Trump oo u digay Iran inuu faragelin doono haddii ay dilaan dadka dibad-baxaya

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay maamulka Iran inay dilaan dibadbaxayaal nabadeed, isagoo sheegay in Washington "ay u imaan doonto badbaadintooda"
Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Bulshada, ayuu ku yiri: "Waxaan nahay kuwo diyaar ah una diyaarsan inaan dhaqaaqno," balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.
Lataliyaha sare ee hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku jawaabay isagoo sheegay in Trump uu "ka taxadaro" hadii uu soo farageliyo, isagoo ka digay qalalaase ka dhalan kara bariga dhexe.
Ugu yaraan sideed qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka Iran kadib ku dhawaad todobaad oo ay socdeen mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhashay xaalado dhaqaale oo sii xumaanaya.
Jimcihii qoraal uu Trump soo dhigay bartiisaTruth Social, wuxuu sheegay "Haddii Iran ay toogto oo ay si xun u disho dibad-baxayaasha nabdoon, taas oo ah caado ay leeyihiin, Maraykanka wuxuu u imaan doonaa badbaadintooda ."
Qoraalkiisa, madaxweynaha Mareykanka kuma uusan cadeyn tallaabada Washington ay ka qaadi karto mas'uuliyiinta Iran.
Bishii June, Mareykanka ayaa qaaday weeraro ka dhan ah xarumaha Nukliyeerka Iran, kadib amar kasoo baxay Trump.
Mas'uuliyiin Maraykan ah ayaa markii dambe ku dooday in weerarradu si weyn dib ugu dhigeen suurtagalnimada in Tehran ay dhisto hub nukliyeer ah — arrin ay Iran si cad u diiday.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iran oo aargoosi ka dhiganeysa ayaa weerar gantaal ah ku qaaday saldhiga weyn ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Qatar.
Wax yar kadib qoraalkii ugu dambeeyay ee Trump ku daabacay baraha bulshada, la-taliyaha Khamenei, Cali Larijani, ayaa isna soo saaray digniin u gaar ah.
"Trump waa inuu ogaadaa in faragelinta Maraykanku ku sameeyo arrintan gudaha ah ay ka dhigan tahay xasillooni-darro ku faafta guud ahaan gobolka isla markaana burburisa danaha Maraykanka."
Laakiin qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha, faragelin ka timaadda Maraykanka way soo dhoweyn lahaayeen.
"Waxay [ciidamada ammaanka] aad u cabsadaan, ilaa lafahoodu gariiraan marka uu Mudane Trump wax yiraahdo ama marka uu Mudane (Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin) Netanyahu wax yiraahdo," ayay haweeney dhalinyaro ah oo ka qaybqaadanaysay mudaharaad ka socday Tehran u sheegtay barnaamijka Newshour ee BBC.
Iyadoo doorbidaysa in aan magaceeda la shaacin si ay nafteeda u badbaadiso, waxay sheegtay in mudaaharaadayaashu sanado badan dalbanayeen taageero ka timaadda Maraykanka, sababtoo ah ciidammada ammaanku "waxay aaminsan yihiin in haddii Trump wax yiraahdo uu ficil ahaan u fulin doono", sidoo kalena "way og yihiin in haddii wax dhacaan ay iyagu qaadi doonaan cawaaqibka."
Ugu yaraan siddeed qof ayaa la soo wariyey inay ku dhinteen ilaa markii dibad-baxyadu bilaabeen axadii.
Laba qof ayaa ku dhintay isku dhacyo u dhexeeyay mudaaharaadayaasha iyo ciidammada ammaanka ee magaalada Lordegan oo ku taalla koonfur-galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars oo ah mid rasmi ahaan u dhow dowladda iyo ururka xuquuqda aadanaha ee Hengaw, kuwaas oo sheegay in dadkii dhintay ay ahaayeen mudaaharaadayaal, magacyadoodana ay ku sheegeen Ahmad Jalil iyo Sajjad Valamanesh.
Saddex qof ayaa lagu dilay Azna iyo mid kale oo lagu dilay Kouhdasht, kuwaas oo dhammaantood ka dhacay galbeedka dalka, sida uu warisar Fars. Ma sheegin in ay ahaayeen mudaharaadayaal ama xubno ka tirsan ciidammada ammaanka.
Qof kale ayaa lagu dilay Fuladshahr, bartamaha Iran, halka hmid uu ku dhintay Marvdasht, koonfurta dalka.
BBC ma awoodin inay si madaxbannaan u xaqiijiso dhimashada dadkaas.
Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya baabuur la gubay inta ay socdaan isku dhacyada u dhexeeya mudaaharaadayaasha iyo ciidammada ammaanka.
BBC Persian waxay xaqiijisay muuqaallada muujinaya mudaharaadyadii Khamiista ka dhacay Lordegan, Tehran, iyo Marvdasht.
Mas'uuliyiinta Iran xilli hore waxay sheegeen in xubin dhallinyaro ah oo ka tirsan ciidammada ammaanka lagu dilay Arbacadii magaalada galbeed ee Kouhdasht. Laakiin mudaaharaadayaashu waxay sheegeen in ninkaasi uu ka mid ahaa safkooda, oo ay ciidammada ammaanku toogteen

Xigashada Sawirka, Rueters
Jimcihii, ayaa la sheegay in isku dhacyo ay ka dhaceen xafladda aaska ninkaas oo ay ka soo qaybgaleen kumannaan qof oo baroordiiqayaal ah. Xubnaha ciidammada ammaanka ee dharka ciidamada ku labisan ayaa isku dayay inay naxashka aydka ah qaadaan, balse dadka ayaa ku soo xooray oo ka qaaday.
Mudaaharaadyadu waxay ka bilaabmeen Axaddii Tehran, halkaas oo ganacsato dukaamada leh ay ka carooday hoos u dhac kale oo weyn oo ku yimid qiimaha lacagta Iran, rial-ka, marka loo eego doolarka Maraykanka suuqa furan.
Talaadadii, ardayda jaamacadaha ayaa ka qaybqaadatay, mudaharaadyaduna waxay ku fidiyeen dhowr magaalo, iyadoo dadku ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah hoggaamiyayaasha diimeed ee dalka.
Tan iyo markaas, mudaharaadayaal badan ayaa ku baaqayay in la joojiyo xukunka Khamenei. Qaar ayaa sheegay inay doonayaan in dib loogu laabto boqortooyada.
"Ma haysanno nooc kasta oo xorriyad ah halkan," ayuu yiri mudaaharaadaha la hadlay BBC. "Maalin kasta ayaan dagaallannaa — maalin kasta waxaan wajahnaa waxyaabaha ugu adag. Waxaan rabnaa in aan soo afjarno [nidaamka], xitaa haddii ay ku kacdo nafaheenna, waxba ma haysano."
Mudaaharaadyadani waxay noqdeen kuwa ugu baahsan tan iyo kacdoonkii 2022 ee ka dhashay geeridii Mahsa Amini, haweeney dhallinyaro ah oo booliiska anshaxa ku eedeeyay in si khaldan u xirneyd xijaabteeda, laakiin mudaharaadyadani ma aha kuwo miisaan ahaan la mid ah kuwii hore.
Madaxweynaha Masoud Pezeshkian ayaa sheegay inuu dhegeysan doono "dalabaadka sharciga ah" ee mudaharaadayaasha.
Laakiin Xeer-ilaalinta Guud ee dalka, Mohammad Movahedi-Azad, ayaa ka digay in isku day kasta oo lagu abuuro xasillooni-darro lagu wajihi doono "falcelin go'aan leh".













