Sidee Khudbadihii Jimcaha looga hadlay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

Xigashada Sawirka, X
- Author, Ibraahim Maxamed Aadan
- Role, Weriye BBC
Khudbadihii Jimcaha ee maanta ayaa masaajido badan oo ku yaalla magaalooyinka Soomaaliya waxay kaga hadleen go'aanka Israa'iil ay ku aqoonsatay Somaliland. Inta badan khudbadaha jimcaha ee koofurta ayaa lagu iclaamiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid aan la jabin karin, isla markaana diinta Islaamku aysan marnaba ogoleyn kala qeybsanaan qaran.
Sidoo kale, waxay sheegeen in gobollada Waqooyi ee hadda loo yaqaan Somaliland ay yihiin gobollo Soomaaliyeed oo aan ka go'i karin Soomaaliya inteeda kale. Culimaa'udiinkii khudbadaha jeedinayay ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Somaliland inay ka baxaan heshiiskii ay la galeen Israa'iil oo ay dib ugu soo laabtaan "qarankooda".
Dadkii halkaas ka hadlay ayaa soo qaatay aayado qur'aan ah iyo axaadiis sheegaya in dowladda Israa'iil ay ku eedeeyeen in ay si joogto ah ugu xad gudubto xuquuqda Muslimiinta gaar ahaan shacabka reer Falastiin, sidaa darteedna in aan la siin karin sharci.
Waxay Israa'iil ku tilmaameen "dawlad gumayste ah oo doonaysa inay dhulka Muslimiinta la wareegto". Waxa ay ku dhawaaqeen in heshiiskii Israel iyo madaxda Somaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo aan waxba ka jirin.
Mid ka mid ah culumaa'udiinka oo ka hadlay mid ka mid ah masaajidda, Sheekh Daahir Caddow ayaa sheegay in Israa'iil ay dhibaatooyinkii ay ku heysay caalamka Islaamka u soo wareejisay Soomaaliya. "Israa'iil waxay dhibaato ku haysa caalamka Islaamka oo dhan, waxayna dhibaatadaas u keeneen dalkeenna."
Sheekh kale oo la yiraahdo Cabdillaahi Gaab ayaa isna yiri "Dhibka reer binu Israa'iil hore ayey uga digtay diinta Islaamku, Allaah ayaa qur'aanka kariimka ah noogu sheegay, wax Israa'iil laga faa'iidayo ma jiraan".
Tan iyo markii ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay 26-kii Disembar in ay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, waxaa soo baxayay cambaareyn ballaaran oo ka imaaneysay qeybaha bulshada oo ay ku jiraan culumaa'udiinka, waxaana dhacay dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo tallaabadaas.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ayaa waxaa ka dhacay bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland, waxaana lagu qabtay isu soo baxyo lagu taageerayo go'aankaas.
Tobaneeyo waddan iyo ururo, oo ay ku jiraan Turkiga, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Midowga Afrika, ayaa dhaleeceeyay ku dhawaaqista lama filaanka ah.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay xoojinta midnimada ka dib markii Israa'iil ay dhawaan Somaliland u aqoonsatay dal madax bannaan.
Intii uu socday kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Danjire Wang ayaa xaqiijiyay in Shiinuhu "ay sii wadayaan taageerada buuxda ee midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".
Barre waxa uu carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay ilaalinta danaha qaranka iyo ilaalinta midnimada dhulkeeda.
Dawladda Soomaaliya ayaa todobaadkii la soo dhaafay soo saartay qoraal ay ku farayso masaajidyada Muqdisho in khudbadda jimcaha looga hadlo aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.













