Maraykanka oo caddeeyay waddanka labaad ee uu doonayo inuu ku qabsado awood militari

Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlayay "xulashooyin kala duwan" ama khiyaarada u furan inuu Mareykanka ku helo Greenland, kuwaas oo ay ku jirto adeegsiga ciidanka militariga, sida Aqalka Cad uu sheegay.

Aqalka Cad ayaa u sheegay BBC-da in helitaanka Greenland — oo ah gobol is-maamul kana tirsan Denmark, oo ah waddan xubin ka ah NATO — uu yahay mudnaan amniga qaranka ah.

Hadalkan ayaa yimid saacado kaddib markii hoggaamiyeyaasha Yurub ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayeen taageero ay si buuxda u garab istaagayaan Denmark, taasoo si adag uga soo horjeedday hammiga Trump ee ku aaddan jasiiradda jasiiradda Greenland.

Trump ayaa mar kale ku celiyay dhammaadka usbuuca in Maraykanku "u baahan yahay" inuu helo Greenland sababo la xiriira amniga, taasoo keentay in Ra'iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ay ka digto in weerar kasta oo ka yimaada Maraykanka uu noqon doono mid soo afjari kara NATO.

"Madaxweynaha iyo kooxdiisu waxay ka wadahadlayaan xulashooyin kala duwan oo lagu gaari karo yoolkan muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda, dabcan adeegsiga militariga Mareykanka mar walba waa ikhtiyaar u furan Taliyaha Guud."

NATO waa isbahaysi militari oo u dhexeeya dalalka labada dhinac ee Badweynta Atlaantik, halkaas oo xulafadu laga filayo inay is-caawiyaan haddii midkood la kulmo weerar dibadeed.

Talaadadii, lix dal oo reer yurub ah ayaa muujiyay taageero ay u hayaan Denmark.

"Hoggaamiyeyaasha UK, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Poland, Isbaanishka, iyo Denmark ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay: 'Greenland waxaa iska leh dadkeeda, waxaana kaliya go'aannada la xiriira xiriirka Denmark iyo Greenland ay gaari karaan Denmark iyo Greenland.

Iyagoo adkaynaya inay si la mid ah Maraykanka uga go'an tahay amniga Arctic-ga, dalalka Yurub ee saxiixay bayaanka wadajirka ah ayaa sheegay in arrintan ay tahay in si wadajir ah ay u fuliyaan xulafada NATO, oo uu ku jiro Maraykanku.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la dhowro mabaadi'da Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ka mid yihiin madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo inaan lagu xadgudubin xuduudaha.

Ra'iisul Wasaaraha Greenland, Jens-Frederik Nielsen, ayaa soo dhaweeyay bayaankaas wuxuuna ku baaqay wadahadal ixtiraam leh in arrintan laga yeeshay.

"Nielsen ayaa yiri: 'Wadahadalku waa inuu ka dhashaa ixtiraam lagu muujinayo xaqiiqda ah in xaaladda Greenland ay ku saleysan tahay sharciga caalamiga ah iyo mabda'a ilaalinta dhulka iyo xuduudihiisa.'"

Khariirad
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arinta mustaqbalka Greenland ayaa dib u soo cusboonaatay kadib faragelintii militariga Mareykanka uu ku sameeyay dalka Venezuela, xiligaasi oo ciidamo gaar ah ay gudaha u galeen islamarkana ay u qabteen madaxweynaha dalkaasi Nicolás Maduro oo imika maxkamad lagu soo taagay New York.

Maalin ka dib weerarkaas, Katie Miller – xaaska mid ka mid ah la-taliyeyaasha sare ee Trump – ayaa baraha bulshada soo dhigtay khariidad muujinaysa Greenland oo ku sawiran midabada calanka Mareykanka, iyadoo ay weheliyaan erayga "mar dhaw."

Isniintii, ninkeeda Stephen Miller ayaa yiri in "ay tahay mowqifka rasmiga ah ee dowladda Mareykanka in Greenland ay qayb ka noqoto Mareykanka."

Markii si isdaba joog ah wax looga weydiiyey wareysi uu la yeeshay CNN in Mareykanku uusan meesha ka saari doonin isticmaalka xoogga si uu u qabsado, Miller ayaa ku jawaabay: "Qofna kalama dagaalami doono Mareykanka mustaqbalka Greenland."

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Isniintii u sheegay sharci-dejiyeyaasha kulan qarsoodi ahaa oo ka dhacay Capitol Hill in maamulka Trump aanu qorsheyneynin inuu weeraro Greenland, balse uu doonayay inuu jasiiradda ka iibsado Denmark, sida uu warbixiyay Wall Street Journal.

Sarkaal Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in khiyaarada Mareykanka ay ku jiraan iibsashada tooska ah ee Greenland ama samaynta Heshiis Iskaashi oo Xor ah oo lala yeesho jasiiradda.

Horey, Greenland iyo Denmark ayaa sheegay inay codsadeen in ay si degdeg ah ula kulmaan Rubio si looga wada hadlo sheegashooyinka Mareykanka ee jasiiradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark, Lars Løkke Rasmussen, ayaa sheegay in la hadalka diblomaasiga ugu sareeya Mareykanka uu xallin doono "qaar ka mid ah faham-darrooyinka."

Senator Eric Schmitt, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kana soo jeeda Missouri, ayaa Talaadadii BBC-da u sheegay in loo baahan yahay Greenland isaga oo xoogga saaray arrimaha ammaanka qaranka.

Waxaa sii kordhaya daneynta ay daneynayaan Ruushka iyo Shiinaha ee jasiiradda, taasoo leh kayd aan hore loo taaban oo macdanta dhifka ah, ayna tahay wadooyin ganacsi oo cusub.