Gobolka Soomaalidu degto oo FBI-du sheegaty in ay baarayso wax is-daba-marinta maaliyadeed

FBI

Xigashada Sawirka, Youtube

Hay'adda FBI-da ayaa sheegtay inay kor u '' qaaday' baaritaanda dada gobolka Minnesota iyadoo agabka baarita iyo u dirtay gobolkaas sida uu axadii sheegay agaasimaah FBI-da Kash Patel, tani oo tusaale u ah baaritaanada musuqmaasuqa ee maamulka Trump ee inta badan lagu bartilmaameedsaday soogalootiga Soomaaliyeed ee gobolka.

Mas'uuliyiinta federaalka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay in Minnestoa ay tahay xarun ay bulshada Soomaalidu ku lug leeyihiin malaayiin dollar oo ka timid dowladda federalka oo la musay, kuwaas oo lagu talagalay adeegyada bulshada.

Difaacayaasha xuquuqda muhaajiriinta ayaa ku eedeeyay maamulka inuu baaritaannada khiyaanada u adeegsanayo marmarsiiyo lagu beegsanayo muhaajiriinta Soomaaliyeed guud ahaan.

Qareen Amiin Haarun ah sharci yaqaan deggan gobolka Minnesota ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada uu sheegay Patel ay ka mid tahay wax soo socday baryihii dambe.

"Waxaa moodaa dowladdii Maraykan ee aan naqaanay iyo hay'addihii rasmiga ahaa isbaddel weyn baa ku dhacay, waxaa meeshii qabsatay madax Baraha Bulshada laga hago oo wixii markaa halkaas wareegaya inay ka dhigtaan xog iyo xaqiiqo iyagoon u aabbo yeelaynin in xogtaas sax ama qalad tahay, waxaa ku cad hadda baaritaanka uu iclaamiyey Kash Patel inuu sal uga dhigayo wax la soo galiyey muuqaalo la soo galiyey baraha bulshada." ayuu yiri qareen Amiin.

Wuxuu sheegay in muuqalada la wareejiyey Baraha Bulshada oo ay dad gudbiyeen uu ka dhiganayo mid uu ku saleeyey hadalkiisa.

Amiin Haaruun

Xigashada Sawirka, Amin Harun

Qoraalka sawirka, Amiin Haaruun

Patel ayaa Axaddii xusay "warbixinno dhowaan lagu daabacay baraha bulshada ee Minnesota," isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Si kastaba ha ahaatee, qoraalkiisa uu ku daabacay X ayaa yimid laba maalmood kaddib markii muuqaal internetka lagu baahiyay uu muujiyay xarumo xanaano carruur ah oo la sheegay inay ahaayeen kuwo aan shaqayn, balse helay lacag dadweyne, taas oo qayb ka ahayd shabakad ballaaran oo lagu eedeeyay hawlo khiyaano ah.

Xildhibaan Mareykan ah Tom Emmer, oo ah Jamhuuri ka socda Minnesota, ayaa muuqaalka ku baayiyey baraha bulshada maalintii Jimcaha, isaga oo ka dalbanaya Tim Walz inuu ka jawaabo. Madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa isaguna muuqaalka soo dhigay bartiisa X oo taageerayashi la wadaagay.

FBI-du waa ka gaabsatay inay bixisay faahfaahin dheeraada oo ku saabsan hadalka Patelk. Xafiiska guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz kama jawaabin codsi ay Reuters u dirtay si ay uga jawaabaan hadalka madaxa FBI-da.

Qaar ka mida dadka lagu soo oogay dacwado musuqmaasuq oo waaweyn oo dhawaan looga dhawaaqay gobolka Minnesota ayaa asalkoodu yahay Soomaali, sida ay sheegtay CBS News, iyadoo soo xiganaysa xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Minnesota.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ka tirsan Jamhuuriga, ayaa baaritaannadaas ku tilmaamay dhaleeceyn uu u jeediyay soogalootiga Soomaaliyeed ee dibadda ku nool iyo Tim Walz, oo ahaa musharrax Madaxweyne-ku-xigeen oo ka tirsan Dimuqraadiga doorashadii 2024.

Maxaa ka dhalan kara hadalka Patel?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qareen Amiin Haruun ayaa sheegay in hadda sida ay wax ku socdaan ay ula muuqato wax ka gudbaya xayn daabyadda sharciga ah " haddii hay'adda FBI, wax baarayso baaritaan kama aysan hadli jirin, laakiin in masuulkii ugu sarreeyey haya'addasi baraha bulshada soo dhigo Soomaalida baaraynaa waa wax la yaab leh, dad iyo qoomiyad gooni ahna lama baari karo oo dambiga shaqsi baa galay ee qoomiyada dambi ma wada gasho "ayuu yiri.

Wuxuu intaas raaciyey in tani soo kordhin karo dhowr waxyaabood

"Runtii waxan is leeyahay dadka muwaadiinta Maraykanka ah ee asalkooda ka soo jeedaan Soomaaliya iyo dadka nooge Soomaalida oo deggan Minnesota marka inay caga juglayn iyo handaad u geystaan ayey soo kordhinaysaa. Waxa kale oo ay soo kordhinaysaa in dad nacaybku biyo dhigay inay siiso fursad ama u arkaan inay tahay in Soomaalida dhibaateeyaan runtii waa war an masuul looga baran"ayuu BBC-da u sheegtay Amiin Haaruun.

Soomaalida deggann gobolka Minnesota ayaa waayadii dambe la kulmayey cadaadisyo xooggan oo kaga imaanayey madax ka tirsan maamulka Trump. Madaxweyne Trump qudhiisa ayaa dhowr jeer oo kala duwan weerar afka ku qaaday Soomalida.