Taliban oo sheegtay in weerar aargoosi ah ay Pakistan uga laayeen askar badan

dagaal ka dhacay xadka Pakistan iyo Afghanistan

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Dowladda Taliban ayaa xaqiijisay in ay weerar ku qaadeen ciidamada Pakistan ee deganaa goobo badan oo ku yaal buuraleyda xadka waqooyi.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in 58 ka mid ah militeriga Pakistsan lagu dilay wax ay ugu yeereen "fal aargoosi". Waxay sheegeen in Pakistan ay ku xadgudubtay hawada Afghanistan iyagoo duqeeysay khamiistii suuq gudaha xadka ku yaal.

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi ayaa sheegay in weerarka Afghanistan ku soo qaaday uu ahaa mid aan laga fiirsan, isagoo sheegay in rayid la xabadeeyay. Wasiirka waxa uu ka digay in ciidamada dalkiisa ay ka bixinayaan jawaab la mid ah.

Islamabad waxay ku eedeysay Kabul in ay gabaad siineyso argagixisada weeraraya dhulka Pakistan. Dowladda Taliban way beenisay in taasi ay jirto.

Xadka Pakistan iyo Afghanistan

Xigashada Sawirka, Reuters

Afghanistan iyo Pakistan ayaa la sheegay in ay ku adeegsadeen hubka fudud iyo gantaalo dagaalka ka dhacay gobolka Kunar-Kurram sida BBC-du ogaatay.

Shir jaraa'id oo maanta oo Axad ah la qabtay ayuu afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ka sheegay in 58 ka dhimatay militeriga Pakistan iyadoo sidoo kalena ay ka dhaawacmeen ku dhawaad 30. Wuxuu intaas ku daray in 9 ka mid ah dagaalyahanada Taliban in ay geeriyoodeen iyadoo tiro u dhexeysa 16 ilaa iyo 18 ay dhaawacmeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Afghanistan ayaa isna ka sheegay shir jaraa'id oo lagu qabtay New Delhi, "dhibaato kuma qabno" shacabka iyo hoggaanka Pakistan balse wuxuu sheegay, "in ay jiraan kooxo joogo Pakistan oo isku dayaya in ay xaalada qaribaan. Afghanistan waxay xaq u leedahay in ay dhulkeeda iyo xuduudaheeda ka dhigto amni, taasna ay keentay jawaabta ay bixisay".

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan ayaa sheegay in uu "si xoogan u cambaareynayo weerarada", "Rasaasta ay ku rideen ciidamada Afghanistan rayidka waa mid xadgudub cad oo lagu sameeyay qeynuunka caalamiga".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Afghanistan waxay ku ciyaareysaa bam" sidaasina waxa uu ku qoray wasiirka bartiisa X.

Labada meel ee laysaga kala gudbo dalalka Afghanistan iyo Pakistan oo kala ah Torkham oo ku taal waqooyiga iyo Chaman oo ku taal koonfurta ayaa la xiray. Marka la xiray labada jid waxay dhaliyeen in ay xanibmaan boqolaal gawaarida xamuulka ee badeecadaha u kala gudbiya labada dal.

Afhayeen u hadlay militeriga Pakistan waxa uu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta nolosha iyo hantida dadka Pakistan.

Militeriga Pakistan si rasmi ah uma cambaareyn balse ila dhanka ammaanka ah oo BBC-da la hadashay ayaa u sheegay in rasaasta ay ka dhacday dhowr goobood ku yaal xadka u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan. Meelaha ay ka dhacday rasaasta waxaa ku jira magaalooyinka Angoor Adda, Bajaur, Kurram, Dir, Chitral iyo Baramcha.

Sarkaal boolis oo fadhigiisu ahaa meel u dhow degmada Kurram ayaa BBC-da u sheegay in hubka culus uu ka soo dhacay dhanka Afghanistan saacada markii ay aheyd tobankii habeenimo. Wuxuu sheegay in ay heleen warar sheegaya in is xabadeyn daran ay ka dhacday dhowr goobood oo ku yaal xadka u dhexeeya labada dal.

Toddobaadkii la soo dhaafay dowladda Afghanistan ee Taliban ayaa ku eedeysay Pakistan in ay "ku xadgudubtay madaxbannaanida Kabul", kaddib markii khamiistii laga maqlay magaalada labo qarax oo waa weyn.

Pakistan waxay duqeysay suuq ku yaal xadka gobolka Paktika ee koonfur bari Afghanistan sidaasina waxaa Jimcihii sheegay wasiirka difaaca Afghanistan. Dadka deegaanka ayaa BBC-da laanta Afghanistan u sheegay in dukaamo badan la burburiyay.

Janaraal sare oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa ku eedeeyay Afghanistan in loo isticmaalayo "fariisin ay ka howgalaan argagixisada ka horjeeda Pakistan".

Pakistan muddo dheer ayey ku eedeyneysay Taliban in ay u ogolaatay Talibanka Pakistan ee loo yaqaan TTP in ay ka howlgalaan dhulkooda oo halkaas ay ka soo weeraraan dowldada Islamabad si ay u xoojiyaan xukunkooda ku saleysan xagjirnimada. Dowladda Afghanistan ee Taliban mar walba way beenisaa arrintan.

"Afghanistan waxaa la siin doonaa jawaabta ku haboon sida tii India, marka kuma dhacdo in ay indho xun ku soo eegto Pakistan," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi.

Dagaalkan u dambeeyay wuxuu ku soo aaday iyadoo safar taariikhi ah uu ku tagay India wasiirka arrimaha dibadda Afghanistan, Amir Khan Muttaqi. Safarka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ilaa markii Taliban ay xukunka ku soo laabteen.

India ayaa sheegtay in ay safaaradeeda ka furaneyso Kabul taas oo la xiray afar sano ka hor markii Taliban ay xukunka ku soo laabteen.

Sucuudiga oo heshiisyo badan oo difaaca ah la galay Pakistsan bishii la soo dhaafay ayaa ugu baaqday in lays xakameyo oo laga fogaado dagaal u dhexeeya Islamabad iyo Kabul.

Qatar ayaa sidoo kale walaac ka muujisay xiisada ka taagan xadka u dhexeeya Afghanistan iyo Pakistan, waxayna ugu baaqeen labada dhinaca, "in ay mudnaanta siiyaan diblomaasiyada".