Maxaa ka soo baxay kulankiii la wada sugayay ee Trump iyo Natenyahu?
- Author, Amy Walker
Donald Trump ayaa sheegay in uu rajaynayo in si dhakhso ah loo gaadho wejiga labaad ee qorshaha nabadda Qasa, isagoo uga digay Xamaas in ay la kulmi doonto "ciqaab daran" haddii aanay si degdeg ah hubka u dhigin.
Madaxweynaha Maraykanka oo hore u soo bandhigay qorshihiisa nabadeed ee ka kooban 20-ka qodob oo waajibinaya in kooxda Xamaas ay hubka dhigto, ayaa hadalladan jeediyay xilli uu Florida kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, Isniintii.
Shirkaas jaraa'id ee ay wada qabteen labadaas hoggaamiye kaddib, Trump wuxuu sheegay in Israa'iil ay "si buuxda u fulisay qorshahan", inkastoo ay weli socdaan weerarro millitari oo ka socda Qasa.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uu taageeri karo weerar kale oo balaadhan oo ka dhan ah Iiraan haddii ay dib u bilowdo dhismaha barnaamijyadeeda gantaallada riddada dheer ama hubka nukliyeerka.
Mar la weydiiyay sida ugu dhakhsaha badan ee Xamaas iyo Israa'iil ugu gudbi karaan wejiga labaad ee qorshaha nabadda, Trump wuxuu yidhi: "Waa sida ugu dhakhsaha badan ee aan awoodno. Laakiin waa in hub ka dhigistu dhacdaa."
Isagoo ka hadlaya Xamaas, wuxuu yidhi: "Haddii aanay hubka dhigin sida ay ku heshiiyeen, markaas waxay la kulmi doonaan ciqaab daran. Waa inay hubka dhigaan muddo aad u gaaban gudahood."
Trump ayaa sidoo kale sheegay in dib-u-dhiska Qasa uu "bilaaban karo waqti dhow."
Qorshaha nabadda Qasa ayaa dhaqan galay bishii Oktoobar. Marka la gaadho wejiga labaad, waxaa la dhisi doonaa xukuumad farsamo oo ka hanaqaadda dhulka uu burburka xooggan soo gaadhay, Xamaasna waxay dhigi doontaa hubka, halka ciidammada Israa'iil ay ka bixi doonaan. Kaddibna waxaa bilaaban doona dib-u-dhiska Qasa.
Hase yeeshee, dadka dhalliiila arrimahan ayaa soo jeediyay in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu isku dayi karo in uu dib u dhigo hirgelinta qorshaha, isaga oo taa beddelkeeda ku adkaysanaya in Xamaas ay hubka dhigto ka hor inta aanay ciidammada Israa'iil ka bixin.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuusan rabin inuu si dhab ah ula falgalo arrinta mustaqbal siyaasadeed oo ay leeyihiin Falastiiniyiinta.
Dhanka kale, saraakiisha Xamaas ayaa sheegay in hub ka dhigis buuxda ay tahay inay barbar socoto horumar laga sameeyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay, ugu yaraan 414 Falastiiniyiin ah ayaa ay Qasa ku dileen ciidammada Israa'iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.
Ciidammada Israa'iil, oo gacanta ku haya in ka badan kala bar Qasa ayaa sheegay in ay rasaas fureen oo keliya markii lagu xadgudbay xabbad-joojinta. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Xamaas in ay mas'uul ka tahay dilka saddex askari oo Israa'iili ah muddadaas.
Intii lagu jiray shirkaas jaraa'id ayaa Trump sidoo kale waxa uu ka digay in Maraykanku uu qaadi doono weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah Iiraan haddii la ogaado in ay adeegsanayso goobo kala duwan si ay u horumariso hubka nukliyeerka.
Bishii Juun, Trump ayaa ku andacooday in weerarro cirka iyo gantaallo uu Maraykanku qaaday ay "baabi'iyeen gebi ahaanba" xarumaha nukliyeerka Iiraan. Iiraan ayaa beenisay in ay doonayso horumarinta hub nukliyeer ah.
Trump wuxuu sheegay in uu "akhrinayay warar" sheegaya in Iiraan ay adeegsanayso "goobo kale oo suurtagal ah" oo ka duwan kuwii la beegsaday xagaagii.
Iiraan, oo bishii Juun la gashay Israa'iil dagaal socday 12 maalmood, ayaa Isniintii cambaaraysay wararkaas, iyada oo ku tilmaantay "hawlgal" oo lagula beegsanayo Tehran.
Waxay sheegtay in ay si buuxda diyaar ugu tahay is-difaacid, islamarkaana uga digtay in xadgudub kale oo dib loo soo celiyo uu keeni doono "cawaaqib ka sii daran" oo ku wajahan Israa'iil.
Wadahadallada Trump iyo Netanyahu ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray meelo kale oo xiisado goboleed ka taagan yihiin, oo ay ka mid yihiin Suuriya iyo kooxda hubaysan ee Xisbullah ee Lubnaan.
Dhinaca kale labada hoggaamiye ayaan soo qaadin arrin kale oo la filayay in kulankooda ay kaga wada hadlaan oo ku saaban aqoonsigii ay Israa'il dhawaan siisay Somalialnd.
Netenyahu ayaa todobaadkii la soo dhaafay u sheegay madaxweynaha Somaliland in Trump uu kala hadli doono arrintan














