6 arimood oo ku saabsan jasiiradda Maraykank ee K/waqooyi ay u hanjabtay

Calanka Maraykanka iyo kan jasiirada Guam

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Calanka Maraykanka iyo kan jasiirada Guam

Wax badan ma adan maqal iyada oo lagu celcelinayo magaca Guam, oo ah jasiirada ugu balaaran ee ku taalla badda Pacific oo sidoo kale ah dhulka Marykanka.

Waxaa magaca jasiiradani ay ku jirtay mudooyiinkii ugu danbeeyay wararka caalamka sababto ah Kuuriyada waqooyi ayaa ku hanjabatay in ay weerar ku qaadi doonto saldhig ku yaalla halkaasi xili uu socdo muranka kala dhaxeeya Maraykanka.

Arrintan ayaa ka danbaysay ka dib markii Donald Trump uu digniin adag u jeediyay Kuuriyada wuqooyi.

Iyada oo ay diirada saaran tahay jasiiradan Guam ee Kuuriya waqooyi ay ku hanjabeen in ay weerarayaan ayaa waxa aysan dadka wax badan ka ogayn jasiirdan .

Hadaba aqriso 6 arrimood oo oo ku saabsan Jasiiradan Guam.

Waa meesha ugu fog ee dadka Maraykanka ay aadi karaan iyaga oo aan ka bixin gudaha Maraykanka.

Tumon Bay waa goob caan ah oo loo dalxiis tago

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tumon Bay waa goob caan ah oo loo dalxiis tago

Inkastoo ay tahay qayb ka mid ah Maraykanka ,waxa ay jasiirada dhulka u jirtaa 8,000 oo meyl ,waxaana marka ay diyarada ka duusho New York ay u socotaa 19 sacadood.

Farsamo ahaan dhamaan dadka Maraykanka ayaa u safri kara Jasiirada iyaga oo aan wax Baasaboor ah wadan.

Qof waliba oo ku dhashay Guam waa qof Maraykan ah balse uma codayn karo madaxwaynaha .

Xaflad ka dhacaysa wadooyiinka Tumon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xaflad ka dhacaysa wadooyiinka Tumon

Tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka ,dadka ku nool jasiirada Guam waxa ay haystaan dhalashada Maraykanka balse hadana uma codayn karaan madaxwaynaha iyo golaha congreska.

Waxa ay leeyihiin hal qof oo u matala dowlada ,balse qofkaasi rag iyo haween kuu doono ha ahaadee wax go'aan ah kuma laha dajinta Shuruucda dalkaasi.

Guam waa saldhig militari oo muhim ah

Diyaarad dagaal oo ak kacaysa saldhiga Maraykanka ee Guam

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaarad dagaal oo ak kacaysa saldhiga Maraykanka ee Guam

Afar meel marka loo qaybiyo jasiirada meel waxaa iska leh militariga Maraykanka waxaana loo isticmaalaa saldhigyo ay iska leeyihiin ciidamad badda iyo kuwa cirka.

Waxaa sidoo kale lagu qiyaasaa in boqolkiiba 10 ka mid ah shacabka Guam' ee dhan 160,000 oo qof ay yihiin ciidamada.

Muwaadiniinta Guam waxaa loo yaqaanaa Chamorro

Guam waa goob dalxiiska ku wanaagsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Guam waa goob dalxiiska ku wanaagsan

Chamorro waa magac guud oo ay iska leeyihiin dadka ku nool Guam iyo jasiiradaha kale ee Micronesia ee badda Pacific.

Dadkani ayaa dhaqan ahaan waxa ay haystaan dhaqanka Spanishka madaama ay Spain maamulaysay jasiiradahan in ka badan 300 oo sano ilaa laga soo gaarayay 1898.

Waa goob aan wax canshuur ah laga qaadin.

Tumon waa dagmada ugu dalxiiska badan jasiirada Guam

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tumon waa dagmada ugu dalxiiska badan jasiirada Guam

Dalxiisayaasha ka imaanaya Taiwan,Kuuriyada koonfureed iyo Japan ayaa waxa ay ku qaadataa 4 saacadood in ay soo gaaraan jasiirada xiliyada fasaxa ee ay qoraxda jirto,waxa ay sidoo kale ka soo iibsadaan badeecooyiinka aan canshuurta laga qaadin ee halkaasi lagu iibiyo.

Dhammaan xarumaha waawayn ee laga tukaansado ayaa furan 24 saac.

Ricardo Blas Jr. ayaa laga yaabaa in uu yahay ninka ugu caansan jasiirada Guam.

Blas Jr. oo ak qaybgalaya tartankii olambikada ee 2012

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Blas Jr. oo ka qaybgalaya tartankii olambikada ee 2012

Waa 30 jir u tartamay ciyaaraha lagdinta u qaab eg ee loo yaqaano (Juda)sanadihii 2008 iyo 2012 ciyaarihin Olambikada ayuu ka qayb galay waxa uuna siday calanka Guam balse labada mar ba wuu ku guuldaraystay inkastuu ahaa ninka ugu miizaanka culus oo miisaankiisu dhanaa 214 kiilo garam.