Maxaa Maduro indhaha iyo dhegaha looga xiray markii la qabtay

Xigashada Sawirka, Truth Social/BBC
Caalamka oo dhan ayey akhbaartiisa ku gaartay daqiiqado gudahood.
Sawirkii ugu horreeyay ee Nicolás Maduro ka dib markii lagu xiray hawlgal milatari oo Mareykan ah Sabtidii maanta wuxuu ahaan doonaa mid ku raaga xusuusta dad badan.
Macluumaadka sawirka ayaa la sii daayay saacado uun ka dib markii ciidamada Mareykanka ee aadka u tababaran ay xireen ninkii hogaamiyaha u ahaa Venezuela tan iyo 2013, howlgal uu amray Donald Trump laftiisa.
Trump qudhiisa ayaa dadka kula wadaagay sawirka Maduro shabakadda bulshada ee Truth social, xilli madaxweyne ku xigeenkii xilligaas ee Venezuela, Delcy Rodríguez, ay weydiisatay caddaynta noloshiisa ka dib markii la qabtay madaxweynaha iyo xaaskiisa.
Halkaas labadooduba waxay ku wajihi doonaan caddaaladda Maraykanka oo lagu eedaynayo inay maleegayeen fal argagixiso, shirqool lagu soo geliyey Maraykanka, iyo dembiyo kale oo la xiriira hubka.
BBC Mundo ayaa kala tashatay khubaro dhanka difaaca iyo hawlgalada milatari ah arrinta ku saabsan waxa laga soo saari karo sawirkii ugu horeeyay ee Maduro lagu arkay isaga oo gashan dharka ciyaaraha, gacmihiisana sida muuqata katiinadaysan yihiin oo dareenkiisa, sida aragga iyo maqalkaba xiran yihiin.
Ilaa hadda waxaa la og yahay in Maduro iyo xaaskiisa, Cilia Flores, laga soo qabtay subaxnimadii hore Fort Tiuna oo ku taal koonfur-galbeed ee Caracas, ka dibna lagu wareejiyay diyaarad helicopter ah oo geysay markabka dagaalka Iwo Jima si loo sii maro Cuba- looguna qaado New York.
Farsamooyinka caadiga ah

Xigashada Sawirka, Truth Social/Trump
Sida laga soo xigtay Mark Cancian oo ah Kornayl hawlgab ah oo ka tirsan Ciidanka Marines-ka Maraykanka iyo la-taliyaha sare ee Waaxda Difaaca iyo Amniga ee Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah (CSIS) ayaa yiri "dowladda waxay ula dhaqantay xiritaankan sidii arrin sharci-fulin ah, ma ahan hawlgal milatari, waxayna ula dhaqantay Maduro sidii maxbuus".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Taasi marka hore waxaa lagu arkaa hadal-haynta iyo sidoo kale sidiiloola dhaqmay: waa la qabtay, waxaa loo wareejinayey xarumaha dadka lagu hayo, waxaana la mariyey dhammaan hababka loo maro maxbuus kasta oo dambi lagu soo eedeeyo," ayuu raaciyay.
Sida laga soo xigtay khubarada, macnaha guud waa dhaqan caadi ah - gaar ahaan Maraykanka - in la xannibo dareenka qofka sida aragga iyo maqalka ee hawlgallada noocaan ah.
"Kuwani waa farsamooyin caadi ah marka militarigu qof soo xiro, kuwaas oo loo adeegsado labadaba si loo aamusiyo ama loo go'doomiyo maxbuuska loogana ilaaliyo inay la xiriiraan dadka kale, iyo in la ilaaliyo amniga howlgalka iyada oo laga hortagayo maxbuuska inuu barto hababka, shaqaalaha, goobaha, iyo kartida loo isticmaalo inta lagu jiro hawlgalka," ayuu yiri John Spencer, oo ah khabiir ku takhasusay dagaallada magaalooyinka.
Matthew Savill, oo ah agaasimaha culuunta Militariga ee Machadka Royal United Services Institute (RUSI), oo ah kan adduunka ugu da'da weyn, isla markaana ah xarunta ugu weyn UK ee daraasaadka Difaaca iyo Amniga, ayaa ku raacay in xeerarkani ay ku saleysan yihiin sababo farsamo.
"Waxay u badan tahay, waxaa loo sameeyay si uu uga dhigo mid aad dahqdhaqaaqiisa aad loo xadiday oo ay yar tahay fursad uu ku baxsan, iyo sidoo kale in lagu adkeeyo isaga inuu aqoonsado mid ka mid ah xubnaha kooxda Delta Force ee ku lug lahaa qabashadiisa," ayuu ku dooday.
Falanqeeyayaasha qaarkood ayaa tilmaamay dhegaha oo laga xiray Maduro laga yaabo inay si fudud ugu wacan tahay safarkii helikobtarka ee uu ku qaatay markii lagu wareejiyay markabka dagaalka ee Iwo Jima, halkaas oo ilaalinta noocan oo kale ah looga baahan yahay borotokoolka.
Qayb kale oo sawirka ka mid ah waa dhalada biyaha ee Maduro uu gacmihiisa ku hayo.
"Waxaan u arkaa inay tahay cabirka caafimaadka iyo badbaadada caadiga ah ee maxaabiista; waxay u baahan yihiin biyo. Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay cabbir caadi ah" Cancian ayaa ku adkaysanaya.
Jaakada badbaadada
Sawirku wuxuu sidoo kale muujinayaa Nicolás Maduro oo shay qoorta ugu jiro.
Sida laga soo xigtay khubarada ay la tashatay BBC Mundo, waxaa sawirka ka muuqda jaakadda badbaadada ee la buufin karo, sida kuwa sida caadiga ah ee loo isticmaalo diyaaradaha iyo ciidamada badda si waafaqsan badbaadada haddii ay dhacdo in rakaabku ku dhaco biyaha.
Jaakada badbaadad waxay u muuqataa inay leedahay nidaamka ah in lagu buufiyo gacanta iyo mid leh dhalooyinka CO2, kuwaas oo u muuqda inay yihiin kubbado madow oo yaryar oo ku wareegsan jaakadda.
Intaa waxaa dheer, falanqeeyayaasha qaarkood waxay tilmaamayaan calaamadaha oranjaha iyo madowga ah ee lagu arki karo meel gacmihiisa ka dambaysa.
Kuwaasi waxay noqon karaan nalal kiimiko ah oo iftiima mugdiga, waxaana badanaa lagu dhejiyaa rakaabka marka uu jiro dhaqdhaqaaq habeenkii ah ee sagxada duulimaadka si ay u sahlanaato in la aqoonsado.
Diyaar miyuusan ahayn?
Sawirka Maduro wuxuu sidoo kale muujinayaa macnaha guud ee xarigiisa.
Sida ay gacmihiisu yihiin waxay muujinaysaa in sida muuqata uu jeebeysan yahay, dharka isboorti ee uu gashan yahay tilmaamaya in laga yaabo in hawlgalku u ku noqdy qaflad uusan u diyaarsanayn saacadihii dambe ee habeenkii.
Tani waxay ku soo beegantay macluumaadkii madaxweyne Donald Trump kaasoo xaqiijiyay in labadaba Maduro iyo xaaskiisa la qabtay iyagoo isku dayaya inay isku xiraan qol ammaan ah oo ku yaal Fort Tiuna.
"Albaabkii ayuu soo gaaray, wuu xiri waayay, si deg deg ah ayaa loo qabtay oo xitaa ma uusan gelin qolkaas," ayuu raaciyay.













