Maxaa lagu haystaa xaaska madaxweynaha Venezuela

Cilia Flores iyo Maduro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Subaxnimadii Sabtida, saddexdii bisha Janaayo 2026, waxaa madaxtooyada dalka Venezuela ku waabariisatay weerar ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Mareynkanka.

Weerarkan oo socday wax ka yar laba saacadood ayaa waxaa lagu qabtay madaxweynaha dalkaas Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, kuwaas oo kadib iyaga ii maxaabiis ah loo kaxeeyey magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa Maduro ku eedeesay ka ganacsiga daroogada iyo hubka sharci darrada ah, uuna soo galiyo dalka Maraykanka. Laba maalin kadib, maalinimadii Isniinta ayey ka soo hormuuqdeyn maxkamadd ku taalla New York halkaas oo lagu dhaggeestay fadhigii kowaad ee dacwadooda.

Nicolás Maduro waa eedeesanaha koowaad ee kiiskaan Trump horboodaya, waana madaxweynihii dalkiisa laga soo dhex qafaashay.

Waa tuma Cilia Flores? Maxaase lagu haystaa xaaska?

Cilia Flores, waa xaaska Nicolas Maduro iyo marwada koowaad ee dalka Venezuela, waa 69 jir muddo dheer ayaa loo arkayay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan Venezuela. Waa siyaasi si madax-bannaan u hawlgala, isla markaana tobannaan sano saamayn weyn ku leh go'aannada lagu maamulayo dalka iyo jihada uu u socdo.

Kadib sannado ay hoggaaminaysay Golaha Qaranka ee Venezuela, waxay door weyn ka qaadatay xoojinta awoodda ninkeeda kadib guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee 2013.

Waxa ay isku ekeesiin jirtay qof ka madax bannaan siyaasadda iyo arrimaha talada dalka, balse waxaa la rumeysan yahay inay ahayd mid ka mid ah la-taliyeyaasha ugu muhiimsan ee Maduro, isla markaana kaalin weyn ka qaadatay sii jiritaanka siyaasaddiisa.

Waxa ay u ahayd dhabarka uu tiigsado markasta iyo xaalad kasta, iyada oo soo bandhigtay inuu maamulka Maduro yahay mid bulshada matala, taas oo ka duwan sida ay ku tilmaamaan dadka dhaliila xukunkiisa oo ay ku sheegeen 'xukun arxan-darro ah'.

Xilligii ay ahayd Flores madaxweynaha golaha qaranka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Eedeemaha loo soo jeediyey ka hor xariggaan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cilia Flores ayaa kasoo jeedda qoys badankood ku eedeesan ka ganacsiga daroogada, iyada oo inta badan isku dayda in ay difaacdo, kana bad baadiso laamaha sharciga.

Flores waxaa dhawr jeer oo kala duwan lagu soo eedeeyey musuqmaasuq iyo eex qaraabanimo, sannadihii u dambeeyayna xubno ka tirsan qoyskeeda ayaa maxkamadaha Maraykanka lagu helay dambiyo la xiriira tahriibinta daroogada (nooca kookaynta).

Sanaddii 2012-kii ayey ahayd markii ururada shaqaalaha dalka Venezuela ayaa Flores ku eedeeyey in ay musuqmaasuqday awoodda shaqaaleysiinta dalkaas, iyada oo ay ka qeyb-qaadatay in ay shaqaaleysiiso tiro dad ah oo ay qaraabo yihiin.

Dhanka kale, bishii Nofeembar 2015, waxay ku lug yeelatay kiiska loo yaqaan "Ilma-adeerrada daroogada", markii laba wiil oo ay ilmo adeerro yihiin Francisco Flores de Freitas iyo Efrain Antonio Campo Flores lagu qabtay Haiti howlgal qarsoodi ah oo ay fulisay Hay'adda La-Dagaallanka Daroogada Maraykanka (DEA), waxaana lagu qabtay iyagoo isku dayaya inay 800 kiiloogaraam oo kookayn ah u gudbiyaan Maraykanka.

Flores waxa ay dowladda Maraykanka ku eedeysay inay "afduubteen" adeerradeed, balse waxaa lagu helay kiiskii lagu soo eedeeyey, garsoore ayaan ku xukumay labadoodaba 18 sano oo xabsi ah dambiyo la xiriira tahriibinta daroogada. Sannadkii 2022 ayaa dib loogu celiyay Venezuela, kaddib is-dhaafsi maxaabiis ah oo ay sameeyeen labada dal, kaas oo dhacay xilligii madaxweynaha Biden.

Si kastaba ha ahaatee, bishii hore, maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay labada ay ila adeerrada yihiin Flores, iyo mid saddexaad oo la yiraahdo Carlos Erik Malpica Flores.

Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in Madruo iyo saaxiibadiis ay sumanayeen dadka Maraykanka: "Nicolás Maduro iyo saaxiibbadiisa dembiilayaasha ah ee Venezuela waxay Maraykanka ku gurayaan daroogo sumaynaysa shacabka Maraykanka."

"Wasaaradda Maaliyaddu waxay maamulkaas iyo kooxdiisa saaxiibbada ah iyo shirkadahooda kula xisaabtamaysaa dambiyada ay sida joogtada ah u galayaan," ayuu raaciyay.

Eedeyntii ugu dambeesay ee loo jeediyey waxa ahayd, in Flores sanadkii 2007-dii ay qaadatay boqolaal kun oo doollar oo laaluush ah, si ay usoo qaban-qaabiso kulan dhex mara ganacsade weyn oo ka ganacsada daroogada iyo agaasimaha Xafiiska Qaranka La-Dagaallanka Daroogada ee Venezuela.

"Dadka dhaleeceeya waxay u arkaan inay qayb ka tahay 'dowlad sameeysa musuqmaasuq baahsan, ku xadgudubta xuquuqda aadanaha, isla markaana ah mid maamul arxan-darran," ayuu yiri Christopher Sabatini, oo ah khabiir sare kana tirsan barnaamijka Latin America ee Chatham House.

"Waxay ahayd awood ka dambeysa aqalka madaxtooyada Venezuela," ayuu ku daray. "Laakiin si kasto oo awoodeeda u shaqeyso, si cad looma arki jirin, sidaas darteedna cidina si dhab ah uma taqaanno inta ay le'eg tahay awooddeedu."

Xiriirka qoys ee Maduro iyo Flores

Ci;ia Flores iyo Ninkeeda

Xigashada Sawirka, Reuters

Flores waxay Maduro la kulantay horraantii 1990-meeyadii, xilli ay ahayd garyaqaan da'yar oo soo baxaya, kana qayb qaadanaysay difaaca dadkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee 1992-kii ka dhacay Venezuela. Dadka ay qareenka uu ahayd waqtigaas waxaa ugu muhiimsanaa Hugo Chávez, ninkii markii dambe noqday madaxweynaha dalka. Intii ay arrimahaasi socdeen ayay la kulantay Maduro, oo xilligaas u shaqaynayay Chávez, isaga oo uu ahaa ilaaladiisa.

"Waxaan Cilia ku bartay nolosha," ayuu Maduro yiri mar laweydiiyey. "Waxay ahayd garyaqaanka dhowr sarkaal ciidan oo waddaniyiin ah oo xabsiga ku jiray. Laakiin sidoo kale waxay ahayd garyaqaanka Taliyaha Chávez, waana arrin adag in aad noqoto garyaqaanka Taliyaha Chávez marka uu xabsi ku jiro."

"Waxaan is baranay sannadahaas halganka aan ku jirnay", ayui yiri Maduro, isaga oo Flores u bixiyey "Dagaalyahanka Koowaad".

Waligoodba waxa ay ahaayeen laba qof oo isla fahmay dharaan-dhirinta siyaasadda, kadib markii Chávez geeriyooday 2013, Flores waxay si buuxda u taageertay Maduro, oo si ciriiri ah ugu guuleystay doorashadii madaxtinimada ee xigtay.

Bilo kadib ayay is guursadeen, iyagoo si rasmi ah u xaqiijiyay xiriir sannado badan soo jiray.

"Waxay noqotay tiir muhiim u ah xukunka Maduro," ayuu yiri José Enrique Arrioja, oo ah weriye Venezuelan ah kana ah tifaftiraha guud ee Americas Quarterly.

"Kaliya ma ahayn qof uu dareen ahaan ugu kalsoon yahay Maduro, balse sidoo kale xirfad ahaan waa uu ku kalsoon yahay. Waxayna ahayd qof aad u dhaq-dhaqaajisa awoodda."

Hadda waxay wajihayesaa si lamid ah ninkeeda dacwado la xiriira dhoofinta daroogada iyo hubka, maxkamad ku taalla New York. Maduro muddo dheer ayuu diidanaa dhammaan eedeymaha, kuna tilmaami jiray marmarsiiyo lagu doonayo in awoodda looga tuuro.