9 Siyaabood oo kaa caawinaya inaad firfircooni dareento 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bilowga sanadka cusub waxa uu noqon karaa, waqtiga ku haboon ee la sameeyo caadooyin cusub, lagana takhaluso culeesyadii, walwalkii iyo waxybaahihii ku ragaadiyey 12-ki bilood ee sanadkii tagay, isla markaana qofka uu ku eego nolosho niyad wanaagsan.
Sida ay dad badani sameeyaan, waa ay sahlan tahay inaad naftaad u ballanqaado inay beddeli doonto waxyaabihii ay sameeyn jirtay ama in ay u fakarto si ka duwan sidii aad u fakari jirtay.
Nasiib wanaag, cilmi-baarisyo badan ayaa soo bandhigay siyaabo kala duwan oo kaa caawin kara hagaajinta niyaddaada. Adiga ka faa'iideesanaya caaboonaantaada iyo Telefoonkaga.
Halkani waxaa kusoo koobaynaa sagaal talo oo ay kooxda BBC Future daahfureen intii ay ku jireen hawlahooda warbaahineed.
Jooji Raadinta dhammeystiraan
In qofka uu jeclaado dhammeystirnaan waa arrin wanaagsan. Balse sida lagu maahmaaho 'dhammeytirku waa cadowga wanaagga'. Sidoo kale, qofka inta uu raadinayo dhammeystirnaan waxaa halis geli kara cafimaadkiisa.
Cilmi-baarisyo la sameeyey ayaa sheegaya in maskaxda ku dhisan raadinta in wax kasta ay dhammeystirto ay marwalba la kulanto niyad-jab iyo welwel, iyo sidoo kale inuu qofka noqdo mid ka baqa bulshada, daal joogta ah dareema, cunto cunis badan, hurdo-la'aan, xitaa dadka qaar waxa ay halis u galaan in ay isdilaan, sida lagu sheegay xogaha la baaray.
Ma jiraan wax dhammeystirma, dedaalka uu u qofka u gali karo inuu dhammeestiro waxa ay ku keeni kartaa inuu fashilmo, ceebeyn badan kala kulmo dadka uu la noolyahay, taas oo ugu dambeyn ka dhigeysa mid nolosha naca.
Haddaba, sidee ayuu qofku uga bixi karaa maskaxdan nafta burburisa?
Sida ay sheegaan khubaradu, mid ka mid ah waxyaabaha ugu xoogga badan ee lagaga hortagi karo welwelka iyo niyad-jabka waa "naxariista naftaada". Si kale haddii loo dhigo, isku day inaad naftaada u naxariisato. Haddii aad qalad samayso, ama wax kuu dhammeystirmi waayaan, ha ku degdegin inaad si adag naftaada u cambaarayso.
Haddii aad carruur leedahayna, isku day inaad abuurto jawi qoys oo aan kaliya aqbalin kaamil-la'aanta, balse sidoo kale u dabbaaldega.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sameyso Saaxiibo wanaagsan
Saaxiibadu waxa ay muhiim yihiin caafimaadkeena, waxa ay saameyn ku leeyihiin qeyb kasta oo jirkeena kamid ah; laga soo bilaabo kobcinta nidaamka difaaca jirkeena, si loo maareeyo khatarta xanuunada ku dhaca wadnaha.
Balse mararka qaarka, waa inaad ka feejignaataa cidda aad saaxiib la noqoneyso iyo kuwa kugu hareereesan. Saaxiibada qaar waxa ay leeyihiin dabeecado si degdeg ah isku beddela, taas oo waxyeello weyn u geysato bad-qabka maskaxkeed ee qofka, marka eego kuwo markasta xun ama uu ka buuxo neceybka.
Sidaa darteed, waxaa jirta hal tallaabo oo aad qaadi karto, waana inaad kordhiso ka sheekeysiga waxyaabaha wanaagsan, sidoo kale isku day inaad weydiiso faahfaahin dheeraad ah oo noloshooda ku saabsan, waa inaad ka doodaan muhiimadda ay kuu leeeyihiin ama aad u leedahay.
Ku dadaal inaad ku mashquusho dhex-galka bulshada
Markasta lagama weynado inaad bilowdo hiwaayad cusub, ama wax cusub oo aad jeceshahay, oo aad ku raaxeysato.
Wariye ka tirsan BBC Future Molly Garmin, ayaa sanadkii hore bilowday iskuul ay ku baraneyso farshaxanka (sawiradda sawir gacmeedyada) markeedii ugu horreesay ayey ahayd, waxaa lagu tijaabinayey bilaabidda xirfad/hiwaayad cusub in ay kusoo kordhin karto Molly isdhegal bulsho. " bilowgii hore aad ayaan u baqayey, balse waxaan ogaaday in xirfadeeda farshaxanka aysan micno lahayn".
Saacadaha ay socoto xiisadda wax sawirista maskayadu waxa ay ahayd mid degan oo diiradda saareysa wax la sawirayo, taas oo hormarisay dareenka iyo caafimaadka qofka. Waxaa kale oo ay soo kordhisay in xiriir isla yeeshaan bulsho kala duwan.
Maaree Xanaaqaaga
Ma jiraan wax u burburin kara sida uu xanaaqa wax u burburiyo.
Marka walwalku gaaro heerkiisa ugu sarreeya, erayo ama falal uusan qofka ku talo galin ayaa ka dhici kara, kuwaas oo uusan raali ka ahayn. Laakiin haddii aad taqaanno sida loo dejiyo shucuurtaada waxaad qaadan kartaa dhanka wanaagga, waadna xakameyn kartaa dareenkaaga taban, cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in tamartaas la xakameyn karo lana weecin karo, laguna jihayn karo dhanka togan.
Mana inaad is caburiso, hahowna aad ka qaado isku buuq iyo isla hadal. balse waa inaad waa inaad naftaada u jiheyso dhanka aad u dareemeyso daganaanta.
Si aad u maareyso xanaaqaaga waa inaad ku dedaasho inaadan jawaabin adiga ka fakrin, waa inaad dulqaad muujisaa, waa inaad sameesataa xirfado kuu gaar ah kuwaas oo marka kasta kugu hagi kara sida wanaagsan.
Xisaabi/Xus Nimcooyinka aad haysato
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tani waa fikrad qadiim ah, balse waxa caawimo wanaagsanoo la cadeeyey. waa inaad maalin kasta waqti qaadataa oo aad ku xusto ama aad ku xasuusato nimcooyinka aad haysto. Islaam ahaan diinteenna suubanna waa ay na fareysaa sidaa.
Khubrada qaar waxa ay yiraahdaan waa inaad qortaa ilaa sadex shey oo aad haysato kuwaas oo raadeeya caafimaadkaga iyo noloshaada.
Dad lagu sameeyey daraasada, kuwaas oo muddo bil ah waday qorista sadex shey maalin kasta, waxa ay muujiyeen maalinba maalinta ka dambeysa ay farxad sii kordheysa iyo inuu hoos uga dhacayo heerka isku-buuqa.
Tijaabooyin ayaa sidoo kale muujiyay in tani ay faa'iido u yeelan karto dad ka kala yimid dhammaan heerarka nolosha laga bilaabo dhallinyaro ku nool xaafadaha saboolka ah ee Kenya ilaa haween waayeel ah oo ku nool Switzerland.
Nimcooyinka aad qoreyso waxa ay noqon karaan wax kasta, xitaa haddii uu u muuqdo mid yar ama aan qiimo lahayn. Qodobka ugu muhiimsan waa inaad ka fiirsato sababaha kaa dhigay inaad waxyaabahaas dareen wanaagsan ka qaaddo.
Ka dhig Moobilkaaga mid aad ka Faa'iideysato
Wriyaha baaritaannada ee BBC News, Amanda Ruggeri, ayaa sheegtay in dhowr jeer sannadkii ay dhididdo cabsi darteed, iyada oo ka welwelaysa sida taleefankeeda u burburinayo maskaxdeeda.
Waxay tiri: "Barnaamijkax xisaabiya waqtiga shaashadda wuxuu muujinayaa inaan taleefankayga qaato ku dhowaad 105 jeer maalintii tiro loo arko mid aad u wanaagsan marka loo eego celceliska Maraykanka, oo ah 186 jeer maalintii."
Cilmi-baaris ayaa tilmaamaysa in caadooyinkan oo kale ay saamayn ku yeelan karaan xusuusta, feejignaanta, hurdada, caafimaadka maskaxda, iyo arrimo kale oo badan.
Si kastaba ha ahaatee, ku xirnaanta xooggan ee aan ku xiranahay taleefannadeenna waxay yeelan kartaa faa'iidooyin sidoo kale. Tusaale ahaan, hal daraasad ayaa muujisay in isticmaalka shaashadda si qoraallo loo qoro ay hagaajiso waxqabadka marka la qabanayo hawlo xusuuseed oo adag, isla markaana ay tilmaantay in barnaamijyada qoraal-qaadista ee taleefanka yaalla, xitaa haddii aan si joogto ah loo adeegsan, ay yareyn karaan culayska qaar ka mid ah xusuusta qofka.
Sidoo kale ma adka in la yareeyo qaar ka mid ah saamaynta taban ee taleefanka. Xitaa maqalka dhawaaqa ogeysiinta ayaa wiiqi kara waxqabadkaaga si fudud, in lasoo waco telefoonkaaga.
Haddii arrintaasi ku dhibayso, waxaad ka faa'iidaysan kartaa astaanta taleefankaaga kuu oggolaanaysa in ogeysiinta laguugu soo diro xirmooyin isku mar ah, halkii ay mid mid ku iman lahaayeen. Labada iPhone iyo aaladaha Android labaduba way bixiyaan adeeggan. Haddiise aad si dhab ah u rabto inaad madaxaaga ka qaaddo shaashadda, waxaad dareemi kartaa faa'iidooyinka ka dhasha inaad taleefankaaga ku reebto qol kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Abuuro Jawi nabadeed xilliyada Cimilada Isbeddesho
Waa wax caadi ah in dadka qaarkiis ay la kulmaan isbedbedelka niyadda marka ay cimilada isbeddesho, sida Gu'ga, ama Jiilaalka.
Cilmi baaris ayaa muujisay in dad badan ay noqon karaan, kuwo dareemo murugo iyo caajis ah inta lagu jiro bilaha jiilaalka, maadaama saacadaha maalintii ay ka yaryihiin kuwa haweenka. waddamada qaarna waxa ay ku jiraan qabow daran iyo waqti dheer oo habeen ah, taasina waxa ay saamey ku yeelan kartaa qab dhaqanka qofka iyo wax soo saarka maskaxdiisa.
waxaad u baahan tahay inaad jawi abuurato si waqtigaaga iyo maskaxdaad u noqon kuwo fadhiid ah, waana in aysan ku saameyn isbed-beddelka dhacaya sanadka gudahiisa, sababta oo ah sanadka waxaa ku jira afar xilli, kuwaas oo mid kasta uu sito cimilo u gaar ah, haba ugu darnaadee waqtiga qaboobaha.
Maaweeli Naftaada si aad niyadaada u haagiso
Weligaa ma dareentay farxadda buuxda ee aan la xakamayn ee heesaha marka qofna aanu ku dhegaysanayn? Mise taasi waxay kordhisay dareenka xidhiidhka dadka kale markaad u heesayso qayb koox ah?
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in heestu ay tahay "wax uu jirka dareemayo shucuur ahaan iyo bulsho ahaa" - taasoo la macno ah in faa'iidooyinka dhaqankan hore ee bini'aadamka ay yihiin kuwo dhinacyo badan faa'ido u leh.
Heestu waxay caawisaa ayey yiraahdeen in ay ka shaqeysiiso dareemo badan oo neerfaha ah, labada dhinac ee maskaxda ah, oo ay ku jiraan qaybaha ka shaqeeya luqadda, dhaqdhaqaaqa, iyo dareenka.
Qaado waqti Nasiino ah (Indho gaduudsi ah)
In maalintii waqti kooban la seexdo oo la indho gaduudsado waa dhaqan ay wadamo oo caalamka ah sameeyaan, tusaale ahaan dalka Spain iyo Jabaan.
Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in hurdo-xumada joogtada ahi ay gacan ka geysan karto ilaalinta maskaxda, taasoo suurtogal ah inay dib u dhigto gabowga saddex ilaa lix sano.
Joogteynta qaadka maskaxdaada ilaa iyo inta suurtogalka ah waa muhiim, maadaama qaadka maskaxda oo sii yaraanaya lala xiriiriyay cudurro ay ka mid yihiin Alzheimers iyo waallida xididdada dhiigga.
In maalintii la helo hurdo yar inta u dhaxaysa 5 iyo 15 daqiiqo, waxay isla markiiba hagaajin kartaa shaqada maskaxdeena, iyada oo saamaynta kicintani ay soconayso ilaa saddex saacadood ka dib marka hurdada laga soo kaco.
Laakiin sidee ku hubinkartaa in huradaas aad maalintii seexato ay kaaga tagi doonto inaad dareento tamar kaa qaadeysa daalak?
Jawaabtu waxay ku jirtaa muddada iyo waqtiga aad seexaneyso. Isku day inaad seexato wax ka yar 20 daqiiqo. Haddii aad wakhtigan dhaafto, waxaad seexan doobtaa waqti dheer, waxayna u badan tahay inaad kacdo adiga oo caajisay .
Waqtiga ugu fiican ee la seexdo (la indho gaduudsado) waa inta u dhaxaysa 2 iyo 4 galabnimo, sababtoo ah wakhtigan waxaa jira hoos u dhac ku yimaada jirka noolaha waxa uuna bilaabaa inuu hoos u dhaco tamartii uu heestay.
Galinka hore maalintii qofka waxa uu heestaa firfircooni dheeraad ah, maadaama uu markaas hurdo kasoo kacay qofka. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad ku daahdo hurdada maalintii, waxay keeni kartaa carqalad hurdadaada habeenkii.













