexdhexaadineyso oo u muuqata mid sii liidata.
"Samirkeennu wuxuu gaaray xadkiisii, hadda waa dagaal furan oo noo dhexeeya annaga iyo idinka," Asif ayaa soo dhigay barta X. Goor sii horreysay, Pakistan waxay sii daysay muuqaallo ku saabsan weerarrada Kabul.
Weeraradii Khamiista ayaa Pakistan waxay sheegtay inay qaaday hawlgal aargoosi ah oo ay kaga jawaabayso weerarrada lagu eedeeyay Talibanka Afgaanistaan, iyadoo sheegtay inay dishay in ka badan 130 dagaalyahan oo Taliban ka tirsan. Hawlgalka Ghazab lil Haq ayaa billowday habeennimadii Khamiista kadib markii Talibanka Afgaanistaan lagu eedeeyay in ay weeraro ku qaadeen dhowr xarumood oo xuduudda ku yaalla.
Xiisad ayaa ka dhex taagneyd labada dal ee deriska ah muddo bilo ah, iyadoo iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay uu ka dhacay soohdinta bishii Oktobar oo ay ku dhinteen tobaneeyo qof oo isugu jira askar, dad rayid ah iyo maleeshiyaad la tuhunsanaa. Rabshadaha ayaa daba socday qaraxyo ka dhacay Kabul oo saraakiisha Afgaanistaan ay ku eedeeyeen Pakistan. Islamabad, wakhtigaas, waxa ay si qoto dheer uga fulisay gudaha Afgaanistaan weeraro lala beegsaday goobo ay ku dhuumaalaysanayeen mintidiinta.
Xabad-joojin ay dhexdhexaadisay dowladda Qatar oo labada dal la dhex dhigay ayaa inta badan la qabtay, balse labada dhinac ayaa weli mararka qaar rasaas isku weydaarsada xadka labada dal. Dhowr wareeg oo wadahadal nabadeed ah bishii Nofembar ayaa ku guuldareystay inay horseedaan heshiis rasmi ah.
Axadii ayaa militariga Pakistan waxa ay weeraro ka fuliyeen xadka Afghanistan, iyaga oo sheegay in ay dileen ugu yaraan 70 dagaalyahan.
Afgaanistaan ayaa diiday sheegashadaas, waxayna sheegtay in tobanaan rayid ah la dilay, oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Wasaaradda Difaaca Afgaanistaan ayaa sheegtay in "goobo kala duwan oo rayid ah" oo ku yaal bariga Afgaanistaan la duqeeyay, kuwaasoo ay ku jiraan madarasad, machad Islaami ah iyo guryo. Wasaaraddu waxay sheegtay in duqaymahaasi ay "ku xad-gudbeen hawada iyo madax-banaanida Afgaanistaan".
Maxay tahay xuddunta xiisadda
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Weerarrada isxigxiga ah ayaa halis galinaya xabad joojin jilicsan kadib iska hor imaad xuduuda ka dhacay bishii Oktoobar, dagaalkaas waxaa lagu dilay tobanaan askari, dagaalkaas oo ahaa kii ugu xumaa ee labada dal dhex mara tan iyo markii Taliban ay la wareegeen magaalada Kabul sanadkii 2021-kii.
Pakistan ayaa soo dhaweysay ku soo laabashada awooda Taliban sanadka 2021, iyadoo Ra'iisul wasaarihii xiligaas Imran Khan uu sheegay in Afgaanistaan ay "jabiyeen xariga addoonsiga". Laakiin Islamabad waxay markiiba ogaatay in Taliban aysan u wada shaqaynin sidii ay rabeen, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Reuters.
Si kastaba ha ahaatee, sannadihii la soo dhaafay, Pakistan waxay ku eedaysay Afgaanistaan inay gabaad siiso kooxo hubaysan oo ay hoggaamiyaan Talibanta Pakistan oo loo soo gaabiyo TTP. Xagjirnimada ayaa sii kordhaysay sanad walba tan iyo 2022, iyadoo weerarrada ka imaanaya TTP iyo fallaagada Baloch ay sii kordhayeen, sida laga soo xigtay hay'adda Armed Conflict Location & Event Data oo ah hay'ad kormeer caalami ah oo ay soo xigatay Reuters.
Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP)
Islamabad ayaa sheegtay in rabshadaha kooxaha mintidiinta ahi ay Pakistan ku soo badanayeen sanadihii ugu dambeeyay, kuwaas oo inta badan Pakistan ay ku eedaysay Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP) iyo kooxaha gooni u goosadka ee Baloch.
TTP way ka go'een Taalibaanta Afgaanistaan laakiin waxa ay kooxda la wadaagtaa xiriir qoto dheer oo dhanka fikirka, bulshada iyo mid luqadeed. TTP wuxuu ka soo baxay 2007dii degmooyinka qabaa'ilka Pakistan.
Talibanka Afgaanistaan ayaa marar badan diiday in ay u ogolaadaan mintidiinta in ay isticmaalaan dhulka Afgaanistaan si ay weeraro uga geystaan Pakistan.
Pearl Pandya, oo ah falanqaysa arrimaha Koonfurta Aasiya ayaa sheegtay in "xuduuda cakiran" ee Afgaanistaan ay siinayso dagaalyahannada gabaad nabdoon oo ay dib ugu gurtaan ayadoo uu haysto cadaadis militari".
"Talibaanta Afgaanistaan waxay u muuqdaan kuwo aan dooneynin inay si dhab ah u xakameeyaan TTP, qayb ahaan sababtoo ah xiriirkii hore ee u dhexeeyay labada kooxood, laakiin sidoo kale cabsida TTP ee xagjiriinta oo u goosta kooxda ugu weyn ee ay xafiiltamaan, Dawladda Islaamiga ah ee Khorasan," ayay raacisay.

Xigashada Sawirka, AFP
Horaantii todobaadkan, Madaxweyne Asif Ali Zardari ayaa sidoo kale soo qaaday in Pakistan aysan u tanaasuli doonin nabadda iyo midnimada dhuleed, isagoo yiri, "Jawaabta ciidamadayada qalabka sida waa mid dhamaystiran oo go'aan qaadasho leh. Kuwa ku khalda nabadayada daciifnimada waxay la kulmi doonaan jawaab adag - qofna ma noqon doono mid aan la gaari karin".
Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa sheegay in shacabka iyo ciidamada qalabka sida ee Pakistan ay mar walba diyaar u yihiin inay sugaan amniga qaranka, madax banaanida, iyo midnimada dhuleed. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayuu Shariif ku sheegay in ciidamada qalabka sida ay ka go'an tahay ilaalinta amniga iyo nabadda dalka.
"Ciidankeenu waxay si buuxda u awoodaan inay jebiyaan hammi kasta oo gardarro ah," ayuu yiri. "Ma jirto wax tanaasul ah oo lagu difaacayo dalka hooyo, gardarro kastana waxaa laga heli doonaa jawaab ku habboon," ayuu sii raaciyey.
Pakistan – Afgaanistaan, maxaa xiga?
Sida ay wax u socdaan marka la eego, Wasiirka Difaaca Pakistan wuxuu baraha bulshada kaga dhawaaqay 'dagaal furan' oo ka dhan ah xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan. Horaantiina, kadib weeraradii cirka ee Pakistan, Taliban waxay ka digtay, "jawaab ku haboon oo cabiran ayaa la qaadi doonaa wakhtiga ku haboon".
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay u badan tahay in tani ay caqabad ku noqon doonto isaga-gudbidda xuduudaha. Ciidan ahaan, waxaa jira is-maandhaaf ballaaran oo u dhexeeya labada waddan. Taliban waxay haystaan ciidan lagu qiyaasay 172,000, kuwaasoo wax ka yar saddex meelood meel ciidamada Pakistan.
Inkastoo Taliban ay heystaan ugu yaraan lix diyaaradood iyo 23 helikobter ah, xaaladooda lama oga, mana heystaan diyaarado dagaal ama ciidan cir oo waxtar leh, sida ay sheegtay Reuters.
Ciidamada Pakistan waxaa ka mid ah in ka badan 600,000 oo askar firfircoon ah, waxay haystaan in ka badan 6,000 oo baabuurta gaashaaman iyo in ka badan 400 oo diyaaradaha dagaalka ah, marka loo eego xogta 2025 ee machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatiijiyada. Dalka ayaa sidoo kale ku hubeysan hubka Nukliyeerka, sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka.












