Somaliland oo ka hadashay arrinta 'deegaameynta Falastiiniyiinta'

Xigashada Sawirka, Reuters
Somaliland ayaa ka hadashay hadallo iyo warar soo baxayey oo ku aadan in aqoonsiga Israa'iil aqooonsatay Soomaaliland ay dano gaar ah ku wadato, in kasta oo Somaliland iyo Israa'iil aysan si furan u soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo.
Warbaahinta iyo dadka falanqeeya arrimaha diblomaasiyadda iyo siyaasadda waxay hadal hayaan laba qodob oo Israa'iil dan u ah; In Israa'iil dooneyso in ay saldhig ku yeelato marinka badda cas si ay isaga ilaaliso khatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta halka qodobka labaad aysan Somaliland ilaa hadda ogolaanin, misna jaamacadda carabta ayaa ku doodaysa inuu ku jiro qorshe ay Israa'iil waddo oo ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka laga soo musaafuriyo dhulkooda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland Maxamed Cabdiraxmaan Xasan ayaa wareysi uu BBC siiyey ku sheegay in heshiisku yahay mid diblomaasiyadeed oo aanay ku jirin in arrin deegaameyn la xiriirta "dad raba inay Soomaaliland sumcadeeda hoos u dhigaan ayaa wada, arrintaas meel looga wada hadlay iyo cid isku soo hadal qaaday ma jirto dooddaasna ma taagna".
Waxa uu intaas ku daray sidoo kale in aysan jirin arrin ku saabsan in Israa'iil saldhig Militari ka dhisan doonto deegaamadaas "arrintaasi lafteedu waa mid aan meesha ku jirin oo aan la isku soo hadal qaadin, sida aan filayo waa arrin la doonayo in lagu waxyeeleeyo damaashaadka iyo farxadda ictiraafka" ayuu yiri.
Agaasimaha ayaa adkeeyey in Falastiiniyiintu xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan dhulkooda, isla markaana xal kasta oo waara uu ku imaan karo oo keliya wada-hadal siyaasadeed oo caddaalad ku dhisan, halkii laga qaadi lahaa dad dhan oo laga dejin lahaa dhul kale.
Go'aanka Golaha Ammaanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Tan iyo markii uu soo ifbaxay Aqoonsiga Israa'ill ee Soomaaliland waddamada caalamka badankood ayaa iska taagay mowqif ah in la ilaaliyo madax bannaanida Soomaaliya, iyada oo shalay kulankii golaha ammaanka qaramada Midoobay looga dooday arrintaan waxa ayna si toos ah u cambaareeyn tallaabada Israa'iil.
Soomaaliya oo kulankaan ku matalaysay wadamada Algeria, Guyana iyo Sierra Leone, ayaa si adag u cambaareysay tallabada ay Israa'iil ku aqoonsatay Somaliland, iyada oo ku tilmaanatay "xadgudubka aan loo meel dayin" ee Israa''iil kula kacday midnimada iyo madaxbanaanida dhulkooda", halka Israa'iil, ay difaacday tallaabada ay ku aqoonsatay Somaliland.
Agaasime Maxamed Cabdiraxmaan oo weydiinay sida ay u arkaan go'aankii xalay ka soo baxay kulankii Golaha ammaanka ee QM, waxa uuna ku jawaabay "Anagu waxaa u arkeynaa inaan garawshiyo helnay, waxaana aamisannahay waddamada qaar qoraallada ay aqriyeen in xaqiiqda dhabta ah aysan ka tarjumeyn oo aysan waxba ka ogeyn, waxaana is leenahay waa ku fashilmeen dowladda Soomaaliya ama kooxdii Muqdisho, in Soomaaliland arrinteyda ay hor istaagaan" ayuu yiri Maxamed.
Dhanka Ammaanka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka ammaanka oo mid ay dad badan walaac ka qabeyn haddii Israa'iil heshiiskeedu horseedi doono in ay saldhig ka sameysato Soomaaliland, oo ay keeni karto qalalaase amni, balse agaasimaha ayaa taas ku tilmaamay arrin aan suuragal ahayn "Soomaaliland waxay halkaan kusoo gaartay waa midnimada dhexdeeda ah, waana fahamsannahay warbixinno meelaha qaar kasoo baxay oo kooxaha xagjiriinta ah soo jeediyeeen oo warbaahinta qaar buunbuuninayaan" ayuu yiri.
Xorriyadda hadalka iyo madax banaaninada saxaafadda ayaa la soo sheegayaa in ay jiraan dad loo xir xiray kadib markii ay kasoo horjeesteen aqoonsiga Israa'iil, inkasta oo uu agaasime Maxamed beeniyey arrintaas. "Maya haba yaraatee majirto, Somaliland waa dal dimoqaraadi ah, madax banaanida warbahintu haysataa mid maanta hal qof ama xukumadi wax ka qabaneyso maaha, Somaliland wax kasta oo ka dhaca banaanka ayuu yaalaa, runtii arrintaasi haday jirto ha soo cadeeyaan".
Israa'iil waxa ay noqotay dalkii kowaad ee si iskiis ah u aqoonsada Soomaaliland, iyada oo dhaleeceyn badan kala kulantay dalalka dhiggeeda ah. Sidoo kale waxa uu ku soo aaday xilli dowlado badan ay ku loolamayaan gacanka cadmeed iyo marinka baabul mandab.
Somaaliland waxa ay rajeeneysaa in ay aqoonsi ka hesho dalal kale sanadka soo socda "dalal kale waa rajeenayaa sanadka cusub, shaqadaas waa noo taalaa, rajo bandanna waa qabnaa". ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland.













