Daawo Sawirrada Maduro markii loo soo wareejiyey maxkamadda

Maduro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhegeysiga koowaad iyo sharaxaadda eedeymaha ka dhanka ah Nicolas Maduro iyo xaaskiisa ayaa shalay ka maxkamad ku taalla New York.

Mr. Maduro ayaa soo galay dhismaha maxkamada degmada koonfurta New York isagoo gashan dharka xabsiga katiinadana ay lugaha kaga xiran yahay. Xaaskiisa, Cilia Flores, ayaa iyaduna ku gashanayd dharka xabsiga.

Saacado ka hor, Nicolas Maduro iyo xaaskiisa ayaa laga soo wareejiyay xarun lagu hayo oo ku taal Brooklyn, waxaana loo gudbiyay maxkamad ku taal Manhattan, New York, si loogu soo oogo dacwado la xiriira daroogo iyo hub.

Nicolás Maduro ayaa diiday dhammaan eedeymaha, wuxuuna xaakimku muddeeyay dhageysiga maxkamadda xiga 17-ka Maarso.

Waxaa lagu soo oogay afar eedeymo oo ay ku jiraan argagixiso, ka ganacsiga daroogada iyo haysashada hub iyo walxaha qarxa.

Qareenka Mr. Maduro ayaa sheegay in qofka uu u doodayo uusan hadda dalbanayn dammaanad, inkastoo laga yaabo in uu dammaanad qaado waqti dambe, sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka. Mr. Maduro ayaa sidoo kale la sheegay inuu garsoore jooga New York u sheegay inuu weli yahay hogaamiyaha Venezuela.

Xaaska Nicolas Maduro, Cilia Flores, ayaa sidoo kale beenisay dhammaan eedeymaha loo haysto.

Kadib dhowr bilood oo ay sare u sii kacday xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Caracas, ayaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka waxay Sabtidii 3-Jan-2026, hawlgal aan horay loo arag oo ay ku qaadeen caasimadda Venezuela, waxayna ku soo xireen madaxweynaha dalkaas oo joogay gurigiisa, ka dibna waxaa loo soo gudbiyay New York.

Maduro

Xigashada Sawirka, Reuters

Maduro

Xigashada Sawirka, shutterstock

Maduro

Xigashada Sawirka, Reuters

gaariga siday Maduro

Xigashada Sawirka, Reuters

Maduro

Xigashada Sawirka, Reuters

Maduro

Xigashada Sawirka, Jane Rosenberg/Reuters

Maduro

Xigashada Sawirka, Jane Rosenberg/Reuters