Dhegeyso: Mudaaharaadkii ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland

Qoraalka Codka, Dhegeyso: Mudaaharaadkii ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland
Dhegeyso: Mudaaharaadkii ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland

Isu soo baxyo waaweyn ayaa maanta lagu qabtay dhawr magaalo oo ku yaala Soomaaliya kuwaas oo looga soo horjeeday go'aankii Ra'isul Wasaaraha Israa'iil uu ku sheegay in uu Somaliland u aqoonsaday dal madaxbannaan.

Magaalooyinka ay bannaanbaxyo ka dhaceen waxa kamid ah Muqdisho iyo Laasacaanood.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo joogay dibad bixii saaka ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium ayaa warbixintan noo soo diray.