Hoggaamiyeyaashii Maraykanku qabashadooda si toos ah ama si dadban ugu lahaa

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Taariikhda siyaasadeed ee Maraykanku waxa ay ka buuxa dhacdooyin badan oo ku saabsan faragelin iyo duullaan lagu qaadoay dalal shisheeye si loo sooqabto hoggaamiyayaal kala duwan. Hawlgalladan ayaa inta badan dhaliyay dood ballaadhan oo caalami ah, iyadoo qaar ka mid ah dalalkaas ay xaaladdasi cadho iyo cabsi isku u abuurtay, xilli dhinacyada kalena yaab ay u ahayd fargelintaasi.

Dhinaca Maraykanka, tallaabooyinka lagu soo qabto hoggaamiyayaasha shisheeye waxaa badanaa loo arkaa kuwo lagu ilaalinayo ammaanka guud, lagu cidhibtirayo dambiyada uu galay ama lagu xakameynayo rabshado sii kordha. Si kastaba ha ahaatee, hawlgalladan waxa ay sidoo kale dhalleeceyn kala kulmeen hay'adaha caalamiga ah iyo qaar ka mid ah daneeyayaasha, kuwaas oo su'aal geliyay madax-bannaanida dalalka iyo aasaasiyaadka sharci ee tallaabooyinkan.

Qabashada hoggaamiyayaasha badanaa waxa ay ka dhalataa cadaadis siyaasadeed ama dacwado sharci ah, oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, ku xadgudub xuquuqeed ama dambiyo dagaal. Taariikhdu waxay muujinaysaa in Maraykanku adeegsaday habab kala duwan, laga bilaabo hawlgallo ciidan, duqeymo cirka ah ilaa tallaabooyin sharci, si loo hubiyo in hoggaamiyayaashaas lala xisaabtamo.

Dhacdada hadda taagan ee la xidhiidha qabashada Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, waxay muujinaysaa qaabkan. Hawlgalka Maraykanku waxa uu diiradda saaray ganacsiga sharci-darrada ah, xakamaynta kheyraadka dalkaas, iyo ka saarista hoggaamiye lagu eedeeyay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Dhacdadan waxay caddeyneysaa in taariikhda qabashada hoggaamiyayaasha shisheeye ay weli sii socoto. Panama waxa ay ahayd tusaale toos ah, halka dalal iyo hoggaamiyeyaal kale, saameynta Maraykanku ay si cad u muuqatay.

Manuel Noriega – Panama

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sanadkii 1989, Maraykanku waxa uu duullaan ku qaaday Panama, isaga oo qabtay hoggaamiyihii dalkaas Manuel Noriega, oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo musuqmaasuq.

Hawlgalka milatari ee loo bixiyay "Operation Just Cause" ayaa ku lug lahaa ciidamo Maraykan ah oo galay Panama City, ka dibna Noriega loo soo qaaday Maraykanka si loogu maxkamadeeyo dambiyo ciqaabeed.

Dhacdadan waxa loo arkaa tusaalihii ugu horreeyay ee toos ah ee Maraykanku ku qabto hoggaamiye dal deris ah.

Slobodan Milošević – Serbia

Slobodan Milošević, madaxweynihii hore ee Serbia iyo Jamhuuriyaddii Yugoslavia, waxa la qabtay sanadkii 2001, waxaana loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka (ICTY) ee The Hague.

Maraykanku door weyn ayuu ku lahaa dadaallada lagu qabtay, inkasta oo uusan si toos ah u qaban, balse uu la shaqeeyay hay'adaha caalamiga ah si loo hubiyo in Milošević wajahayo eedeymo la xidhiidha dambiyo dagaal, oo ay ka mid yihiin dilal iyo ku xadgudubyo waaweyn oo xuquuqda aadanaha ah intii lagu jiray colaadaha Balkans.

Saddam Hussein – Ciraaq

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saddam Hussein wuxuu ahaa Madaxweynaha Ciraaq laga soo bilaabo 1979 ilaa la riday 2003. Waxa uu caan ku ahaa xukun kelitalisnimo, cadaadinta mucaaradka, iyo dagaallo goboleed ay ka mid yihiin dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan iyo duullaankii Kuwait.

Bishii Maarso 2003, Maraykanku wuxuu hoggaamiyay duullaanka Ciraaq, isaga oo la midoobay ciidammo Anglo-American ah, kadib markii uu ku eedeeyay Saddam inuu haysto hub wax gumaada. Inkasta oo uusan isla markiiba la qaban, haddana hawlgalka milatari ayaa si toos ah u burburiyay awooddiisii.

Saddam waxa la qabtay 13-kii Diseembar 2003, waxaana qabtay ciidamo Maraykan ah oo ay iskaashanayeen kuwa Ciraaq. Kadib maxkamad lagu saraay Ciraaq, waxaa lagu xukumay dil bishii Nofeembar 2006 dambiyo ka dhan ah bani'aadannimada, gaar ahaan dilalka loo geystay mucaaradkiisa Kurdiyiinta iyo Shiicada.

Saddam Hussein waxa uu tusaale u ahaa hoggaamiye la riday iyada oo la adeegsanayo saameyn iyo hawlgallo Maraykan ah, inkasta oo aan si toos ah loo soo qaban isaga oo xilka haya. Kiiskiisu wuxuu muujinayaa sida Maraykanku u faragelin karo dal shisheeye, uguna go'aamin karo mustaqbalka hoggaamiyeyaasha goboleed.

Muammar Gaddafi – Libya

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkasta oo hoggaamiyihii Liibiya, Muammar Gaddafi, uusan si toos ah Maraykanku u qaban, haddana duqeymihii cirka ee ay Washington taageertay sanadkii 2011 ayaa horseeday in xilka laga tuuro, ugu dambayna la qabto lana dilo.

Tani waxay muujinaysaa iskaashi u dhexeeya Maraykanka iyo saaxiibbadiisa caalamiga ah si loo rido hoggaamiyeyaal lagu eedeeyay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Omar al-Bashir – Suudaan

Madaxweynihii Suudaan, Omar al-Bashir, oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ku xukuntay dambiyo dagaal iyo xasuuq, ayaa la qabtay sanadkii 2019. Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku wuxuu door ka qaatay dhinaca siyaasadda iyo sharciga, isaga oo cadaadis caalami ah saaray si Bashir loola xisaabtamo, taas oo muujinaysa saameynta Washington inkasta oo uusan duullaan toos ah sameyn.

Waxay muujisay kaliya saameyntiisa, balse si toos ah uguma lug lahayn qabashadiisa.

Nicolás Maduro – Venezuela

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhacdada ugu dambeysa ee ku saabsan qabashada Nicolás Maduro iyo xaaskiisa, oo la sheegay in ay ka dhalatay hawlgallo milatari oo Maraykan ah, waxay ku daraysaa bog cusub taariikhdan.

Maraykanku wuxuu ku andacoonayaa inuu qabtay Maduro iyo xaaskiisa kadib hawlgal ballaadhan oo lagu beegsanayay ka ganacsiga daroogada sharci-darrada ah, xakamaynta kheyraadka shidaalka, musuqmaasuq iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Dhacdadan waxay muujinaysaa sida Maraykanku u adeegsan karo awood ciidan iyo xeelado siyaasadeed si uu u qabto hoggaamiyayaal shisheeye.

Guud ahaan, taariikhda Maraykanku waxay muujinaysaa in qabashada hoggaamiyayaasha shisheeye ay tahay qayb ka mid ah istaraatiijiyaddiisa siyaasadeed iyo milatari ee sii socota, taas oo dhalinaysa dood ku saabsan madax-bannaanida dalalka, faragelinta shisheeye, iyo doorka Washington ee arrimaha caalamka.